Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Prof. Xasan Sheekh Maxamuud “Maamullada la Sameynayo cid lagu dhibaateynayo ma jirto”

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaanay jirin cid lagu dhibaateynayo maamul u sameynta dalka, isagoo
sharraxay qaabka ay u wajahayaan maamul u sameynta dalka inta laga dhameystirayo dastuurka.
Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Washington ayaa wareysi uu siiyay VOA –da ku sheegay inaysan maamullada la dhisayo aysan caqbad ku ahayn maamullo kale, isagoo intaas raaciyay in wax walba wadahadal laga geli karo.
“Aniga waxaa qabaa in dhibaato weyn aanay jirin wax walba sidaan u rabnay nooma ahan waa qiraynaa, waxaan sameyneyno ma ahan kuwo loogu talo-galay masaaliixda, jiritaanka ama danaha maamul kale danahooda dhibaato loogu geysto ama lagu hor-istaago,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuuna intaas ku daray: “Puntland waa dowlad goboleed jirta, waxaanan doonaynaa kuwo kale inay sameysmaan. Puntland ahayd maamul u taagan in la helo maamuladii kale ee dalka.”
Madaxweyne Xasan ayaa xusay in haddii farsamada qalad ka jiro uu wada-hadal ka furan yahay. “Haddii farsamada meel ka qaldanto wadahadal ayaa ka furan; waayo wixii qaldama waa la saxaa, waana la iska fahmi karaa.”
“Aniga cabsi badan ma arko… cilad weyn ma jiro… waa jirtaa in dadku ay ku kala aragti duwanaadaan arrin la sameeyay, waana laga wadahadlayaa, waa la sharraxayaa… aniga wax culus inuu jiro haba yaraatee ma arko,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maamullada hadda la sameynayo ay yihiin kuwo KMG ah, inta laga dhameystirayo dastuurka iyo guddiga federaalka iyo xuduudaha, isagoo mar kale ku celiyay inaysan jirin cid si gaar ah dhibaato loogu geysanayo.
Puntland ayaa dhawaan kasoo horjeestay heshiiskii lagu gaaray in maamul mideysan loo sameeyo gobollada Mudug oo ay qayb ka mid ah ka taliso iyo Galguduud, taasoo keentay inay Puntland ku dhawaaqdo inay xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya
Xigaasho Hiiraan.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement