Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Ebola virus disease EVD

Cudurkani waa mid halis ah runtii waana dilaa qatar ah, waxaa markii ugu horreysay la arkay cudurkan 1976 iyadoo qofkii ugu horreeyey ee lagu arkay uu dhintay dhowr maalin markii uu la noola cudurkan Danyeerada ku dhici jiray waqtigii hore... waxana u billowgii ka dilaacay cudurkani oo qofkii kowaad u ku dhacay wadanka Congo ama Zaïre hore logu aqoon jiray waxana oganshahii kowaad cudurkan tixraacay hay'adda WHO ... Cudurkani wuxuu dilay Sanadkii 2012 ilaa 1,000 qof, sidoo kale Sanadkan 2014 ilaa hada intaa la ogyahay 1320 qof 


Waxyaabaha lagu kala qaado xannuunka


Dhiig qof qaba oo lagu shubay qof aan xanuunsaneen

Cirbad qof qaba loo adeegsaday oo lagu duray qof fiyow ama caafimaad qaba

Hawada ama neefta ayaa sidoo kale lagu kala qaada

Adigoo nabar qaba hadii qof qaba dhiigiisa ama Kaadida qofkaasi  gaarto Nabarkaaga


 Calaamadaha Cudurka


Qandho ku boodo ah 

Tabar darro

Murqa xanuun

Cunaha oo qofku nabar ku yeelanayo

Cuntada oo qofku cunin 

Matag

Shuban

Faruurac jirka ka soo baxaya

Jirka gudaha iyo dibada oo dhiig ka imanayo

Keliyaha qofka ayaa shaqo xumo ku dhacaysa oo aan shaqeyneyn

Indhaha oo dhiig noqon qofka


Calamadahan waxay soo ifbaxayan 2-ilaa-21 Maalin gudahood


Ka-hortaga cudurka 


Gacmaha dhaqo mar kasta

Ka fogow inaad u dhowaato qof qaba cudurka dhiigiisa, kadidisa, dhecaankiisa oo dhan iyo neeftiisa 


Cudurkan ogow talaal ma lahan, Balse waxaa jira daawo la tijaabiyey oo la dhaho Zmapp taas oo aay ku caafimadeen keliya 2 qof sidaa la sheegay, cudurkan intaa badan waxaa u ka dilaaca wadamada Galbeedka Afrika, sii weyn wuxuu ugu badan yahay wadamada Sierra leone, Guinea, Liberia 


Cudurkan dadka u ku dhaco 20%, 14% ayuu dilaa ilaa 6% ayaa intaa badan ka badbaada cudurkan 


Jaaliyadda Caafimaadka Uganda waxay sheegtay in cudurkan sanadkii 2012 y jy dhacay ilaa 20 qof waxana ku dhintay ilaa 14, sidoo kale lixdii qof ee la is laha waa la badbaadiyey laftigooda waa dhinteen markii la keenay caasimadda Kampala, Wuxuu ka dilaacay sidoo kale cudurkani wadanka Guinea Bishii March waxana u ku dhacay ilaa 157, waxa dhimatay 101 .... 



Jaliyada cafimaadka uganda ayaa waxay shegtay 20 kii qofba 14 iney dhimatay sanadkii 2012 march /2014 cuduka wuxuu ka dilacay wadanka Guinea wuxuuna ku dhacay 157, waxa dhimatay 101 intaa la ogyahay oo registerka ku jirta


Liberia bishii March wuxuu ku dhacay 22 qof, 14 ayaa dhimatay ayadan, 8 qof Sierra Leon ayuu kaga dhacay 6 ka mid ah ayaa dhimatay isagana,  Bisha March keliya ayaa dadkan u dilay cudurkani 



CODSI - Dowladdaha Ciidanka u soo diray dalkeena Soomaaliya, waxan ka codsan laha dowladda Soomaaliya inay baaritaan ku suubiso intaa aysan dalka soo gelin ama xiita kuwa hadda wadanka jooga.



Yusuf Ali Adan 

Yusufcali@outlook.com 
Fb.com/Yusufvip 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement