Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Ururka Alshabaab oo dhagax ku dilay haweenay 33 jir ah

Ururka Alshabaab ayaa dhagax ku dilay haweenay ku noolayd degmada Baraawe ee
gobolka Shabeelaha hoose jimcihii shalay kadib markii maxkamadooda ay  kusoo oogtay dambi ku saabsan gogol dhaaf.
Boqolaal ruux ayaa isugusoo si ay udaawadaan dilka Safiyo Axmed Jimcaale oo ah hooyo 33 jir ah oo ay Alshabaab ku dileen dhagaxaan.
Alshabaab ayaa dilka kadib maydkeeda kasoo saaray godkii lagu dilay iyagoo uqaaday inay ku tukadaan salaada janaasada sida uu sheegay Cabdulahi Saciid oo goob joog u ahaa marka uu dilku dhacayay.
Sargaal katirsanaa maxkamada Alshabaab ayaa sheegay Safiyo Jimcaale inay qiray inay lahayd saddex nin. Waxaa kale oo sheegay saddexda nin inaysan ka warhayn halka naag ee ay qabaan.
Haweenayda la dilay ayaa warbixintaan lagu sheegay inay qiratay samaynta gogol dhaaf waxayna sheegtay inay diyaar u tahay in dambigeeda lagu qaado  si ay dambi dhaaf uga hesho Alle, Balse lama oga inay arintaan xaqiiqo tahay.
Maxkamada Alshabaab ayaa diiday in racfaan laga qaato xukunka Safiyo, qoyskeedana wax hadal ah kama uusan bixin dilka gabadhooda

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement