Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Golaha Wasiirada ‪#‎Somalia‬ oo ka kooban 20 Wasiir, Hambalyo.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa soo magacaabay golahiisa wasiirada oo ka kooban 18 Wasiir

''Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaasna ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaan aniga oo og muhimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaaqalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caaway”
“Waxa aynu la soconaa in mudooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana ahan arrin lagu sii jiri karo. Waqtiga gaaban awgiis, waxaan hadda soo gudbinayaa magaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha” Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Magacyada Wasiirrada 
1. Maxamed Cumar Carte Ra'iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga 
2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta 
3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka 
4. Maxamed Aadan Ibraahim "Fargeti" Wasaaradda Maaliyadda 
5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga 
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda 
7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada 
8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda 
9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga 
10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka 
11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta 
12. Cali Axmed Jaamac "Jangali" Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada 
13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa 
14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha 
15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha 
16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska 
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha 
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga 
20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement