Ad Code

Responsive Advertisement

Sida Madaxweyne loo noqdo???

Waxaan shaki ku jirin in inta badan shacabka soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay madaxweynenimo derdertay oo maskaxdoodii la galay, haddaba waxay ila tahay in daaweyntooda
lagu daro iyadoo laga dhaadhiciyo waxa ay tahay madaxweynenimo iyo cidda xaq u leh si aanay u helin xujjo ay ku bannaystaan xadgudubkooda, isla markaasna loogu arko waalane kii sii wada in uu ku sii doonayo xoog iyo bahalnimo

Anagoo taa sii tixraacayna bal aan soo ban dhigno shuruudaha looga baahan yahay ninka noo noqonaya madaxweyne, tiiyoo aan cuskanayno diinta Islaamka, waxayna noqon karaan shuruudahaasi

1- Waa inuu muslim yahay (War hooy kuwa xaqqa rumeeyow ha ka dhiganina cadawga Eebbe iyo cadawgiina (gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan) Al-mumtaxina;1

2- Waa inuu Soomaali yahay. nebi walba Ilaah wuxuu u dirayey qoladuu ka dhashay

3- Waa in uu lab yahay. dumarka Ilaah wuxuu ku mashquuliyey hawlo ka weyn madaxweynenimo

4- Waa in uu fayow yahay,. waa shardiga mukalifnimada

5- Waa in ay da'diisu ka yaraan 40 jir ilaa 50 jir, (Markuu gaaray xoogiisa oo ekaaday baan siinay xikmad ( xukun) iyo cilmi, saasaanan ku abaal marinaa sama falayaasha) Al-qasas;14

6- Waa in uu yahay caabid u heellan cibaado fal iyo Alle ka cabsi

7- Waa in uu u taagan yahay sama farka iyo xuma reebka. (Waa kuwa tawbad keena, ee caabuda (Ilaah), ee mahdiya, ee soomana jihaadana, ee rukuuca, ee sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaha, ee dhawra xudduuda Eebbe, ee u bishaaree (mu'miniinta) Attawbah; 112

8- Waa inuusan horay dalka iyo dadka toona dambi uga gelin. (wuxuu yiri "Nebi Muse" Eebow waxaan ka dilay naf oo waxaan ka cabsanayaa in ay idilaan (war ay iga maqlaanba daaye)

9- Waa in uu ku haystaa takhasus wax barasho oo heer sare ah hawshiisa. (Wuxuuna yiri Yuusuf iga yeel Masuulka khasnadaha dhulka (dalka), waxaan ahay aamin ku cilmi lehe) Yusuf; 55.

10- Waa in uu yahay mid ku caan baxay aaminimo, iyo karti. (Oo runtii anigu waxaan ahay mid ku xoog badan arinta aamina ku ah) Al-namal; 39

11- Waa inuu yahay mid ku adag wax qabadkiisa. (Runtii cid la ijaarto (la doorto) waxaa ugu kheyr roon mid xoog badan oo aaminna ah) Al-Qasas;26

12- Waa inuu yahay mid leh karti iyo firfircooni uu kaga mira dhaliyo cilmi sare oo uu wax qabadkiisoo dhan ku saleeyo. (Wuxuu ku yiri Nebigoodii; Eebbe wuxuu idiinku soo bixiyey (idiin kaga dhigay) boqor Dhaaluut, say dheheen sidee buu noogu noqon karaa boqor annagaaba uga xaq lehe, lamana siin xoolo badane. wuxuu ku yiri Ilaahay baa u doortay korkiinna (madaxweynihiina), wuxuuna u kordhiyey waasacnimo cilmi iyo jismi (karti)). Al-baqra; 247

13- Waa in uu yahay mid wax ku xukumaya sida xaqqa ah een marnaba eegayn masaalix gooni ah, iyo si la isku raaco oo kale toona.. (Da'udow annagaa kaaga dhignay khaliif dhulka ee dadka ku kala xukun xaqqa, hana raacin hawada yeysan kaa lumin jidka Eebbe) saad;26

14- Waa in uu yahay nin ku caan baxay caddaaladda iyo sinaanta eex la'aaneed (Eebbe wuxuu idin farayaa in aad siisaan amaanada ehelkeeda, hadaad kala xukumaysaan dadkana in aad ku kala xukuntaan caddaalad) Annisaa; 58

15- Waa in ay caddaaladdiisu lafaha tahay oo ku dheehan tahay jirkiisa kana dhadhantaa oraahdiisa dhab iyo kaftanba (Oo hadaad hadlaysaan caddaalad fala, qaraabadaba ha ahaatee (waxay yihiin caddeeya), oofiyana ballanka Eebbe, sidaasuuna Alle idiinkula dardaarmay waa intaas oo aad waantowdaane). Al-ancaam;152

16- Waa in ay ujeedadiisu tahay gudashada ballanta Eebbe. (oofiyana ballanka illeen ballanka waa la is warsane) Al-ancaam;34

17- Waa in uu u tababaraa dadka in ay aqbalaan xukunka Shareecada Islaamka (Allahaagaan ku dhaartaye ma aysan rumayn ilaa ay kaaga xukuntamaan (la tiigsadaan quraanka), wax alle iyo wixii dhex mara dabadeedna aysan ka helin naftooda dhib (ku qancin) waxaad ku xukuntay oo ay hogaansamaan hoggaansi dhab ah) Annisa;65

18- Waa in ay madashiisa sharci dejineed ahaataa kitaabka Qur'aanka ah iyo Sunaha oo keliya (Hana ku gadanina aayaadkayga lacag yar, oo ciddaan ku xukumin wuxuu soo dejiyey Ilaahay, kuwaasi waa gaalo) Al-ma'idda;44

19- Waa in uusan isagu marnaba doonayn una soo halgamin inuu madaxweyne noqdo (Waxaa laga soo weriyey Abii Muuse in uu yiri; Aniga iyo laba nin oo ilma adeeraday ah baa u soo galnay Nabiga NNKHA, markaa ayuu midkood ku yiri; Rasuulkii Ilaahayow nooga amiir dhig wax ka mid ah waxyaaluhuu Ilaahay kaaga waliga dhigay (jago noo dhiib), suuye kii kalena tabtaas oo kale, Markaa ayuu Rasuulkii ku yiri; Wallaahi inaanan anagu uga madax dhigin hawshan (hawlaha dawlada Islamka oo dhan) qof isagu soo weydiistay ama mid u soo dadaalay helitaankeeda toona); W.W; Bukhaari, Muslim iyo abu Da'ud

20- Waa in uu ku socdaa Shuuro, wada tashi dimoqraadiga runtaa ah

21- Waa in uu ku aqdaantaa Ilaah tala saarasho iyo ilaah kaalma weydiisi. (Waa inuu ahaadaa mid ku caan baxay Ikhlaas- Ilaah dartiis wax kaste u qabasho)

22- Waa inay akhlaaqdiisu ku dhisnaataa Quraanka

23- Waa inaysan ku jirin qalbigiisa inaba haba yaraatee wax kibir iyo isla weyni ah ee uu aaminsan yahay in isaga iyo xamaaligu isku mid yihiin. (Waa in uu yahay mid aan ka xanaaqin wax kaste oo ka soo gaara ummadda kale oo uusan marnaba hawaysan aarsasho, balse ku tarbiyeeyaa dhibihiisa si uusan ugu sii jirin wax dhibaataynta, taasoo uu u marayo jid aan ahayn jid ciqaabeed)

24- Waa inuu cuskadaa sabir iyo ad-adkaysi

25- Waa in ay ka mid ahaataa akhlaaqdiisa; sharaf iyo karaamo dhawr, qalbi xaarnaan, sama fal, ixsaan fal, sakhinimo, naxariis guud ee laagu naxariisto kulli noole iyo ma noolaba, run ku aqdaamasho, been iyo malo ka dheeraan, dhawrsanaan, xishood,

26- Waa in ay sifooyinkiisa iyo caadooyinkiisa kamid ahaadaan; aakhira dalab, caqli badnaan, xikmad adeegsi, geesinimo, runlownimo, ballan oofin, xaq ku sugnaan, khayaale iyo hallaasi ka dheeraansho, ihtimaam siin maman oo uu u hayo shaqadiisa hogaamineed marka loo dhiibo ka bacdi, xil iska saarid guud ahaanba muslimiinta ku nool gudaha iyo dibadaba, ku dhaqan walaaltinimo ilaahay dartiis ah, iyo danta guud oo uu mar walba ka hormariyo tan gaar ahaaneed

27- waa in uu yahay nin dhiifoon oo wax walba damcaya inuu helo jawaabtooda. iyo asalkooda. (Xusuuso markuu yiri Nebi Ibrahim Eebow i tusi sidaad u noolayso waxa dhinta, suu Ilaah ku yiri, oo miyaadan rumayn (xaqqa), uuna yiri; waan rumeeyey laakiin (waxaan doonayaa) si uu qalbigeygu u xasilo ) Al-baqra; 260

28- Waa in uu yahay nin haleeli og xujaysiga marka dooda. (Ka waran kii kula murmay Nebi Ibrahim Rabbigiis, (waa namruud) in Eebe siiyey xukun, markuu Nebi Ibrahim yiri Rabbigeygu waa kan waxna dila waxna nooleeya, ee uu yiri (gaalkii) amba waan nooleeyaa waanan dilaaye, markaasuu Nebi Ibrahim yiri hadaba Ilaahay Bari buu Qorraxda ka keenaaye car ka keen galbeed. saa waa la wareeriyey kii gaaloobay, Eebana ma hanuuniyo qoom daalimiin ah) Al-baqra;258.

29- Waa in uu leeyahay fasaaxo luuqadeed iyo aftahanimo uu dadka wax uga dhaadhicin karo (Oo walaalkey Haaruunbaa iga carrab fasiixsane ila dir, si xoojin ah, ha iirumeeyee, waxaan ka cabsan inay i beeniyaane) Al-qasas;34

30- Waa in uu yahay nin aqoon waafi ah ka haysta hiddaha iyo dhaqanka bulshada ama qawmiyadda, garan karana waxa ay dhibsadaan iyo waxa ay jeclaystaan. Bal eeg Nebi walba waxaa loo dirayey ciddiisa waxaana lala dirayey luuqadooda

31- Waa in uu dhab u yaqaan deegaanka iyo dabeecaddiisa, sida ay tahayba inuu u fahamsan yahay guud ahaanba kheyraadka iyo wax kastoo lagaga faa'iidaysan karo dhulka iyo wixii ku jiraba

32- Waa in uu hayaa qorshe cad oo uu ku hormarinayo dalka dhan walbaba oo quseeya nolosha, jiritaanka, awoodda iyo sharafta mujtamaca

33- Waa in uu la socdaa dhacdo kaste oo ka dhacda meel kaste oo ka mid ah dalka, isla markaasna uu markiiba soo caddeeyaa xal wax tar ah ee uu wax kaga qabanayo, Cumar Bin khidaab oo cabbiraya dhibka mas'uuliyadda uu hayo ayaa yiri; (Wallaahi anigu waxaan ka cabsanayaa in la i weydiiyo Tulud (neef la rarto) ku luntay Ciraaq salkeeda maxay jidkeedii u geftay?)

34- Waa in uu leeyahay niyad adag oo bir ah si ugu fuliyo hawlihiisa karti iyo firfircooni isku kalsooni ku jirto, taasoo u sababi karta inuu ahaado nin go'aamadiisa wanaagsanna ku ad-adag, kuwa qaldanna ka noqon og. (Waxaanan ugu qornay Alwaaxda wax kastoo wacdi iyo caddayno ah, ee ku qaad niyad adag (xoogeedu bir yahay) farna Qoonkaaga inay qaataan, ha qaateen teeda fiicane waxaan idin tusaynaa Daarihii Faasiqiinta) Al-acraaf; 145

35- Waa in uu yahay ninka ugu badiya cilmiyada nafciga leh oo dhan Fanni iyo Saynisba````` kuwa kula jira tartarnka, illeen bilowgiiba Eebe wuxuu u dhiibay maamulka dunida kii ugu aqoon ogaa wixii markaa carrada yiilay, kaas oo ahaa aabbeheen Nebi Aadam wuxuu kaga guulaystay tartankaas Malaa'iktii. Ilaah baa yiri; (Eebe wuxuu baray Aadam dhammaanba magacyadii, dabadeedna wuxuu u bandhigay Mala'iktii oo ku yiri; ii sheega magacyada kuwaas hadaad runlowyaal tihiin (imtixaan), waxayna dheheen hufnaantaada Eebow, anagu garan mayno waxaan ahayn intaad na bartay waxaad tahay adigu wax oge falsan, markaasuu Alle yiri; Aadamow u sheeg magacyadooda, markuu magacyadoodii uga waramay buu yiri Alle; miyaanan idin ku dhihin anigu waxaan ogahay waxa ku cilan samooyinka iyo dhulka, oo aan ogahay waxaad muujinaysaan iyo waxaad qarsanaysaan). Al-baqara; 31- 33

36 -Waa in uu leeyahay dhiiri gelin iyo hididiilo

37- Waa in uusan iin lahayn, qaab dhismeedka jirkiisana la aqbali karo

38- Waa in uu leeyahay awood uu dadka ku qancin karo

39- Waa in uu leeyahay awood hadal cabbirid

40- Waa in uu wax kaste u leeyahay xamaasad iyo ku mamanaan

41- Waa in uu wax walba ku caddayn karo Daliil cad oo aan laga daba hadli karinin

42- Waa in ay taariikhdiisii meheradeed leedahay xifdis adag oon liic liicanin

43- Waa in ay balwaddiisu tahay dad kaalmayn

44- Waa in ay maskaxdiisu aqbali karto wax barasho hor leh

45- Waa in uu jecel yahay soo saarka wax cusub oo faa'iido u soo kordhiya bulshada fikrad iyo sheyba

46- Waa in uu ku xeel dher yahay fanka maamulka, qorshaynta, kala dhig dhigidda iyo kala mudnaysiinta shaqada

47- Waa in uu ku hormaraa khibradda shaqo iyo adeeg, oo uu ku soo shaqeeyey duruufo kala duwan, iyo cimilooyin kala duwan, iyo jagooyin kala duwan

48- Waa in laga helaa taariikhdiisa dhacdooyin ka marag kacaya sabirkiisa iyo ad adkaysigiisa

___ Mid kaste oo soo buuxiya shuruudahaas waxa uu xaq u leeyahay in loo soo doorto Madaxweyne ama jago kale oo sare

Laakiin waxaa shardi ah in ay si madax banaani ah ku soo doortaan guud ahaanba shacabka uu talada u qabanayo, tiiyoo aan la soo qaadanaynin doorasho qiyaaseed iyo doorasho dirqis toona, ee loo daynayo shacabka ha doorteen dantoodee, weliba taasi waa ka dib marka laga dhaadhiciyo shacabka waxa uu yahay la doortahaasi iyo waxa uu qabanayo iyo guud ahaanba qorsha mustaqbaleedka iyo maamulka dawladooda, ka dibna ay la galaan beecada waajibka ah (haddii nidaamku Islaami yahay)

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement