Dad badan ayaa xasaasiyad ku qaba jacaylka qabiilka
, iyagoo mar kasta ku kala saaraya qabiil iyo qabyaalad oo ah walaalo xidhiidhsan sidaa Ilkaha, kuwa badan oo Soomaalida ah waaba inkirsan yahiin in isir-soomaaligu yahay hal qoys oo meel ka wada yimid ayna dhammaan dadkeenu yahiin walaalo taas bedelkeeda waxaa la aaminsan yahay in aan nahay kuwa kala sarreeya
Aqoonyahankii Soomaalida ee hore waxaa ka mid aha kuwa aqoon-durugsan u leh dhaxalka iyo faiidada qabiilka, Allah ha u naxariiste Cabdullahi Suldaan Timacadde wuxuu yidhi "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane" hadii aan been odhan lahayn maanta waa u jeedna khasaaraha qabiilku dhaxalka innoga dhigay oo ah dil, kufsi, burbur dowladeed, mid dhaqaale, aqoon la'aan dhinac kasta diin ama cilmi bulsho.
Nabi Muxamed Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa eebe ha yeele wuxuu yidhi Isagoo muslimiinta kala dardarmaya qabiilka "Waa sidaa baqti uurayo oo kale" bal ka warran kuwa baqtiga jacaylka xun u qaba ? Marna qudhmuun ugama soo uuro miyaa ?
Intaa badan wadaada diintu waxay u kala saaran qabiil iyo qabyaalad labo, iyagoo ku dooda Aayadda Eebe ee odhan "Dadoow waxaan idiinka abuuray lab iyo dhadig, waxaana idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan..." dabcaan wadaadu waa kuwa qabiil lagu dhalay oo ka soo miinguuriyey kuwa qabiilka weli ku faana, dabcaan Eebe isagu arrintan wuxuu uga gol'laha keliya in Aabbahu ama Ubadku kala ogsoon yahay kan dhalay iyo kan u dhalay si aan loo noqon xayawaan muhiimada Aayaduna waa keliya is-aqoonsi
Fa'iidada ugu weyn ee qabiilka Soomaalidu ka dhaxashay waa; Dulmi, dirir, cadaalad la'aan, jaahilnimo, Aaminad la'aan, shaqsi jacayl iyadoo la fiirin qabiilka, quursi iyo qab aan meel jirin
Dhinaca wada-dhalashada iyo hal ahaanshaha dhammaan Soomaalidu waa mid la fahmi, waayo ruux Soomaaliya kagama qaldami karo mid ajnabiya midab kastu leeyahay
Dadka Soomaaliyeed waa walaal aan marna la kala saari karin oo wada-dhashay keliya waxaan dhihi karna waa ul iyo diirkeed aan meelna u kala hari-karin, isagoo tilmaami Cabdiqaadir Xirsi Yamyam Eebe ha u naxariiste walaalnimada iyo in Soomaalidu tahay mid qudha wuxuu yidhi:-
Obokh iyo Hargeysiyo
Nugaal oogadeediyo
Ardaayada Shabeelliyo
Ilaa beesha Enef-dii (NFD)
Afartiisa gees iyo
Muqdishoo unuunka ah
Ummaddayda joogtee
Diin iyo af keliya ah
U eg anigu saan ahay
Aabbiyo adeer iyo
Eeddiyo ayeeyaba
Oday qurihi wada dhalay
Ee alif kordhaban iyo
Aayadaha Quraanka ah
Hikaad keliya ku akhriya
Waa kala ab yaa yiri?
Nugaal oogadeediyo
Ardaayada Shabeelliyo
Ilaa beesha Enef-dii (NFD)
Afartiisa gees iyo
Muqdishoo unuunka ah
Ummaddayda joogtee
Diin iyo af keliya ah
U eg anigu saan ahay
Aabbiyo adeer iyo
Eeddiyo ayeeyaba
Oday qurihi wada dhalay
Ee alif kordhaban iyo
Aayadaha Quraanka ah
Hikaad keliya ku akhriya
Waa kala ab yaa yiri?
Arraxmaan Raxiimow
Waad iga ogsoon tahay
Ammuuraha na haystoo
Qoladaad albaabbada
U furtaa ma oontoo
Abaar iyo kulayl iyo
Eedaadka gaajaan
La adkaysan weynoo
Ummaddayda baahida
Wawga ashtakoodee;
Arsaaqdii dhulkoodood
Irmaanow tiraahdiyo
Aqli aan ku garanniyo
Addimmo aan ku maalliyo
Xaqdigoon illowniyo
Mid ahaanshaheenniyo
Sabool laga adkaadaan
Ku weyddiistey Eebbow!
Waad iga ogsoon tahay
Ammuuraha na haystoo
Qoladaad albaabbada
U furtaa ma oontoo
Abaar iyo kulayl iyo
Eedaadka gaajaan
La adkaysan weynoo
Ummaddayda baahida
Wawga ashtakoodee;
Arsaaqdii dhulkoodood
Irmaanow tiraahdiyo
Aqli aan ku garanniyo
Addimmo aan ku maalliyo
Xaqdigoon illowniyo
Mid ahaanshaheenniyo
Sabool laga adkaadaan
Ku weyddiistey Eebbow!
Ogow wuxuu eebe ku abuuray, katag qabiilka ama qabyaalada dishay ubadka, jooji ka faanka Soomaalinimo oo dadkaga dhinaca ka raac, midab waad la wadaagta, afkana kagama duwanid, ha noqon mid fikir qalloocan qaata ee noqo mid fikirka suubban wax ku maqla.
Waxaan nahay Walaalo dhammaanteen, Waa inaan isku aqoonsana magaca inaga dhaxeeya, kan aan isku naqano marka aan qurbaha joogno kolka aan dalkeena dhex-joogno kaasi oo ah "Soomaali ayaan ahay adiguna ma Soomaali ayaa tahay"
Ugu dambeyn waxaan idiinka tegin dardarankii Allah ha u naxariiste Xuseen Awfaarax Dubbad u yidhi:-
Howlaha danteena
iyo horumarkeena
Hayb hayb la sheegtiyo
Habar habara joogte
Haween iyo rag maantaba
Ayaynaan u kala hadhin
iyo horumarkeena
Hayb hayb la sheegtiyo
Habar habara joogte
Haween iyo rag maantaba
Ayaynaan u kala hadhin
Ku Mahadsaniid Waqtigaga Akhriska.
Yusufcali@hotmail.com
0 Comments