Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Dhibaatada Ciidanka Puntland Heysata, bal Akhriso qisadan

Mid ka mid ah Ciidanka ilaalada xuduudaha ee Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Siciid ayaa sidaan yidhi 


Magacayga waa Maxamed Siciid waxan ahay dable ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudaha ah, waxaan ku sugan ahay deegaanka Tukaraq

Waxaa jiida hore nagu soo booqday saraakiil ka tirsan Darawiishta Puntland kuwaas oo u soo diray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxay inoo sheegen in qof weliba soo gudbiyo xaaskiisa magacaeeda iyo lambarkeeda, waxay inoo sheegen saraakiishu in qof weliba oo ciidanka ka tirsan in loo biili doono xaaskiisa iyo caruurtiisa, lacagta mushaharkana iyagu u qaadan doonan halka anagana caafimaadkeena iyo cuntadeena naloo qabo iyo weliba xaqul jaadka/Qaadka

Muddo Shan bilood ah kaddib waxaan dib ugu soo laabtay xaaskeygii iyo caruurti, Maxaan la kulmay !!

Xaaskeygii Rayaan gurrigeedii aan uga tegey kolkii aan soo galay waxaan imid gurrigii oo ay joogan tolkii iyo ehelkii gabadha aan ka qabay, waxaan weydiiyey maxaa dhacay ? Naxdin ayaana wadnaha iga gashay

Waxaa la iga hor keenay dagaal waxana la ii sheegay in gabadha waraaqdeeda aan halka soo dhigo madama illaahay nabad qab igu keenay, waxanse weydiiyey sababta arrinta, waxaa la ii sheegay in aan wax biil ah xaaskeyga iyo ilmahayaga aana siinin, waxaan isweydiiyey kuwii lambarada iyo halkaa xaaskagu joogto ka qoranayay maxay kaga qorteen hadiiba aan la bixineen mushaharkaga oo ubadkagu ka qatan yahiin, ma sidaasa ciidan difaace dal ku aha ???

Xilligan waa isaga baxay ciidanka Puntland ee Darawiishta, ma waxaa jira qof dhihi kara ciidanka ka sii mid ahow adigoo caruurtada iyo xaaskagu baahi u dhiman adiguna aad difaac dal ku dhiman ..

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement