Maanta oo kale 8 January 2014, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa loo doortay Madaxweynaha Puntland isagoo kaga guuleystay
madaxweynahii xilkiisu dhamaaday Cabdiraxmaan Faroole cod hal dheeri ah, Dad badan Cabdiweli waxay u arkayeen Isbedel cusub iyo horumar ay ku talaabsatay dimqaaradiyada Iyo Hoggaan wanaaga aay Puntland yeelato, hayeeshe rajadaasi ay dad badani ku talamayeen waxa isku gudbay caad iyo mugdi rajo xumo oo hareeyey hanaanka u la soo banbaxay Cabdiweli Maxamed.
madaxweynahii xilkiisu dhamaaday Cabdiraxmaan Faroole cod hal dheeri ah, Dad badan Cabdiweli waxay u arkayeen Isbedel cusub iyo horumar ay ku talaabsatay dimqaaradiyada Iyo Hoggaan wanaaga aay Puntland yeelato, hayeeshe rajadaasi ay dad badani ku talamayeen waxa isku gudbay caad iyo mugdi rajo xumo oo hareeyey hanaanka u la soo banbaxay Cabdiweli Maxamed.
Dad badan waxay ku dhaliili jireen Maamulkii Hore ee Faroole macangagnimo, xil-marooqsi, caburinta aragtida bulshada, Musuq iyo kobcinta danaha Bahdiisa si ka duwan danaha dalka iyo deegaanka. Haddaba Cabdiweli Maxamed Cali Gaas markii u yimid xilka waxaa u talaaboyin deg-deg ah ku si qaaday wadadii u hore u jiideyey ninkii u ka dhaxlay xilka , waxaadba mooda in ay ku rumoowday oraahda Eebe weyne "أتواصو به بل هم قوم طاقون" "Miyeey isu dardarmeen ficiladooda runtii iyagu waa koox gardaran''.
Haddaba markii aan u soo daadegno Waxqabadka Cabdiweli miisankana aan saaro hawlahii shaqo ee u qabtay maamulkiisu mudadii sanadka aheyd ee u xafiiska joogay, Waxaa marag ma doonto ah in ay arrintu tahay ''Jugjug meeshadii joog'' halkii hore loo taagna in gadaal loga noqdo ma ahee aan hore loga socon, hadii sidaa muuqata ay Puntland sanadkan ku dhamaysato si la mid ah kii inaga tegey waxa hubaal ah in maamulo dhowaan sameysamay ay Puntland ka mug iyo qiimi badnaan doonan (Tusaale: Koonfuur galbeed) Si kastaba ha ahaate hadii aan wax ka mid ah idiin soo-qaado wixii ugu cadcada ee Cabdiweli Gaas u qabsoomay sanadka tegey ee ay Indhahu arkayaan waxaan hoos idiinkugu soo tixay qeybo ka mid ah:-
1. Dhismaha Runway-ga ee garoonka diyaaradaha Bosaso:
Maahmaah carbeed ayaa ah (Qayladii yeerta qola ku liibanta) guud ahan mashruuc dhismaha garoonka Bosaso waxaa u qaatay ku dhowaad muddo 10 sano ah iyadoo ilaa hadana uusan si muuqata aysan u dhamaystirmin hawlaha dhismo ee garoonku, hase ahaate intii ku beegneyd mudadii u xilka hayay Gaas waxaa jirta arrin laga yaabo in aysan la socon in badan oo dadka Puntland kamid ah ; waxaan ognahay in loo weeciyey duulimadyadii garoonka bosaso dhanka magaalada Qardho oo ah Hoyga Marwada Madaxweynaha Hodan, ma xuma, lakiin arrinta meesha ku jirta ayaa ah xeelad dhaqaale abuur oo u masuulku ku naas-nuujin reer xididkiis. Hadii ay sidaasi aheyn adba caqli ayaa leedahee garoonka Qardho hore maxaa logu isticmaali waayay?! Ama maxaa logu wareejin wayay duulimadyada garoomada kale ee deegaanka ?
2. Safaro iyo Dalxiis:
Markii aad akhriso labada erey ee kor ku xusan waxaa laga yaaba inu maankaaga ku soo dhaco Tamashleyn hudheelo qurxan iyo booqashada dalal shishiiye in kasta oo ayba jiraan intuba hadana safarada iyo dalxiiska Cabdiweli markaani waxay ahayeen kuwa gudaha ah oo u marba deegaan burbursan iyo dad dacdarreysan ugu tegeyey isagoo ku dhex jira Kolonyada gawaarida aysan rasaastu karin, kaddibna isku dul sawirayay wejiyada maatida ay dhibaatadu halakeysay iyo xeebaha ay burcadu baraaqsatay
3. Musuq & Eex
Labadan waa kuwa caan ka ah deegaanada Puntland oo isagu uguma horreeyo sidaan aaminsan ahay, balse wuxuu laba baac dheer yahay kuwii ka horreeyey, Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Tan Waxbarashada ayaa noqday goobta Musuqa iyo garabeeshinka
4. Shiishada Iyo Hablaha
Hadii aad ku maqashay shiishada in ay tahay dhaqan carbeed ama ay tahay wax ay ku mameen qaar badan oo ka mid ah dumarka qurba joogta ee Soomaaliyeed, tani waxay maanta taala gurrigii Madaxtooyada ee Garoowe. Waxaa laga yaaba inaad ii beenisid lakiin sow shahiid kuguma fila Guddoomiyahii hore ee gobolka Mudug Md. Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo bombada isagu hore u qarxiyey.... Mida ku sabsan hablaha Madaxtooyada garoowe waxay hooy u noqotay hadba hablaha Puntland toodi bilicdasan in kasta oo dhaqankani u yahay mid xaajo ugub, lakiin waxaa inagu filan inaan ku qanacno hadal heyska Soomaaliyeed ee ah 'Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban'
Ugu Dambeyntii Dhammaan aqoonyahanka, indheer garadka iyo shacabka Puntland guud ahan waxaan u jeedinaya in ay isku taagan badbaadinta dhulkooda iyo Aayo ka talinta mustaqbalka jiilasha imaan doona ee Puntland, kuwaas oo maanta mustaqbalkoodii ay dad aan u diirnaxeyn carrada ku rogayaan. Si gaar ah waxaan ula hadlaya Qalinlayaasha Reer Puntland kuwaasi oo in badan oo ka mid ah in ay runta sheegan ka hor-istaagtay nin jecleysi, ina adeersi, Iyo jiro qabiil, lakiinse runtu waxay tahay cadaalad gaarimeyno ilaa midka xumida sameeya aanu nirahno waad xumeysay si kastaba ha inoo xigee abtirkiisa kan samida iyo wanaaga sameyaana aan iraahno waad suubisay si kastaba ha inoga dheeradee abtirkiisa.
Yusuf Ali Adan
Yusufcali@outlook.com
Yusuf@Yusuf.so
0 Comments