Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Difaaci Kowdiido (Dagaalkii Koobside iyo Huumbuuqe)

Waa labo jini oo tuugsada laguna kala magacaabo Koobside iyo Kowdiido, waa nin iyo naagtiisa
oo waa lamaane, waxayna ka tuugsadan tuulada Butiyaalo oo degmada Qandala wax yar u jirta

Keliya waxaa la arki jiray waqtiga subaxa ah, waana xilliga ay tuugsiga bilaaban, waa faqiirin waana kuwa jecel insiga (dadka)

Koobside wuxuu caan ku aha labo fool oo aad u dheer, halkaa naagtiisa Kowdiido lahayd hal naas oo dheer

Dadka ma dili jirin dhibaato kalena uma geysan jirin keliya waa tuugsan jireen, arroorta hore xilliga cadceedu soo baxdo ayaa dadka wax karsan siiba dumarka wax ka tuugsan jireen, marmarna magaalada Qandala ayee aadi jireen oo halkaas aye tujaarta magaalada xaafadooda wax ka tuugsan jireen
Waxay caan ka noqdeen tuuladii & magaalada Qandala iyo Nawaaxigeeda oo dhan, dadkuna ma dhibsan jirin ee waa u gargaari jiray

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u yimid jini socoto ah oo lagu magcaabo Haambuuqe kaas oo ka yimid deegaanka Halambooqan halkaas oo u nin jin ah ku soo dilay, wuxuuna gabaad aoo biday buuraha Butiyaalo halkaasi oo ay ku nool yahiin lamaanaha Koobside iyo Kowdiido

Kolku hal habeen la joogay qoyskii waxaa dhacday in naagtii Kowdiido ay jeclato ninkii haambuuqe aha sidaa sharciga jinku qabana naagtu ninka ay doonto ayew raaci kii ay doontana waa ka tegin, halkaasi waxaa ka dhacay dagaal faraha loga gubtay oo dhexmaray Haambuuqe iyo Koobside oo aha ninka qabay kowdiido

Dagaalka waxaa lug uga jabtay naagtii kowdiido waxaana halkaasi ka baxsaday jinkii doolka aha ee reerka safarka ugu yimid

Ugu dambeyn Koobside wuxuu xaaskiisi ka badbaadiyey Huumbuuqe

Huumbuuqe wuxuu dhumalaysi u galay buuraha Yibraha ee u dhaxeeya Qandala iyo Tuulada Dhurbo madama ninkii u soo dilay weli loo daba joogo dilkiisi.


W/Q Yusuf Ali Adan 
Yusufcali@outlook.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement