Wargeyska Bariga ee ka soo baxa dalka Qadar
ayaa ka soo xigtay idaacadda codka Ruusiya warbixin uu diyaariyay rug
caddaaga siyaasiga ah ee u dhashay Ruushka kuna
takhasusay arrimaha bariga dhexe Andarey Ontikoof,in amiirka dawladda islaamiga ah ee ka dhalatay Ciraaq iyo Shaam(Daacish) Amiir Abuubakar Al-Baghdaadi uu u xirnaa ciidamada Mareykanka laga soo bilaabo sannadkii 2004,wuxuuna ku sugnaa xabsiga lagu magacaabo Boka,hayeeshe waxaa xabsiga laga sii daayay sannadkii 2009,xilligii uu madaxtinimada dalka Mareykanka uu haayay Barack Obama,waxaana loo gacan geliyay dawladda Ciraaq oo iyaduna markii danbe iska sii daysay.
Siyaasiga Ruushka wuxuu kaloo caddeeyay isagoo baaritaan dheer ku sameeyay arrinkaasi in Al-Baghdaadi uu garab iyo gacanba ka haysto mukhaabaraatka Mareykanka.
Warar kale ayaa sheegaya oo laga soo xigtay Mareykanka in waxa ka socda Suuriya iyo Ciraaq laga soo diyaarinayo dalka Mareykanka,waana xeeladdi iyo tabtii lagu aasaasay ururka Al-Qaacidda si loo kala furfuro midowgii Sofiyeeti, haatana loo socdo,in Al-Qaacidda kale la sameeyo oo loogu soo horjeedo Suuriya iyo Ciraaq iyo Iiraan loona xakameeyo awoodda uu Ruushka ka yeelan karo meelahaasi.
Warbixintu waxay kaloo sugaysa in xiriir uu ka dhexayn karo Daacish iyo CIAda Mareykanka,taasina waxaa daliil u ah in Mareykanku uusan ku degdegin heshiiskii uu Ciraaq la galay si loogu wareejiyo diyaaradaha dagaalka ee F-16, waana tii uu Mareykaanka shardi uga dhigay kaalmaynta Ciraaq in uu marka is casilo Maaliki
W/Q Zahra Abdi Hersi

0 Comments