Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Xusuus iyo xusid halyeey -- Injineer Elman Cali Axmed

Bulsho waliba waxay leedahay dad halyeeyo ah, oo noolaa xilli sooyaalkeeda kamid ah,
dadkaa oo nasiib darro ka horreeya bahda ay ku dhex noolyahiin, kuwaa oo dib laga garaabo wanaaggii, hodmintii, hanweynidii ay xunbaarsanaayeen iyo u noolaashahii ay u noolaayeen daryeelista kuwa tabarta iyo taagta daran.
Elman Cali Ahmed (AHN), wuxuu ahaa injineer koronto, bilaabayna shirkadii ugu horaysay ee koronto galisa wadooyinka magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladdii dhexe burburtay. Wuxaa taa ka weyn, oo Elman lagu xasuustaa tababaris xirfadeedkii uu u samayn jiray dhalinyaro badan oo qoryaha heegaysan, si uu u tuso, inay jirto qaab loo noolaado oo ka gaddisan sidaa. Xirfadaha uu bari jiray- si ay ugu shaqaystaan-waxay isugu jireen, koronto galinta, cilladaha korontada, baarbuur hagaajinta, wadida baabuurta iyo kuwa kale. Mashruucan ayuu ku bilaabay dadaal qof ahaaneed, kadibna u rogay hayadda Samafalka Elman, oo uu halays (shicaar) uga dhigay:
“Qoriga dhig qalinka qaad”.
Elman wuxuu ahaa nin aad u caawiya dadka danyarta ah, gaar ahaan dhalinyarada kabaha caseeya oo uu siin jiray santuuqyo ay ku jiraan qalabka ay kabaha ku caseeyaan, sidaa darteed, Elman kuma jirin, kuwa dadka danyarta ah fariisiya ee biilka ama macaawinada u qaybiya, ee waxuu ahaa mid bara xirafado ay uga maarmaan gacan hoorsiga iyo ku tiirsanaanta aadanaha kale, oo ah-dhankastood ka eegtaba-midaan lagu hodmayn.
Elman waxuu ahaa dhibbanahii ugu horreeyay ee ay dilaan kooxaha caadaystay inay bar-tilmaameedsadaan dadka iyaga ka aragti, muuqaal, qaab, hiraal duwan, oo uu astaan u ahaa xilligaa. Waxaa loo dilay shaqada uu qabanayo, dadka uu la shaqaynayo iyo sababta uu ula shaqaynayo. Maalintii la dilayay 09/03/1996, waxaan joogay Muqdisho, waxaana la iigu sheegay in la dilay nin gaalada la shaqeeya. Maalintaa kummaan baraarugsanayn caqliga gurracan, ee horseeday dilka halyaygaa iyo waxuu soo wado midna, balse maalin dhawayd markaan tagay Muqdisho, ayaan gocday sheekadii lagu dilay Elman, kadib markaan arkay, Soomaali kuwii ka aragti duwanaa kooxahaasi, oo xeryo isku soo ooday, ama hodheello waardiyahooda adagyahay. Waxaan arkay, kuwii aanan dhibsan dilkii Elman, oo halkiisii maanta jooga.
Waxaa agu dhaliyay inaan dib u booqdo hadhdhadii marxuum Elman, sheeko igu soo martay, Muqdishu labo bilood ka hor, oo aan booqasho ku tagay. Waxay ahayd habeen ay dantay korontadii hoteelka aan ka dagganaa Muqdisho. Waxaa halkaa isugu yimid affar Injineer, oo u caalwaayay, cillo bixinteeda, illaa markii danbe, saqdii dhexe, la soo toosiyo koronto yaqaan ka aflaxay Dugsigii Tababarka ee Elman. Waxaan la yaabay feera weynida kuwa ku fashilmay hagaajinta cilladda, iyo caatanimada, bar-yaraanta ninka la soo helay. Waxaan la amakaagay shahaadadiisa sida aysan aqoonsi uga haaysan Soomaaliya iyo kuwaan sida loo maamuuso, maadaama ay ka soo baxeen jaamacado Waaweyn. Waxaan la ashqaraaray sida uu daqiiqo yar uga fara-xashay hawshii, meesha ay kuwii kale, la rafanayeen gallin dhan. Waxay taa igu dhalisay, war jacayl iyo inaan xiiseeyo la sheekaysiga wiilkaa, mise waxuu kamid ahaan ardadii ka barmoostay Dugsigii macallin Elman (AHN).
Dareenka Elman ee ahaa in loo baahan yahay dugsi farsamo, waxuu ahaa, mid aad uga sarreeya dadkiisa halka ay joogeen. Maantana Turkida markii ay u tageen wadankeenna si ay inooga caawiyaan dibu dhiska, waxaa la waayay dad qabta xirfadahii farsamo yaqaannimo oo dhan, waxaana lagu yaraha baxsaday koox yar, oo uu tababaray Elman, intoodii ka sii badbaaday halaaggii Muqdishu ka socon jiray. Nolosha umaddu waxay is tartaa, markii ay hesho xirfadahaa nolosha bilaawga u ah. “Horumarka waxuu ka bilaawdaa horumakaca farsamo ee nolosha”. Dugsiyada lagu barto farsamada, waa bud dhiggii jamacadaha ugu waaweyn dunida maanta. Tusaale, wadanka Jarmalka, qalin jabiyaasha waxbarashada, 85%, waxay ka soo baxaan dugsiyada xirfadaha. halkaa ayuuna ku dhaafay Yurubta kale.
Sidaa ayuu Elman ku hamminayay inuu taago bulsho rayid ah, oo ka madax bannaan turunturooyinka bulsho ee maanta ka taagan wadanka, waxuuna uga tagay Soomaaliya unugyo leh, dareen bulshadeed, wax-qabad, karti iyo nolol soo saarasho xalaal ah, taa oo aanan maanta lagu hayn Soomaaliya.
Ilaah ha u naxariisto marxuum Injineer Elman Cali Axmed, hana nasiiyo kuwo buuxiya booskii waynaa, ee lagu qasbay inuu cidleeyay.




W/Q Cabduraxiim Shaafici  

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement