Salmo waa gabar yar oo ILAAHAY caqli ku manaystey waxay uga soocan tahay gabdhaha
asaageed ah garasho Hibo ah oo ay inta badan ku mutaysato amaan, da’deeda iyo fahamkeedu ma ahan mid isleh, maalin maalmaha ka mid ah ayaa iyadoo hortaagan albaabka qolkeeda waxay maqashay Aabaheed iyo Hooyadeed oo hadalo murugo xambaarsan ku hadlaya, waxay si nayad jab oo quus ah u dultaagan yihiin wiilkooda Saalim oo jiran wuxuu qabaa cudurka Kansarka maskaxda tiro ka dhawr jeer oo ay tageen goobo caafimaad oo qaarkood ay joogaan Dhakhaatiir quibrad iyo caannimo isu haysta waxba xaalada wiilka waa ka qaban la’yihiin.
Salma waxay maqlaysaa Aabaheed oo leh “waxa kaliya ee uu sugayaa waa albaabka geerida in uu furmo, maxaan haysanaa oo aan uggu raadin karnaa dhakhaatiir dunida caan ka ah, nolashiisu waxay ku jirtaa qatar”.
Waxaa Aabaha u jawaabaysa Hooyada leh “Waxa kaliya ee badbaadin karaa waa mucjiso”, intaasi markii ay tiri Salma waxay horey u sii gashay qolkeeda waxay furtey sanduuqeeda lacagta kaasi oo ay ku gurto sanuuda haraaga ah ee ka soo harta adeega guriga kuwaasi oo loogu tala galay in ilaalinta deegaanka loogu xafido sanduuqaas, balse ma ahan lacag wax badan goysa, waxay ka heshay dhawr sanuud lacagtaasi waxay ka yar tahay wax badan xitaa hal shilin.
Iyadoon waalidkeed waxba u sheegin ayay qolkii ka baxday waxay horey ugga sii gudubtey alabaabkii waxay abaartey Farmashi ku dhawaa gurigooda, markii ay albaabka ka gashay dad loo adeegayey ayaa ka horeeyey, safka ayay dhinaceeda ka gashay, ma jirin dareen gaar ah oo uu siinayey ninka Farmashiilaha ah gabadha yar ee 8 sano jirka ah, goor dambe ayuu su’aalay “Maxaad u baahan tahay?”.
Salma oo naxsan kornna u eegaysa Farmashiistaha ayaa leh “Waxaan u baahanahay inaan iibsado mucjiso”
Kalkaaliyihii caafimaad wuxuu leeyahay “Adeer ma iibinno mucjiso”.
Salma waxay ku celisay su’aal kale Kalkaaliyihii caafimaad “Fadlan ma ii sheegi kartaa meel aan ka iibsan karo oo laga heli karo mucjiso?”.
Kalkaaliyihii isagoon jawaabtay doonaysay siin Salma ayuu ku yiri “Imisa lacag ah ayaad wadataa oo ku doonaysaa inaad ku iibsato mucjiso?”.
Salma waxay tiri “Nafteyda iyo qadaadiicdan halka shilin aan dhameyn ayaa haystaa”.
Kalkaaliyihii oo dhoolo cadeynaya ayaa ku leh Salma “Maxaad ugu baahan tahay inaad u iibsato mucjiso?”.
Salma waxaa qalbiga uga taagan mucjisada ay hooyadeed sheegtey in ay badbaadin karto walaalkeed taasi oo ay doonayso in ay u iibiso, waxay ku tiri Ninkii Farmashiga “Walaalkey ayaa xanuunsan waxaana doonayaa in uu u iibiyo Mucjiso uu ku bogsado”.
Kalkaaliyihii caafimaad waxaa ku dhacay in ay gabadha yar la walwalsan tahay walaalkeed oo xanuunsan waxaa kale oo u soo baxday in mucjisada la sheegayaa ay tahay daawo iyo dabiib caafimaad, ka markii gabadhii waydiiyey guriga ay degan yihiin, farmashigii ayuu xiray ka dibna gurigii ayuu tagey wuxuu ku arkay wiilka yaraa oo sariir dulsaaran oo ay dul fadhiyaan Aabihii iyo Hooyadii markii uu waydiiyey xaalada wiilka loona sheegay in dhakhaatiir badan loo geeyey ay wax ka qaban waayeen ayuu yiri “Waxaa jira dhakhtarad hadda wadanka timid oo ku xeeldheer daaweynta cudurada kansarka maskaxda inna keenna oo aan u gaynee wiilka”.
Sidii ayaa lagu baxay Salma lagama tagin illeyn cid kale oo guriga la joogtaa ma jirtee, waxaa la gaaray xarunta dhakhtaradu fariisan jirtey, waxaa laga codsaday dadkii sugayey in la hormariyo wiilka yar ee aadka u xanuunsan, dhakhtaradii bukaankii markii ay baartey waxay sheegtey in uu u baahan yahay qaliin rajadiisu tahay nolol ama geeri 50%, waalidkii way aqbaleen.
Dhakhtaradii dadkii sugayey ayey u xilsaartey dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo al shaqeynayey waxay bilowdey diyaarinta qaliinka iyo baaritaanadii loo baahnaa laba saac ka dib waxay gudashay qaliinkii wuxuu qaatey sadex saacdood.
Salma iyo waalidkii wiilka waxay fadhiyaan qaybta sugitaanka Isbitaalka waxay dhararayaan qaliinka inta uu socdo iyo natiijada ka imaan doonta.
Sadex saac ka dib dhakhtaradii oo dhoolocadeynaysa ayaa soo baxday waxay ugu bishaaraysay Aabihii iyo Hooyadii qaliinkii lagu guuleystey oo wiilkii laga saaray buro maskaxda uga dhexjirtey uuna Isbitaalka ku jiri doono maalmo si loola socdoo xaalkiisa.
Salma iyo waalidkeed farxad ayaa saaqday ka dibna waxaa la soo wada eegay Salma oo hadlaysa oo leh “Waa mucjadisii aan u soo iibiyey walaalkey, waa kaas Hooyo mucjisadii aad u baahnayn”.
Hal mar ayaa lagu soo booday oo kor loo qaaday dhakhtaradii timaha ayay ka salaaxaysaa Salma waxayna ku leeyihiin wadajir “Haa waa runtaa waxaad u soo iibisay walaalkaa mucjisadii”.
Macnaha sheekada wuxuu yahay in caqliga iyo xikamadda ilmaha xiliyada qaar dhugmo loo yeesho.
0 Comments