Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Yemen waxay ku hoos jirta Raxmadda Xuutiyiinta!

Madaxweynihii Yemen Cabdi Rabbi Mansuur Haaddi iyo Ra'iisul Wasaarihii dalkaasi ayaa iscasilay
, iyagoo sheegay iney ku guuldarraysteen iney wax qabtaan hawlihii loo igmaday, gaareena meeel oodan ah oo aan waxba laga qaban karin.
Iscasilaaddan ayaa imanaysa ka dib markii Kooxda Hubaysan ee Xuutiyiinta oo dhammaadkii sannadkii hore qabsaday Caasimadda Sanca ay galeen Qasriga Madaxtooyada ee dalka looga arrimiyo iyagoo ku andacoonaya inaan la fulin heshiishkii nabadda iiyo shuraakada ama wax-wada-yeelashada ee xilli hore ay gaareen Dawladda Yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta, kaaso ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobey.
Shalay waxaa dhacay heshiis kooban oo dhex maray Dawlada Yemen iyo Xuutiyiin oo lagu meelmarinayey dalabaadkii ay soo gudbiyeen Xuutiyiinta. Sidoo kale, waxaa shalay soo baxay cod la duubay oo ku aaddana wadahadal dhexmaray Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo xukunka looga tuuray kacdoonkii dadweyne ee Yemen ee qaybta ka ahaa Kacaankii Guga Carabta iyo hoggaamiye Xuutiyiinta ka tirsan, waxana codkaasi oo dood ka dhaliyey Yemen uu ahaa Cali Cabdalla Saalax oo talooyin siinaya Xuutiyiinta si hawlgalkoodii Sanca u guuleysto, waxana halkaa ka muuqata in Saalax uu taageeray hawlgalka Xuutiyiinta..
Cali Cabddala Saalax iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa lagu eedeeyaa iney taageereen ololihii dagaal ee guuleystay ee Jamaacada Xuutiyiintu ku galeen Sanca, kuna qabsadeen dalka guud ahaan. Cali Cabdalla Saalax taageeradiisu waxay ku salaysan tahay damac uu ku doonayo inuu awoodda ugu soo noqdo ama ugu yaraan uu qayb weyn uga noqdo quwadaha siyaasadeed ee dalka Yemen.
Taageerada Iran waa mid muhiimad istaraatiijiyadeed oo durugsan leh, waxana ay dooneysaa iney awoodeeda ku ballaariso gobolka Bariga Dhexe oo ay abuurto Dawlado iyada hoos taga (Satellite States) waxana ay dooneysaa iney kor u qaadda awoodda shiicada maaddaama ay loolan kula jirto Dawlaha Khaliijka ee Sunniga ah ee ay hormuudka ka tahay Boqortooyada Sucuudiga ee Carbeed.
Iran waxay gacansiisaa Madaxweynaha dagaalamaya ee Suuriya Bashaar Al-asad, kooxda hubaysan ee reer Lubnaan ee Xisbu Laah iyo Dawladda ay shiicadu hoggaamiso ee Ciraaq, waxana sidoo kale ay taageero siisay iskudaygii dhiirranaa ee dadka shiicada Baxrayn ku doonayeen iney iska tuuraan Boqortooyada Sunniga ah ee dalkaasi, iyadoo xitaa lagu eedeeyo kacdoomo yar yar oo Shiicada ku nool Sucuudiga ay kaga horjeedeen boqortoyada reer Al Sucuud.
Qabshada Xuutiyiinta ee Awoodda Yemen iyo baaqooda ah iney soo dhisayaan Gole Madaxtooyo oo awoodaa dalka si ku-meelgaar ah usii haynaya waxay sii cakiraysaa xaaladda gobolka oo aan deganayn ama ay ka jiraan daggaalo iyo loollan dhinaca isu-dheelitirnaanta awoodda ah.
Ma cadda moqifka ay qaadanayaan dalalka Khaliijka oo ay ugu horreyso Sucuudiga marka la eego xaaladda sida deg degga ah isu beddeshay ee Yemen, laakiin waxaa la hubaa in aanay oggolaan doonin in Yemen noqoto Dawlad hoos tagta Iran si la mid ah dalalka reer Galbeedka oo aan taa oggolaan doonin.
Yemen oo dhowaan noqotay dal Federaal ah oo ka kooban 6 gobol, waxaa haysta caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo amni. Waxaa jira kacdoon ay wadaan dadka Konfurta ee Cadan xaruntu u tahay oo doonaya in nidaamka Federaalku noqdo laba gobol oo waqooyi iyo Koonfur ah, haddii kale ay go'ayaan iyadoo xilli horeba hoggaamiyayaasha Koonfurta diideen iney amar ka qaataan Sanca. Sidoo kale, dalkaasi waxa uu hoy u yahay Al-qaacidada Jaziiradda Carbeed, waxana ku baahsan hubka iyadoo ay ka jiraaan dagaallo qabali ah iyo kuwo ku dhisan dhinaca awoodda. Dhinaca dhaqaalahana waa caqabad kale oo dalkaasi haysatay tan iyo xilligii uu dalkaasi ka bilaabmay kacaankii isbedel-doonka ah ee maanta tan laga dhaxlay.
Yemen maanta ku hoos jirta raxmadda Xuutiyiinta, waxay leedahay saaxiibo badan oo Carab iyo reer Galbeed ah, waana isbahaysi Maraykan oo dhinaca la dagaalanka argagaxisada ah, umana badna in loo hilmaamo sidii Soomaaliya haddii ay burburto ama kala daadato.
Cabdirashiid Muuse Siciid
Abdirashid Muse

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement