Nin baa bari aroostay Ciyaar iyo mashxarad ka dib waxay isaga iyo xaskiisi Looso galbiyey aqalkoodii isla habeenkii waxa qoyskii cusbaa ku soo guureyey Mas (Good) Balse nasiib xumo maskii waxa uu qaniinay ninkii iyadoon wali juuq la isu oran ninkiina meshii bay naftii kaga haday gabdhii yareed ee arooska ahaydna markay wayday wax dhankeeda soo egana waxay is tiri malaha habeenka koowad waa la iska seexdaye seexoQoyskii wiilka damce bal inay soo bariidiyaan reerka cusub WAR HEBEL WAR HEBEL dhawr jeer ku celceshe balse jawaabi waa gacan lola tag lana arag inuu dhintay gabadhii baa laga shakiyey war ninka gabadhu ma iyadaa dishay la is waydii gabdhii waraysi loogu dhaqaaq markaad naga tagteen meeshu seexday dee waa ka wali jiifa gabdhii ku jawaabtay inuu mas dilay ninka la arag raadkii maska loo soo raac balse maskii geed iyo god uu ku gabado dalkii ka waa elen waa dhagar qabee ilahy dhulkii buu salax uga dhigay maskii isago yaban baa waxaa ka soo hor baxay nin Guuled la oran jiray ninkii buu is taajiyey waxa uuna uga waramay waayihiisa iyo in ladaba socdo orodna uusan meel ku gaarin waxa uuna ka codsaday inuu manta badbadiyo abaalkeeda u gudi doono ninkii maskii ugu jawaab waryahee labadeena quruumod iskuma aynan wanagsanene goormaynu saxiibany madan bahal hoose ahayn war anigaba igu baro maskii ku jawaab dee waayahee xagaan kugu qariyaa ninkii ku celi luquntaada ban isku duubayaye go aaaga uun dusha iga saar Oo xagaad igaga haraysaa Nimankaa soo socda uun idaba mari ragaas hadad idaba marisana waan ka dagayaa sidii buu yeelay bahalkiina qari nimankii buu kala hor tagay way waydiiyeen waxay yirahdeen War nin yahow bahalkaas baanu raadinaynee ma aragtay nin aroosuu soo cunaye War niman yahow indhahayguba dhulka ma eegaynoo Geel baa iga lumoo cirkaan eegayeye ku jawaab balayo qarsay markuu nimankii dhafay buu maskii ku yiri Goodow hadaba soo dag maskii ku jawaab war naftaada iyo dhiigaga mooye wax kaleba ma hayee xageen usoo dagaa dhulkana godob ban ka qabaa cirkana gaari kari maaye halkaan kugu cuna uun arag elen risiq kale ba ma hayo iminkee ninkii guuled ahaa talo ku cadaatay war nin yahow abaal ban kuu galee abalkaygiina sidaa ma ahee iga soo dag buu yiri Abaalka waa la galaa balse hadad wax guda hesho waa ka dagayaa buu yiri maskii aynu cid isla doonano lagu heshiiAwr guri lagaga guuray oo gaboobay bay isula yimaadeen ninkii baa sheekadii awrkii dabada uga galay noo garnaqna ugu xijiyey awrkii waxa uu yiri Abaalka waa la galaa mooye lama gudo sodon sano in ka badan baa dhaaminayey , hayaaminayey , qixinayeye , guurinayeye oo la I rarayey manta markan gaboobayna dee waa taas oo halkaa la igaga guuray marka abaal waa la galaa mooye lama gudo halkaa waxaa gar ku helay maskii ninkiina talo ku cadaaty war bal an cid kale isla doonano ku yiri maskii Waayahee ina mari ugu jawaab waxay hadana isula tageen oday gaboobay oo raqayo ah isna gur looga guuray Oodan afka laga saaray ninkii is yiri Awrkii xayawaan buu ahaaye ninkan baa bini adam ah oo kaga rogi doona maska sheekadii uga dhac noo gar qaad ugu xiji Odaygii baa yiri Abaalka waa la galaa mooye lama gudo Beeshaas dhan ee ad soo dhaafteen dadka haystaa waa dadkan dhalay iyo dadkay sii dhaleen xoola waxay heystaana anigaa dhaqay markii an manta gaboobay oo la iga quustayna waa taa la iga dhaqaaqay oodana afka la iga saaray marka abaal waa la galaa mooyee lama gudo Maskiina wali qoorta waxa uu kaga duuban yahay ninkii isagoo libiqsiga il qoorka ka tusaya buu waxa uu ku yiri war waa taas oo kaa gar helaye meeshan kugu cuno uun aragoo igadaa jabaqda ninkii fursad sadexaad ka dalbay maskii loona ogolaa war kimisi kuma labnee fursad sadexaad hadad gar ku helayso ku siiyey baa lagu yiriDabadeedna isagoo yaaban baa waxa ka soo hor baxay gabadha yar ee mashxarada wanaagsan ee Dawaco la yiraahdo ninkii dawacadii u waran ugana sheeke xalka uu ku sugan yahay iyo inay u gar qaado labadooda dawacadii baa waxay tiri war anigu waligayba umad isa saaran uma gar niqine ee horta soo kala daga elen waad isa saaran tihiine maskii baa yiri naayahee dawaco sidaasa lanoogu garnaqyoo gartana ku heleyne maxaad leedahay war ninka ka soo dag hadad gar ku leedahy anagaa kuu qabanaynee intay ninkii jeenyaha la sariiratay bay tiri maskii ninkii ka soo dag markasay dawacadii intay xarago dhaqaaqday mashxaaradna ku dhufatay bay tiri war dee hadaba iska celi waa anagaa ka soo dajineeNinkii oo islahaa mar uun yaa mucjisadan ka dajiya oo arkay maskii oo ka dagy iyo iska celidii xigaty dee dhagax iyo qori waxa uu qadan karay ba ku dagaalan Sheekada oo mansaysan Googa hadrawaw , gaariyow cigale , gani weeye xajadu , good baa nin cunay bari ,guursaday habeenka , gabadhii arooskii gogoshii ku kaliyey , geeri lama filaana , guriyihii ku timiyoo ,gacalkiina subaxdii ,raadkiisi buu guray, isgoon god helin wali , meeshuna gawaan tahay , aan geed la cuskadaa jirin ,buu gadaal jaleecada arkay guuto raacda ah ,guul dareeste ,meelu ku gabado ma heystee ,gocashuu maciinsaday , in yar goortii loo jiray ayaa goodkii nin u yimi guuleed la oran jiray iska gooni socota ah ,waxa uu yiri gantaala la ila gaada yaayoo gormad baa igu soo dhaw godmaa la ii sitaa badan in la I gawracaaba talo la igu godoonsaday go,i waa imagan gali hadii ad nin goba tahy , garan mayo buu yiri jilbiskaa galasha leh iyo goor dhagaystaha sidan good ku aamino goormay dad iyo halaq gacan saarka yeesheen , colaad gun dheero guuna baa dhex taalaye bini admi goormay gacal noqdeen abeesada iminkana war goodow an kuu gabagabeeye inaan goob xun lagu dhigin ha I gunaanad seejine ana galabta ha I dilin buu yiriWaxa uu yiri in gawsaha waabayda gaaxsadiyo miciyuhu ku gaarana ha ka yaabin guuleed ma ana ihi gabrartaha gunta habar dugaage xor gurguuratan ahay, guuled ismuu oran goodkani naftaaduu inuu gooyo jecel yahy guuxna waxa uu ku sii yiri allahayow guracanaa isu soo galkeenani waxa uu yiri bal goodow hadan kuu gargar falo goormad iga haraysaa , waxa uu yiri goshaa dhaw kula gaari mayee guutaada I daba mari , waayahaye goodow ma guntigan ku galiya mise garanka hoosiyo gaadada dhexdooda ah , anaa garanayuu yiri igu qari go aagoo luquntada sida geed an is garan garshee keen , kuma diidin guuleed gab ku soo dheh buu yiri ,goodkiii ninkii qari gaadihiina daba mari guutadii ka nabad gali markuu geeyey meelan werar lagala garayn ee uu gabiibkiii siday malin galiinkeed goodow soo dag buu yiri , waayahaye guuled allahayow gob sanidaa buu yiri waligaa naf gool moon kumaad dhaafin gaajee gartay deeqsi baa tahy goobaha dagaalkan nin ku geesi yaa tahay goortay u daran tahay nin la magan galaa tahay garaad beela daaja ah guun aqoon leh baa tahay geestii la eegaba garbo la dugsadaa tahay hadaan gabar ku siin lahaa isma geeyo dad iyo bahal hoose guuleed idig gorod madow iyo geeslayda xoolaha waligay ma dhaqan geel xagayaga gamankiyo geenyo lagama qoofalo gabigeed wax lacaga ma hayaan guryahayagu mar hadanan garanayn guushii balaarneed waxan kaga abaal gudo anay I la gudboon tahay sidaan adiga kuu galo , waayahaye goodow goordanbaynu joognaa gabood daydayuu yiri , waxa uu yiri nin godob qaba gayigaba dhamantii laga goobayaan ahay waxse galabta sheeka leh nacasnimada guuled gadhku kaga soo baxay , guuled markaasuu ka daremay goodkii inaan laga gayoonay waxa uu yiri mar goodow gondaha kalay I hoorsoo garbahayga soo dhaaf , guuleed war laawaw gaagabso buu yiri good cuna ku maranoo god dhul waayey baan ahay guudkaga kama dago ha gilgilanin buu yiri gacmaha laabo buu yiri goa ha huwan buu yiri markan galo jirkagee dhiigaga gorarsado guul ilahay dheh buu yiri garaac sacabka buu yiri goortay u daran tahy gaadh iga qabo buu yiri inaan gam o ha moodine waan kuu il galac layn waana kuu gol leeyahay , guuleed naftiisuu goor baascanaantoo gabi igu dun buu yiri gabal baasna ha ii dhaco dhib wixii I gaaraba aniga isu geystee goblan bahasha hoosay eleen good abaal ma leh ……………………………………. Dhamaad Qoridii iyo Qurxintii . Crahaman ahmedFikradii iyo mansadii . Abwaan adan tarabi jamac
0 Comments