Waa qiyaas hore, waxaan ku sugan ahay magaalada
Aden (Cadan) ee dalka Yemen waxaan ahay Saaxibul-Maal micnaha Masuul ayaan ka ahay doon waxaa iska laha doonta Oday Reer Bari ah, balse waxaan kaga shaqeyn jiray Yemen Iyo Somalia, annigu xilligaas waxaan arriga ama xoolaha ka soo qaadi jiray Xiis Iyo Maydh waxaana soo gelin jiray dalka Yemen gaar ahan Cadan Bishii labo jeer ama Saddex jeer ayaana keeni jiray arri, Maalin waxaa dhacday annigoo rabaa inaan baxo oo kiro xoolo soo qaado ayaa suuqa Macala waxaa igu yimid nin wuxuu igu yidhi doonta kiro degdeg ayaan kugu haya oo ilaa Bayla ah, lacag aad u badana waa igaga kireystay weliba qaar ka badan lacagta isla meeshii ayuu igu dhiibay
Hawshii ayaa bilaabatay, Dekedda cadan ayaana soogalay, alaabtii ayaa doonta la saaray, isla markii waan dhaqaajinay oo doontii waa socotay, kolkii aan saddex saac soconay ayuu ii yeeray ninkii doonta kireystay wuxuu igu yidhi ''Shaqaalahaga u sheeg agteyda yey ku tukan annigu jinni ayaan ahay hana ii sheegin wax aan ahay shaqaalahaga iyo dadka kaleba oo aad la kulmi doontid.'' hagaag, Aniga cabsi ayaa ii gashay waan baqday... waxaana igu abuurmay welwel aad u badan
Subaxii dambe waxaan bariga u muujinay Boolimoog, wuu ii yeeray Jinnigii wuxuu igu yidhi ''Raashinka Iyo alaabta guud ahaan ii saaran doonta badda ha lagu shubo ama daadiyo, Anigu taasi waan aqbalay, balse shaqaalahii doonta dhib weyn ayaan kala kulmay oo waa iga diideen warkeygii... balse ugu dambeyn waa aqbaleen oo raashinkii iyo alaabtii dhamaaan badda ayaa lagu daadiyey
Ninkii odayga aha halkii ayuu iga hadhay, wuxuuna igu yidhi ''Waa inoo Cadan''
Kolkii aan imid magaalada Cadan ayaan arrintii igu dhacday waxaan uga sheekeyey oday ka mid ah odayaasha magaalada, lakiin dhowr maalin kaddib waxaa ii yimid Jinnigii wuxuuna igu yidhi ''Sirtii Nolosheena waad sheegtay, Balantiina waad ka baxday''
- Waxaan dareemay in Barwaaqada Iyo Nolosha dhibka yari dadka binu adamka ugu darto, Maalinta kaddib wax la ii sheegay oo sir ah ma sheegin
Yusuf Ali Adan
YusufCali@outlook.com

0 Comments