Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Cali Cabdi Awaare oo ugu cad cad xubnaha u sharaxan xilka Ra’isalwasaaraha

Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah siyaasiyiinta sida
uga dhex muuqdey siyaasada Soomaaliya sanooyinkii ugu dambeeyey ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in uu ugu cad cad yahay xubnaha xilka Ra’isalwasaaraha u sharaxan, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Cali Cabdi Awaare oo ka mid ahaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha Puntland mudo ku dhaw 10 sano ahaa wasiir ka mid ahaa maamuladii Puntland soo maray, xilala kala duwan ka soo qabtey dawladihii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta xiligan la aaminsan yahay inay kaalin weyn ka geysan karaan isu soo dhawaanshaha Ummada Soomaaliyeed, isla markaana kaalin ka gaysan kara dib u heshiisiinta iyo baahinta maamulka.

Mr Awaare waxaa lagu tiriyaa siyaasi qunyar socod ah siyaasidiisuna aanay cidna u gaysan xanaf iyo gef, waxaa lagu tirayaa nin aad u af gaaban oo hadalada uu ku hadlo si weyn uga taxadara, isagoo aanay jirin cid si gaar ah uga tirsanaysa colaadeed siyaasadeed.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Cali Cabdi Awaare uu ka mid yahay xubnaha miiska u saaran magacaabista xilka Ra’isalwasaaraha, waxaana jirtey in isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Axmed ay bishii hore ku kulmeen magaalada Jibuuti, lamina oga waxyaabaha ay ka wadahadleen hase yeeshee waxay u badan tahay in ay isla soo qaadeen isbadalada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare wuxuu ku leeyahay sumcad aad u balaaran dhulalka Soomaalida waxaana haddii loo magacaabo jagada Ra’isalwasaaraha ay wax weyn ka tari doontaa siyaasada Soomaaliya oo jiho qura isugu ururta maadama uu yahay shakhsi qabyaalada aad uga fog jecelna waxqabadka iyo dadaalka dawladnimo

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement