la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, kaddib booqasho laba malmood ah oo uu ku yimid magaalada Minneapolis.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha uu u yimid magaaladda Minneapolis ay tahay inuu jaaliyadda uga war bixiyo xaaladda uu dalku marayo, iyagana ka dhageysto wixii talo iyo tusaale ah.

“Illaa maalintii la i doortay waxaan ka badbaaday ugu yaraan 10 isku-day oo Al-shabaab yay doonaysay inay igu disho, waayo waad ogtihiin inaysan cafineyn oday, wiil, madax, gabar iyo qof kasta oo fikirkooda ka hoor jeessta” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay jirto rajo xoog leh oo laga qabo in doorasho ay ka dhacdo dhulka Soomaaliya.
“Waxaan shaqada imid, iyadoo maamulkii KMG ee naga horeeyay uu runtii wax badan qabtay, inaguna waxaan dooneynaa inaan wadanka ka gudbinno marxaladda uu hada ku jiro, una gudubno in dadku ay awoodda yeeshaan, soona doortaa ciddii matali laheyd, ma dooneyno in Garaad ama Oday dhaqameed dambe uu madax noo soo xulo, waxaan hadda ku howlannaya in 2016 dabayaaqadeed ay doorasho dhacdo, waana nidaamka dimoqraadiyada ee dhismaha xisbiyada, dhameystirka dastuurka iyo hirgalinta Federalka” ayuu xusan madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Mareykanka ku waaniyay inay ka waantoobaan qabyaaladda, wuxuuse uga mahadcelinayay kartida iyo awoodaha ay leeyihiin.
“25 sano oo dhibaato iyo qabyaalad ah waa nagu filan tahay, aan hore u soconno oo aan nabadda ka wada shaqeyno iskana hilmaanno caddiifada qabaliga ah” ayuu yiri Xasan Sheekh
Xafladdan soo dhaweynta madaxweynaha oo ay soo qaban qabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka oo ay horkacayeen Xaashi Shaafi, C/kariin Axmed Daahir, Maxamed Axmed Deeqoow iyo C/raxmaan Beene-beene waxaa sidoo kale ka hadlay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya ee dalka mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubo ka socday dowladda Mareykan oo ay ka mid ahaayeen Congressman Keith Ellison iyo Governor Mark Dayton.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa Jaaliyadda ka codsaday inay qayb ka qaataan horumarka dalka. “Waxaa socda qaban-qabadda dhismaha waddooyinka, iskuullada iyo Jaamacadaha, gaar ahaan laba todobaad ka hor waxaa la furay jaamacaddii Ummaadda” ayuu soo koobay maxaweynuhu.
Dhanka kale, goobtii ay ka dhacaysay xafladda lagu soo dhaweynayay madaxweynaha ee uu khudbadda ka jeediyay ayaa waxaa bannaankeeda ka socday bannaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka oo sheegay inay kasoo horjeedaan siyaasadaha uu wax ku maamulayo madaxweynaha.
Faarax Blue, Hiiraan Online
Minneapolis, Minnesota - See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Aug/wararka_maanta10-47804.htm#sthash.NkBUsljz.dpuf
0 Comments