Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Bisadii jiirka cafiska u fidisay.

Bisado (Yaanyuuro) ayaa shir jaraa'id qabtay
, waxay go'aan ku saxiixeen inaan la cuni karin Jiirka (Dooliga) ... Shirka waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Bisadaha Mr- Curi oo isagu go;aanka ku dhawaaqay 

Dooliga ayaa dhankiisa qabtay shir ballaaran oo dhammaan qoyska Jiirku ka soo qeyb galay, shirka waxaa loga hadlay sidaa loo arko go'aanka bisadaha 

Jiirkii wuxuu isku wafaqay in guddi xaqiiqo raadin ah arrinta ama go'aanka bisadaha loo saaro, waxaana xubno ka noqday 7-Toddoba Jiir oo u horkacayo jiirkii weyna ee Bac-dalooshe 

Toddobadii Jiir ayaa tegey xuruntii go'aanada ee Bisadaha, waxay iyagoo foojigan ku dhaheen "War go'aanka qaadateen ma mid xaqiiqa ???...'' Mr-CURI oo ah atoorka Bisadaha ayaa ku jawaabay "Waa go'aan xaqiiq ah, waana garanay sidaasi...''

Jiirkii wuxuu dib ugu noqday xuruntii Jiirka waxayna la hadleen Dooliyadii kale oo dhan waxay dhaheen ''Go'aankii Bisadahu waa mid sax ah...'' Madaxweynahii Jiirka ayaa yidhi hal su'aal ma idiin weydiin kara ??? 

Kolkaasay dhaheen ''Haa'' 


Wuxuu yidhi ''Diibka (Dabada) ma ruxeysay markii ay idiin jawaabeysay???'' Markaasu ku jawaabay Guddoomiyahii gudddiga xaqiiqo raadinta Md. Bac-dalooshe ''Allaa ma iyadaba joojisay....'' 

Madaxweynahii Dooliga ayaa kolka yidhi ''War naga gala guryahiina.... wax cafis la dhaho ma jire...'' 


Hadalka Guud - Xilligan dad badan ayaa laha Soomaalidu qabiilkii waa ka weynatay, balse runtu waa in ay ka sii xun tahay sidii hore xilligan qabyaaladu...


W/Q Yusuf Ali Adan
Yusufcali@outlook.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement