Walantix waa doob ku nool tuulada Buruc, oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka
Bari, Noloshiisa wuxuu ku maamula jilaabka Kaluunka, wuxuuna la shaqeysta bad-dhac reer Buruc ah
Walantix waxay is barteen Dhuuxey, Dhuuxey waa gabar reer Qandala ah balse Buruc kula nool Abtigeed Xuur Kaarshe, Wuxuna u sheegtay dadka deegaanka Buruc inu ka mid yahay Ama qoyska meesha degan
Waa soo doontay gabadhii Dhuuxey, wuxuuna u yimid abtigeed Xuur Kaarshe, Waana la siiyey, Waxaa dhacay Arooskoodii, Waxana lagu aqalgeliyey Shalaad iyo Digri
Markii gabadha loo aqalgeliyey oo laga soo dareeray arooskii ayuu gabadhii ulaa soo baxay calaamado Jinka, gabadhii Dhuuxey waa cabsatay
Asbuuc kaddib waxay arrintii uga warantay Abtigeed, waxaana la damcay in gabadhii laga qaado, balse waa u la baxsaday gabadhii wuxuuna la galay Buuraha Xaysiimo meel ka mid ah oo la dhaho Haani-Roortay oo caan ku ah gurashada xabkaha iyo fooxa
Dadka deegaanka Qandala iyo Buruc waxay ciidamo u soo direen Xaysiimo, Walantix wuxuu dhankiisa ka helay Qabiilada Jinka ee saalo iyo sakiin oo degan Buuraha Hantara gurmad ciidan, dagaal culus ayaa labada dhinac dhexmaray...
Dagaalkii Walantix iyo kooxdiisi jinka aheyd waa ku guuleysteen, waxayna dhegta dhiiga u dareen Insigii soo duulay, In badan oo dhulkii Xaysiimo waxaa la wareegay Jinkii Walantix iyo kooxdiisa, Guusha weyn kaddib waxaa loo doortay Boqorka Jinka Xaysiimo.
Yusufcali@outlook.com
0 Comments