Waxaa la yiri: "Qofka caaqilka ahi waa kan saddex waxyaabood joogteysta, ha yeeshee aan badsan: Cuntada, socodka iyo galmada. Waxa kale oo la yiri:
"Geedka ninku waa sida candhada xoolaha, haddii la liso wuu dararaa oo godladaa, haddii la daayana wuu guraa. Nin tilmaamaya siduu galmada u jecel yahayna wuxuu yiri: "Saddex baan la’iga maareyn karin: Hilib la cuno, hilib la koro (sida fardaha) iyo hilib hilib lagu liso (sida haweenka)".
Nin baa asagoo wiilkiisa la dardaarmaya ku yiri: "Wiilkeeyow, dumar la xaajoodkood haku dheeraan yaanad ka xiisin ayana kaa xiisa dhicine, inaad ka joogsato adoo u jeellan baana laguu qaatay intay adoo jilcan ku jiidjiidi lahaayeen".
Culimada Islaamka qaar uu Cali bin Abii-Daalib (RC) ugu horreeyaa waxay go’aamiyeen in ninku u galmoon karo xaaskiisa hal jeer afar iyo labaatankii saacba (habeen iyo maalin), inayba dhiig qabto mooyee, halka qaar kale ka gooyeen inuu afartii maalmoodba mar u tago, maadaama uu Alle afar dumar ah u banneeyay, hadduu caddaalad wax ugu qaybinayana ay mid waliba afartii maalmood maalin leedahay. Tiradaasi -bay leeyihiin- intaas wuu ka yarayn karaa ama ka badin karaa, ha yeeshee waa inuu xaaskiisa la tashadaa, il gaar ahna ku eegaa rabitaankeeda, inkastoon haween la harraad goyn karin.
FAA’IIDOOYINKA GALMADA:
1- Jirka iyo maskaxda ayay firfircooneysaa
2- Dareemayaasha ayay fududeysaa3- Madax wareerka ayay bi’isaa
4- Waswaaska ayay qofka ka qaaddaa
5- Waxay xoojisaa aragga, wanaajisaa wadnaha, kaalmeysaana qashin saarka kilyaha
6- Dhiiggay cusbooneysiisaa
7- Waxaa ku bogsada dadka balqanku faraha ba’an ku haayo
1- Maskaxda iyo murqaha ayay qallajisaa
2- Fahmada iyo fudaydka ayay qofka ka qaaddaa
3- Jirka iyo lafaha ayay daalisaa
4- Cumriga qofka ayay soo dedejisaa
Yusufcali@outlook.com
DHIBAATOOYINKA GALMADA:
0 Comments