Dawlad FASHILANTAY, waxaa dhashay BULSHO FASHILAN ama FASHILANTAY, sida dawlad FASHILANTAY
ay u dhasho URUR ama HAY’AD FASHILAN! Marar badan, warbixinnada lagu lafaguro; musuqa, dibaadinnimada, maamulxumada iwm ayaan safka hore ka galnay Soomaali ahaan, haddana, waxaan filaa inaan la is weydiin; qaybta ay ku leeyihiin waxa nagu xeeran, ee dawlado iyo ururro leh.
Sida dawladeennu u FASHILAN tahay, ayaa dawlado Geeska Afrika ku yaallaa, u fashilan yihiin, haddana, la kala roon, mar haddiiba wax unkan yihiin iyo meel aanba waxba ka jirin. Sidaa si la mid ah, waxaa u FASHILAN ururrada gobolka, oo uu ugu horreeyo IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ee noqday, barta dhibka Soomaali laga maleego badidii, heer uu gaaro, in lagu soo qoondeeyo qaabka loo qaybsanayo gobollada dalka.
IGAD (Intergovernmental Authority on Development) Waxaa la unkay gugii 1986dii, oo loogu gundhigay, sida magacaba ka muuqata, inuu qayb ka qaato HORMARINTA(Development) balse, u xuubsiibtay HERTINTA, inuu u qaabsanaado, kala qaybinta, qoqobka iyo qabyonimada. Markii ugu horraysay, waxaa wada dhistay, dawladaha kala ah; Soomaaliya, Jabuuti, Ugaandha, Keenya, Itoobiya iyo Suudaan. Halka ay dib uga soo darsoomeen;Erateriya iyo Koofurta Suudaan. Labada dal, dhibka ururkan aad u saameeyey waa;Soomaaliya iyo Erateriya.
Waxaa Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya, ka dhacaya markii u horraysay tan markii uu dhacay taliskii kaligi taliye Maxamad Siyaad Barre (Aabbaha Burburka Soomaaliya) shirka 53-aad, ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka IGAD.
Ha moodin inay tahay markii u horreysay ee shirka IGAD lagu qabto Soomaaliya, oo Sanadkii2005tii ayaa kulankii 26-aad lagu qabtay magaalada Jowhar, oo xarun u eheed Dawladdii Dalladda Qabqabyalaasha. Iska fiiri, oo baro taariikhda, ee yaan lagu marin habaabin.
In ay tahay fursad iyo faa’iido ka sokow, haddana, waa fidno, fadqalallo is huwan. Si kale, waa macaan iyo qaraar isku laban, maxaa yeelay, magaalada uu shirku ka dhacayo, dawladaha ururkan ku jira, waxay dhibka ku fiirsadeen in ka badan 17sano, ka dibna, Itoobiya ayaa isku dayday inay qabsato, iyadoo caddaanka iyo reer galbeedka gacan iyo ka helaysa gaashaandhig, haddana, Keenya ay koofurta fog iyo Kismaayo iska laaqatao.
Isweydii; sidee shir loogu tilmaami karaa, marka Kenya, Kismaayo iyo gobollada Koofurta fog ay xoog ku haysato, halka sidoo kale, Xabashidu ay Baydhaba, Hiiraan iyo Galguduud, maalinna ka baxdo maalinna soo gasho? Ma sinnaan baa mise waa silcin? Adigu tilmaam u goob.
Dhanka kale, shirkani wuxuu dad badan oo LAAND iyo LUUQ nagu wareershay u yahay madax xanuun, naxdin iyo murugo hor leh, halka uu dad kale u yahay rajo nabadeed iyo naruuro soo iftay, balse, labada midba, waxaan marna laga indha saaban karin, in Muqdisho ay mar walba joogaan kuwii sidan ka dhigay, ama sabab u noqday, kuwa hadda silica ku haya iyo kuwa maalin walba Mooshinka la taagan. Xasuuso, kuwii mooshinka ka keenay shirkadda Favori, ee maamusha Garoonka, ee dakhliga Garoonka kor u qaadday boqolkiiba kotan.
Magaalada Muqdisho, iyada oo ewelba iska eheed xabsi kor ka furan, oo dadka deggan ay yihiin maxaabiis aan is ogayn, ayaa waxay markan noqotay xabsi dhab ah, oo erayada ugu badan, ee laga maqlo magaaladaa ay tahay; (DIB U LAABO), sababtoo ah, waddooyinkii oo dhan waa la wad xiray, gaar ahaan kuwooda soo gala, ama u dhaw xarunta shirka iyo goobaha dawladda.
In duruuf amni keentay qof walba ayaa dareemi kara, haddana, si kale in loo maareeyo ayaa habbooneed iyo ugu yaraan, in muwaadinka ku yimaad jid xiran, si deggan ama dabacsan loogu sheego in jidkan u xiran yahay sababo amni, balse, (DIB U NOQO) qallalan, oo laga yaabee inay la socoto qori ku taagid, waa hubaal inaysan haybadda dawladnimada shirka laga duggaalayaa inaysan ahayn.
Xasuusnoow, marka 2005tii shirka lagu qabtay Magaalada Jawhar, ma jirin waddo xiran, mallaasheeyo laami tuban iyo qof qori sanka kaa galinaysay, haddana, qofka waxa magaalada Baariis ka socda daawada, oo ciidan aan tirayarayn ay radinayaan 2wiil, waxaan filaa inuu quus ka istaagi doono xaalka Xamar iyo dawladdaba, micnaha ugu qiilin doono.
IGAD ha I GAADIN! URUR asal ahaan hore u FASHILMAY, haddana, wali FASHILAN, shir kii ah, oo ay ka qaybgalaan dawlado FASHILAN, ayna marti galiso dawlad FASHILAN, ee lagu qabto magaalo FASHILAN, oo ay goobjoog ka yihiin madax FASHILAN, waxa laga filan karaa, oo kaliya, waa natiijo FASHILAN!
Ka sokow, shirka waa in lagu soo bandhigaa, aragtida Soomaalidu qabaan, ee ah in Soomaaliya laga saaro ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika; dawladaha safka hore, ee kala ah; Itoobiya, Keenya iyo Jabuuti. Maxaa yeelay, waa aragti Soomaali u dhantay, marka reebo kuwii shalay keensaday Xabashida, ee aaminsan inaysan Ajnabi la’aantii noolaan karin, iyo kuwa hadda ku haya dalka. Waxaan la yaabaa, waxa kala duway shalay iyo maanta, oo shalay loo diiddanaa Xabashida, maantana loo oggol yahay, haddana, Keenyaaba ku soo biirtay.
Inta aragtida an in Soomaaliya laga saaro ciidammada safka hore laga meermeerayo, waa hubaal, in shir walba oo kan ka weyn, la cayn ah ama ka yar, ee ka dhaca Somaaliya iyo meel ka baxsan, oo ay qayb ka yihiin dawladaha IGAD inuu noqonayo, IGADEEY: HA I GAADIN! Haddaba, si loo helo kalsooni iyo is aaminaad, waa in la helaa jawi uu iman karo, oo ay ugu horrayso, in dawladahani gartaan, wax u hirgali waayey 20kii sano, ee la soo dhaafay, inaysan maanta u hirgalayn, oo Soomaaliya, ay si toos ah u danaynayaan dalwadihii ewelba ay wakiilka uga ahaayeen, marka candhuuftooda gadaal ha u liqaan, dhulkoodana ha iimaansadaan.
Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama waddani, maanta ayaa looga fadhiyaa sidii oo kale. Waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay, shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arrin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona.
Haddaan waddanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacastuna waa nagu badatay.
Dadka waxaan ka dareemayaa dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay.
Ugu dambayn, kala garta gunnimo iyo gobnimo, kala garta qabiil iyo qaran, kala garta diin iyo diimaysi, kala garta xukun doone iyo xoreeye, kala garta caadifad iyo dhab, kala garta xigto iyo xaasid, kala garta gacal iyo guhaad wade, kala garta gabbaadka iyo goobaynta.
Bashiir M. Xersi
0 Comments