Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Qiso Jacayl oo wadnaha Kenyaantiga ruxday

Kenyaanka adeegsada aaladaha xiriirka bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa qabsadey ka hadalka sheeko jacayl oo dhexmartey haweenay Kenyaati ah oo asalkeedu ka soo jeedo Hindiya iyo
nin ka soo jeeda qowmiyada Bukusu ee Kenya.
Kenyaanka ku jira xiriirka Twitter-ka ayaa si aad ag ugga helay xaalada jacaylka bog isku qabadka ah.
“Deegaanka sheekada jacaylka Cinderella" qof ayaa twit gareeyey, qof kalena wuxuu leeyahay “Jacaylku wuu ka wayn yahay, dhaqanka iyo midabka ,si fudud waa la yaab”.
Mid kale ayaa soo qoray “Tani waxay la mid tahay filim”, laakiin qof kale ayaa soo qoray “Ma rumaysan karo waxa indhahaygu arkayaan intaasi oo kaliya kuma eka sheekaduy’e way ka sii badan tahay hadal haynta arintan.
Falaqeynta arintan ee loo adeegsadey Twitter-ka waxay soo jiidatey dad aad u fara badan waxaa la sameeyey badhan sheekada lagala socdo oo qofka doonaya in uu wax ka oogaado ama uu fikir ka dhiibto uu gujin karo kaasi oo loogu magac daray‪#‎MyBukusuDarling‬, oo la macno ah “Gacaliyahayga Bukusu”, waxaana la gujiyery 8 kun oo jeer.
Lamanaha sheekadoodan xiisaha yeelatey waxay kala yihiin Sarika Patel oo 24 sano jir ah iyo Timothy Khamala, oo 25 sano jir ah kuwaasi oo ku nool tuulo ku ku dhaw magaalada Webuye ee galbeedka wadaka Kenya, inkastoo sheekadoodu xiiso u leedahay dhanka midabka hadana farqiga xaga nolasha ayaa isaguna xiiso gaar ah leh, Patel waa gabar uu dhalay ganacsade maalqabeen ah, halka Khamala uu ka soo jeedo qoys sabool ah oo ku nool aqal caadi ah oo dhoobo ka sameysan.
Markii ugu horeysay ee ay kulmaan waxay aheyd afar sano ka hor xiligaasi oo Khamala uu nadiifinayey baabuurka Patel aabaheed, Sarika hadda waxay u soo guurtay inay la noolaato Khamala waxayna qorsheynayaan inay isguursadaan, laakiin qoyskeeda ayaa si adag uga biyo diiday.
“Tani waa nooca sheekooyinka jacaylka Kenyaanka, waxay ka daaleen siyaasada” sidaasi waxaa tiri Lindah Oguttu oo war akhriye ka ah telefishinka KTN, kaasi oo ah warbaahintii ugu horeysay ee sheekada baahisa “Tani waxay xididdo siibaysaa xannibaadaha, waa meel aan la aadi Karin, Hindudu ma guursadaan madowga, madowguna ma guursado Hindida” ayey sii raacisay hadalkeeda.
Maxay haddaba u noqonaysaa sheeko wareed, dhamaanteen waxaynu nahay bini’aadam ?
Oguttu waxay aheyd qofkii ugu horeeyey ee gujiyey hashtag-ga #MyBukusuDarling, saacad ka hor intii aan sheekada Tv-ga laga siideyn, xayn ka mid ah tifaftirayaasha sar sare ayaa shiray si ay uga baaraan dagaan qodobada waa weyne ee barnaamijka, waxay sheegtey inay go’aansadeen inay sameeyaan bar twitter oo arinan lagu baahiyo si dadka loogu dhiirigaliyo inay ka falanqeeyaan sheekadan dhab ahaanna way shaqeysay.
Kenya waxay marqaati u soo ahdeyd rabshado culus oo isir ku saleysan oo dhacay ka dib doorashadii 2007-dii, kuwaasi oo ay ku le’deen 1000 qof, qaar badan ayaa sheekadan iftiimiyey. “ sheekada MyBukusuDarling wax tusaale u tahay riyada Kenyaanka, doonayaan ah in Kenyaanku ku nolaadaan Kenya oo nabad ah oo is jecel isla markaana mideysannya” waxaa sidaasi uga qayb qaatey twitter-ka Phyllis Kandie, wasiirka xukuumada Kenya u qaabilsan arimaha Bariga Afrika ganacsiga iyo dalxiiska.
Ma jirto tiro si joogto loo cusboonaysiiyo oo la xiriira inta yihiin Aasiyaanka ku nool Kenya ama kuwaisirkoodu ka soo jeedo Aasiya, laakiin qaar ka mid ah qiyaasaha ayaa muujinaya in 100 kun ka kooban yihiin tirade 42-ka milyan bulshada ka kooban ee Kenya.
Qaar ka mid ah dadka ayaa si fudud sheekada ugu muujiyey inay ku jahwareersan yihiin xiisaha sheekadu yeelatey iyagoo leh “Maxay tahay dananeynta uu leeyahay xiriirka jinsiyadaha kala duwan dhamaanteen waxaynu nanah bini’aadam” sidaasi waxaa leh Rasna Warah oo ah qoraa reer Kenya ah oo asalkeedu ka soo jeedo Aasiya taasi oo iyadu qudheedu ay is qabaan nin madow Kenyaan ah.
“Waynu ka soo gudubnay waqtigii hore ee midabka hadii aad tahay Kenyaati ama aadan aheyn” ayey sii raacisay hadalkeeda.
Laakiin way u muuqataa sheekada Patel iyo Khamala mid ku saleysan farqi xaga dhaqanka ah in uu qayb ka ciyaarayo qayb ka mid ah sheekada, waayo Kenya waa dhaqan in ninku uu ka bixiyo sooryo haweenayda, laakiin Hindida Kenyaanka waa mid taasi dhinac kale uga duwan.
Sida ay sheegeen warbaahinta Kenya Khamala qoyskiisu waxay hadda doorteen inay qoyska Patel ka doonaan inay siiyaan sooryo ayna ka bixiyaan gabadhooda, taasi oo xiriirka bulshada Internet-ka si weyn loogu dhaleeceeyey looguna tilmaamay “Dhuuninimo” iyo “bah-dil” qowmiyada Bukuso.
Nin ayaa isagu soo jeediyey in meel dhexe la isugu yimaado oo labada qoysba ay bixiyaan sooryo midba mid kale uu siiyo, iyadoo la raacayo dhaqanka caado ee labada dhinac.
Source: BBC
Sawirada: Google
Turjumaad: ENG Mowliid Xaaji

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement