Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Prof Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku yidhi walaalaha Puntland ee qaylinaya

22 sano anagu midnimada dadka awoodeena kuma heyn, runta marka ku sheego waxan ku heyey in badan oo
dadka soomaaliyeed ka mid ah oo aan jecleyn in la kala tago dhib kasta oo jiray in la kala go'o dadka Soomaaliyeed badankiisa marna ma jecleyn, mana rabin raalina kama aheyn Calaamkuna waa isku keen hayay oo intaas oo qaraar oo ka soo baxay golaha ammniga ama midowga africa ama jaamacada carabta yaa jiraOIC-da oo tilmaamayey midnimada dad iyo midnimada dhul iyo madax banaanida Soomaaliyeed inaan la taaban karin Su'aal la gelin karin laga doodi karin  marka calaamkuna waa-na kalmeeyey dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ahna sidoo kale Dowladan marka ra'yigeedu wuxuu yahay puntland oo saldhig u aheyd ama tiirarki dowladda federaalka ah ay ku soo sameysantay ka mid ah oo intaas oo jeer iyo intaas oo shir lagu qabtay oo soomaalidu ay muujisay kalsooni badan ay u qabto puntland oo tagtay iskugu  tagtay oo maxaan ku iraahdaaye iyaduna ay qarash badan ku bixisay dadaal badana gelisay, ee maanta hoggaanka meesha jooga qaarkiis  ay dhahaan xiriirkii waa ka goosanay dowladda Soomaaliya aad iyo aad ayaan uga xun-nahaywaxan ku faraxsan nahay ama aan jeclan laheyn ma ahaa, inaynu maqalo ma aha, ilaa hadana ma garan-siisanin sabab meeshaas gaarsiin karta waad garaneysa sanadkan gudahiisa ilaa afar/shan wafdi oo dowladda fedraalka ah ka socota ayaa tagtay puntland oo wasiiiro ugu horeeyen team ah, oo team kale oo wasiiro ah ku xigeen oo Raiisal wasaarahu ku xigay oo anigu aan ku xigay oo aan tegey oo maxan ku iraahdaye an meesha soo joogay oo Madaxda masuuliyiinta iyo shacabkaba aan soo wada aragnay soo dhegeysanay, dadka reer puntland waa dad caam ku ah Somalinimada hadii aay tahay waagii xoriyadda loo soo dagaalamay oo dalka la xoreynayay hadii aay tahay waagii dimuquradiyada iyo la rabay oo dowladdii digtatooriyada loo arkay la dagaalankeedii, waa dad taariikh ku leh xoriyadda, Soomaalinimada, Iyo dowladnimadaba dowlada soomaaliya doorna waa ku soo lahayeen weligood taariikhiya hadana weli waay ku leeyahiin waxa tilmaameysa nidaamki Transitionka loga gudbayay iyo siduu ku keenay Binu Aadam ayaa nahay waa wada macamileyna, aragti kala duwanansho iyo waa imaneysa lakiinse waxan leenahay waxaas oo dhan waa wax la xalin karo lakiin wax inaan kala go'no iyo xiriirkii kala goosano kala tagno sababaya ma aha walaalahas anagu arrimaha maqalkoodu dhegahana uma fiicna anaguna raali kama nahin, wax kasta oo suurta gelinaya in maamulka puntland ee deegaanada aay ra'yigaasi ka noqoto oo aay dhibka ku kalifay inay sidaa dhahaan inaan hagaajino oo aan kala hadalo ayaan diyaar u nahay, heshiisyo hore loo soo gaalay ayaa jira oo dhaqan gelintooda u baahan  wax kale oo cusub ayaa jira oo dowlad dhisida soomaali oo dhan ayaa taala, marka aniga runti ma arko dhibaato weyn oo dhaawac ah oo jirta, taalada dalka mar walba waa ku kala ra'yi duwanan kara mar walbana isku rayi ayaa ka noqon kara lakiin marka ugu dambeysa dadka soomaaliyeed ayaa goaanka iska leh guud ahantood, maamul meel ka jira ama hoggaan dalka madax u ah iwm ma aha.. coolada iyo warara dadka dhegahood aan u rooneen diblamaasiyada ku saleysan kelmedaha xanafta leh iyo waxaas 22 sano ayaa soo wodnay waxna uma keenin 'Walaalow walaalow wax aan uga roonahay ma jirto', marka walaalaha deegaanada madaxda ka ah waxan leenahay Walaalyaal waxa qabtaan inaan dhegeysano oo aan dhaqan gelino oo aan idiinla qaadano ayaan diyaar u ahay aan isku nimaano aan ka wada hadalo''







Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement