Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Dagaalkii *Cirfiidka (jini duleysan) & Oday Cadceed Dhukiye ee Timirta.

Maalin ayaa oday cadeed dhukiye wuxuu ka soo safray tuulada daamo isagoo ku
sii jeeda tuulada olog labada tuulo waa kuwa ku yaala deegaanka Seyn ee gobolka Bari (*Gardafuul) wuxuu halka u soo doontay *Timir, waa soo iibsaday timirtii wuxuuna ka soo baxay olog isagoo ku sii jeeda halkii u ka yimid ee daamo waxaa soo weeray kolku banaanka deegaanka ka sii baxay Cirfiid nooca aan *dabka lahayn, .... isagoo xantinaya (Soconaya) xaaxiga xeebta ayaa Timirtii waxaa ku damaciyey Cirfiid, balse oday cadceed oo muddo ku noola dhul xeebeedka iska difaaca cirfiidkana aqoon badan u laha, ayaa wax cabsi ah aysan gelin, wuxuuna akhristay qur'aan, balse cirfiidkii wuxuu isku dayay inu xoog isticmaalo balse waa iska difaacay oday cadeed, kaddib cirfiidkii wuxuu galay dib u gurasho xaalad dagaal sii u khibrada Oday Cadceed u bedelo, oo u mid ka duwan ulaa yimado

Isla markii wuxuu soo bedelay midabkii lagu yaqanay oo u caanka ku aha wuxuuna soo gashaday midab cad, dhexdana waa soo madoobeystay... Oday Cadceed wuxuu ka warhelay qof dharcad wota oo ku soo dhow, wuxuuna u qaatay nin saaxiibkiis ah oo lagu magcaabi jiray Hiirad Dhegool, war Hiiraad "asalama caleykum" ayuu yidhi Lakiin cirfiidka oo carab la' Ayaa ku celiyey salaantii carab la'aan isagoo leh "Sama calaykum" oday Cadceed talo ayaa ku cadatay oo meel u ka cararo ma joogo, wuxuu dhexgalay badda wuxuu aha odaygu quwaas ama quusa badd yaqan ah, cirfiidkiina wuxuu ka dabagalay badda, waxay noqotay nin waliba inu xirfada u badda u leeyahay u isticmaalo taasina waxay sababtay in dagaalkii badda u ku guuleysto oday cadceed, lakiin odaygu uma bixi karo banaanka waayo cirfiidkii banaanka badda ayuu fariistay oo ku suugaya odayga, oday Cadceed wuxuu go'aansaday ilaa iyo halkii u socdaalkiisu aha oo ah Tuulada 'Daamo" inuu dabaal ku tego halkaas oo ahayd goobtu safarka uga soo galay deegaanka kale ee olog

Nasiib wanaag waa la badbaaday timirtii cirfiidku ku soo weeraray oo dabaal ayuu ku tegey tuuladii "Daamo"

Dagaalka cirfiidka noocyadiisa kala duwan & dadka ayaa ah mid ku badan gobolka bari waana mid sanad waliba dhaca.

*Cirfiidku wuxuu u kala baxa
- Deegaanada gobolka Bari waa mid ku badan lakiin deegaanka UurCaleed cirfiidka ku badan waa kan Iftiinka leh

- Halkaa deegaanada Qandala, Caluula & dhulka badweynta Hindiya u ku badan yahay kan aan lahayn iftiinka

_ Labada Cirfiid waxaa qatarsan kan laheyn iftiinka waayo waa mid aad ka war qabin xili u ku soo galay & xili kale waxaana lagu garta keliya carab la'aanta

- Cirfiidku waa jini duleysan, waa bahal madow marna isticmaala midab iftiin ah wuxuu leeyahay gacan keliya waana cabsi iyo argagax mid leh qofka aan aqoonta u laheyn intaa badana waxaa loga guuleysta akhrinta Aayat kursiga

- Waxyabaha u jecel yahay waxaa ka mid ah

Timirta
Kaluunka
Sonkorta
Xamarta
Sanuunad (Xawashka, dhega yaraha, barfuunka, catarka & jaawaha iwm oo udgoon....."

- Gardafuul - waa deegaanada dhulkaasi xilligan ka tirsan yahiin maamulka ‪#‎Puntland‬ ayaa dhowaan u magacaabay ama u aqoonsaday gobol ka madax banaan Bari

Twitter- @Iamsomali
FB / YusufVIP

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement