Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Salaj malaj ''Jinkii Sheexaariga aha"

Waa Salaj malaj Iyo xaaskiisi Gorbo oo degan deegaanka Tuulada Timirshe ee gobolka Bari, Intaa badan kolka dadka u ka qayliyo jinku waa kuwa
qur'aan lagu aakhriyo deegaanada, waxana dadka logu wici jiray nin la odhan jiray Xuliye, balse Salaj malaj Iyo Xaaskiisu waa dhegoole oo qur'aanka lagu akhrin maba maqlayan…

Waxay keliya wax ku maqli waa dil iyo karbaash, dadka ay ku jirana waa la garaaca intaa badan taas oo sahasha inay ka baxaan dadka in kasta oo aysan aheyn jin bixid og

Waxaa Soomaaliya ka dhacay dagaalo, dadkii reer miyiga aha ee deegaanka Timirshe waxay u guureen dhulka magaalka ah gaar ahan magaalada Bosaso, Salaj malaj iyo xaaskiisi gorbo waa ay kala lumeen oo isagii wuxuu raacay nin, iyadiina waxay raacday Naag dadka deegaanka ah

Isaga ninku la socday wuxuu degay xaafada raxiis ee magaalada Bosaso, halkaa iyadu naagtii ay la socotay deegaan ka dhigatay xaafada laanta hawada ee Bosaso, Muddo sanado ah waa is baafinayeen labadii jin ee Salaj iyo xaaskiisi, lakiin wax akhbaar ah iskama helin

Maalin ayaa midba dhinaciisa qof kale ugu guuray oo u galay, Qadar alle iga dheh…

Waa labo qof oo kale waxay galeen, waxaa la keenayaa Shiffo ku taalay magaalada Bosaso, Wadaadadii waa ka quusteen saarista jinkan, waayo waa dhegool maxay ka maqal qur'aan lagu aakhrinayo, waxaa la wacay saaxirkii weyna ee reer garoowe Kumbuter… balse isaguna waa ku guul dareystay saarista jinka

Is helidii lamaanaha ayaa halkaasi ka dhacday oo subax iyagoo qur'aan lagu kala akhrin aye hal meel iskugu guureen oo labadii qof ay galeen mid ka mid ah waa ka baxeen oo naagtii ayaa laga baxay, waxayna u wareegeen Nin

Salaj malaj ayaa goor laga quustay arrintiisi oo ehelkii ninku yaaban yahiin wuxuu u sheegay reerkii ninka u galay arrin la yaab leh…. 

''Waad igu wareerteen annigu waan ka baxaya ninka lakiin shuruud ayaan wota?..'''

Waan aqbaleyna shuruuda waana fulineyna ee balan ma tahay inaad ka bexeyso… ayaa reerkii u direen Salaj malaj oo fariinta u gudbinayey Jin wareegto ah, Micnaha jinka dadka kale ka dhex hadla ee aan aheyn ka qofka ku jira

Hagaag, Hadda aqbaleysan shuruuda, ''Waxaan u baahan ahay Xildiid iyo Xaar dameer in la isku shido, labo neef la qalo oo dhiigooda aan cabno, Sidoo kale waxaan u baahan ahay in ninka (Waa kan ay ku jiraane) in naagtiisa habeen dambe intaa is nadiifiso si iyadoo ninkaada u la joogo ay qolka keligeed seexato…." Waa la fuliyey shuruudahii dhamaan, balse Isweydiintu waa Salaj malaj muxuu falay ?????

Yusuf Ali Adan
Yusufcali@outlook.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement