Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Nin Shaydaan ku waashay

Nin ayaa wuxuu markasta maqli jiray ayadoo dadka leeyihiin nacalaa shaydaan ku taal, "nacalatullaah ibliis"
si aad ah ayuu u dhibsaday ka dibna dadki ayuu kala hadlay oo ku yiri "Walaalayaal ka daaya naclada shaydaanka miskiinka ah maxaa idiin daba dhigay oo intaa u maagtaan hala nabad geliyo" dadki way yaabeen!!!,
Habeen dambe isagoo hurda ayuu shaydaanki oo isa soo qurxiyay (Nin wanaagsan iska soo dhigay) riyo ugu yimid, wuxuu ku dhahay saaxiib "Waad ku mahadsantahay sida aad iigu hiilisay ee maxaa jeceshay oo aan kuugu abaal gudaa ? ... Ninkii oo si aad ah u faraxsan ayaa yidhi "Walaalkeey shaydaanow kacbada ayaan jeclahay, inaan soo xajiyo ayaana rabaa ee igu taageer fadlan" "Hagaag, dushayda soo fuul" ayuu ku yidhi, kaddib wuu kaxeeyay oo wuxuu meel fog ka tusay kacbada "Waa taas ee ka hor inta ad gelin orod suuliga gal oo soo xaaja gudo" ayuu ku yidhi ninki, isagoo faraxsan ninkii ayuu suuligii beenta ahaa galay kaddib Maxaa dhacay !!!!
...................
Sariirtiiisii ayuu kaadi iyo saxaro ka buuxiyay kaddibna, hurdada kasoo baraaruugay mise wixiiba waa riyo shaydaan isla daqiiqadi isaga ayaa afkiisa laga kari waayay "nacalaa shaydaan ku taal" ku yidhi isagoo qaylinaya "Nacalatulllaah calaa shaydaan ibliis allaha naclado" Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




Yusufcali@outlook.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement