Ilaahay subxaanahu
watacaala qofka uma qoro oo qura camalka uu la yimaado inta uu nool
yahay, balse waxa kale oo uu u qoraa raadka uu ka tago kolka uu
geeriyoodo hadduu kheyr ahaa iyo hadduu shar ahaa intaba.
Haddaba, maadaama
ay carruurtu yihiin raad bani’aadmigu ka tago ka ugu weyn, Eebbe waxa uu
waalidka u qoraa ajarka wixii wanaag ah oo ay carruurtu sameeyaan
asagoon kooda waxba ka jarayn. Waxa kale oo uu waalidka geeriyooday u
qoraa dembi waxay carruurtu la yimaadaan, haddaanay markii hore
barbaarintooda xil iska saarin oo aanay wanaajin, asagoon weliba
carruurtiina dembiga kaga yaraynayn, waalidka inta uu u qoray in lamid
ahna iyaga u qorayo.
Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Kuwa
Alle iyo Nabi rumeeyow ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar
shidaalkeedu uu yahay dad iyo dhagxaan. Suurat Al-Taxriim: 6).
Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa laga weriyey: (Hadduu
Ibna Aadam dhinto camalkiisu waa uu go’aa aan ka ahayn saddex; Saddaqo
socota (sida Masjid uu dhisay), Cilmi kedibkii laga faa’iideysto (sida
asagoo Dugsiyo kiciyey) iyo Ubad usoo duceeya (kolka uu dhinto).
Ubad barbaarintu
waxa weeye shaqo aad muhiim u ah khatarteedana leh, dareenka waalidnimo
oo qurihina kuma filna sida xayawaanka kale, balse waxay u baahan tahay
in la barto. Dad badan baa u haysta in barbaarinta wanaagsani tahay in ubadka mar kasta oo ay khalad sameeyaan la canaanto.
U WAALID DAYO UBADKAAGA
Barbaarinta ubadku waxay ka billaabataa, kolka la xulanayo hooyadiis ama aabbihiis. Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (U doorta xawadiinna cirqigu waa uu dusaaye). Xadiiska
micnihiisu waxa weeye doorta qof ku habboon inay carruurtiinna hooyo u
noqoto, maxaa yeelay sifooyinka waa laiska dhaxlaa oo jiilba waxa uu u
gudbiyaa jiilka kale. Haddaba ogoow gabadha aad guursanaysaa hadday
tahay qof diin leh, dabeecad leh, dad wanaagsan ka dhalatay, qurux iyo
ilqabatana leh, waxay markaa u badantahay carruurta ay dhalaysaa inay
sideeda oo kale noqdaan.
Tilmaamaha
aynu soo sheegnay waxa ugu qiimi badan diinta oo inta kale looga maarmi
karaa, haddiise aad ku raacdo qurux iyo dan adduunyo, ogoow carruurta
aad dhashaa waxay ka dhaxlayaan qaabdarrooyinka kale ee ku qarsan
gudeheeda eh. Waxa iyana taas lamid ah kolka aad daydayaysid kii ubadkaaga aabbe u noqon lahaa.
Rasuulka suubbani (SCW) waxa uu xadiis ku leeyahay:(Hadduu
idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya,
haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa).
MAXAAD SAMAYN MARKUU DHASHO?
Diinteenna
Islaamku waxay qabtaa in ubadku isla marka uu dhasho, looga addimo
dhegta midig, loogana aqimo dhegta bidix, hadal barisna looga billaabo Laa Ilaaha illal-Laah, maalinta toddobaad ee dhalashadiisana inta loo wanqalo oo madaxa laga xiiro, magac loo bixiyo, buuryadana laga gooyo ( la gudo).
Asmaa
binti Abii-Bakar (RC) oo ahayd Caaishah (RC) walaasheed iyo xaaskii
saxaabigii weynaa Subayr ibnu Cawwaam (RC), waxaa laga weriyey: (Cabdullaahi
ibnu Subayr baan ku dhalay (Qubaa)markaas baan intaan Rasuulka (SCW) u
keenay, dhabta u saaray, markaas buu dalbaday in Timir loo keeno, oo
intuu calaaliyey dhanxanagga ugu tiray).
Dhanxanag
ku tirku waxa weeye kolka shayga inta la calyeeyo, dabeeto ilmaha yar
afkagudihiisa loogu soo tiro, waxana sidaa loo yeelayaa si ilmaha yar
loo baro tabtuu raashinka u cuni lahaa uguna tababbaran lahaa
cunitaanka. Timirta sababta loo doortay waxa weeye iyadoo aad u macaan
oo uu ilmaha yari macaansanayo iyo iyada oo ka kooban iskudhis aan u
baahnayn inay calooshu shiiddo oo isagu ah nafaqo diyaar ah, dhiiggana
si toos ah u raaca, waxana weeye Glucose. Raashinka caadiga ahi waxa uu
Timirta kaga duwanyahay isagoo ka kooban iskudhisyo u baahan inay
calooshu shiiddo oo usii jejebiso iskudhisyo ka fudud ilaa ay isu
beddelaan Glucose, isagu markaa si toos ah dhiigga u raaca. Haddaba,
maaddaama uu ilmaha yari awood daranyahay, calooshiisuna aanay weli u
bislaan cunno shiidis, waxa habboon in la siiyo nafaqo diyaar ah sida
caanaha hooyada oo uu ku jiro iskudhiska Lactose, ama Timirta oo uu ku
jiro Glucose, labadubana waa iskudhisyo fudud.
Cali Bin Abii Daalib (RC) waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) Xasan ugu wanqalay (Ri) dabeetana uu yiri: (Faadumooy madaxa ka xiir, oo sadaqayso timihiisa muggood oo Qalin ah), dabeeto intay miisaantay buu yiri bay noqdeen qiyaastii hal Dirham.
Ibnu
Cumar (RC) waxa uu yiri: Waxan maqlay Rasuulka (SCW) oo dadka ka reebaya
kolkay ilmaha madaxa ka xiirayaan inay dhoor u yeelaan, waxana uu yiri:
(Ama ka wada xiira ama u wada daaya).
Dhoorka waxa uu Rasuulku (SCW) ku tilmaamay timaha lagu reebayo madaxa
fooddiisa ama labada goon mid. Waxa la weriyey in Rasuulku (SCW) kolku
tima jaruhu Xasan iyo Xuseen madaxa ka xiirayo uu la joogi jiray oo aanu
u dhaafi jirin keligii si uu ula socdo qaabka uu ugu xiirayo.
Abuu Bureydah nin la yiraahdo waxaa laga weriyey inuu yiri: (Waqtigii
Jaahiliyada kolka wiil dhasho intaan Ri gawracno baynu dhiiggeeda gelin
jirray (madaxa kaga shubi jirray), kolkuuse Eebbe Islaamka noo keenay
Ri baynu goowracaynay, wiilkana madaxa waynu ka xiiraynay, hase ahaatee
Zacfaraan baynuska mari jirnay).
Waxaad
halkaas ka garan kartaa in caadada Soomaalida qaar taqaan gaar ahaan
reer miyigu, ee carruurta dhiigga lagu geliyaa tahay caado jaahili ah
oon Islaam shaqo ku lahayn, welibana markuu Islaamku yimid Muslimiinta
ka reebay. Haddaba wax kun iyo afar boqol oo sano kahor Islaamku reebay
maxaynu weli u raad joognaa Soomaaliyeey.
Ibnu Cumar (RC) waxa laga weriyey in Rasuulku (SCW) uu yiri: (Magacyadiinna kuwa uu Eebbe ugu jecelyahay waa Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan). Xadiis kale oo Rasuulka (SCW) laga weriyey baa isna ahaa: (Isu
bixiya magacyada nabiyaasha, magacyadana Eebbe waxa uu ugu jecelyahay
Cabdullaahi iyo CabdurRaxmaan, waxana ugu run badan Xaarith iyo Hammaam,
waxana ugu foolxun Xabri iyo Murrah).
Waxay
Diinteenna Islaamku qabtaa in waalidka loogu neynaaso magaca curadkiisa,
oo loogu yeeru Abuu-Hebel (Hebel-Aabbihii). Tusaale ahaan, hadduu
magaca curadkiisa yahay Cumar in isaga lagu naynaaso Abuu-Cumar.
Soomaaliduse Aayaddii wey rogeen oo inankii baa loogu yeerayaa
(Ina-Hebel). Waxa
la weriyey in qolo rasuulka (SCW) wafdi ahaan ugu timid. Nin kamid ah
qolada ayuu dabeeto Rasuuulku(SCW) maqlay iyadoo loogu yeerayo
Abul-Xakam (Xikmad Aabbihii), markaas buu Rasuulku (SCW) u yeeray oo ku
yiri: Ilaah baa xikmad leh, xukunkana lehe maxaa Abul-Xakam laguugu
neynaasay. Markaas buu ninkii yiri: Qoladaydu markay gar isku qabtaan
bay iila yimaadaan markaas baan garta gooyaa labada qolona raalli ku
noqdaan. Markaas buu Rasuulku (SCW) ku yiri: Waxa taas kaaga wanaagsan,
carruur ma leedahay?. Markaas buu yiri: Shurayx iyo Muslim. Markaas buu
weydiiyey: Keebaa weyn. Markaas buu yiri: Shurayx. Markaas buu Rasuulku
(SCW) yiri: Haddaba waxaad tahay Abuu Shurayx.
Magaca ilmaha oo waalidka loogu naaneysaa waxay ilmahaa u noqonaysaa sharaf, qaddarin iyo qiimayn, waana uu ku faanayaa.
Waxa Rasuulka (SCW) laga weriyey inuu yiri: (Shan
waxay kamid tahay fidrada (Waxyaabaha Eebbe Baniaadmiga ku abuuray):
Gudniinka, bir ku xiirashada, kilkila rifista, ciddiya jarista, iyo
shaarib gaabinta).
U NAXARIISO LANA CAYAAR CARRUURTA
Rasuulkeennii
suubbanaa (SCW) kolka uu Salaadda tukanayo, hadduu ilma yari ooyo waa
uu boobsiin jiray si aanay ilmahaa hooyadii oo Salaadda kula jirtaa uga
welwelin. Waxa uu dadka dhihi jiray: (Qofkiin
hadduu Imaam noqdo, ha dedejiyo Salaadda, maxaa yeelay waxa idinku jira
ilmo yar, qof da’ ah, qof tabaryar, iyo qof jirran, hadduu keligii
tukanayase siduu doono ha u dheereeyo). Waxa weriyey Abaa Hureyrah.
Ibnu
Mascuud waxa laga weriyey inuu yiri: Inan baan karbaash ku dhuftay,
markaas baan cod gadaashayda ka maqlay, saa waa Rasuulkii Alle (SCW) oo i
oranaya: (Ibnu Mascuudow ogow in Alle kaaga awood badan yahay si ka daran sida aad ilmahan yar uga awood badan tahay). Waxa
la sheegay in Cumar bin Khaddaab (RC) uu doonayey inuu shaqo u dirsado
nin reer Asad ah. Markaas buu u yimid si uu alaabadii uu ugu shaqayn
lahaa uga qaado. Cumar (RC) baa markaas intuu wiil uu dhalay soo qabtay
dhunkaday. Ninkii reer Asad baa markaas yiri: Ma kanaad dhunkanaysaa
Amiirul Muminiinow, Wallaahi baan ku dhaartaye weligey wiil ma dhunkoon.
Markaas buu Cumar (RC) yiri: (Naxariista dadkaa kugu yare keen
qalabkayaga waxba ii qaban meeyside).
Waxa laga
yaabaa in ilmuhu uu kula cayaaro qofka weyn isagoo garka ka qabsanaya
amaba marada uu xiranyahay. Haddaba markaas oo kale ma aha in la hiifo
oo la canaanto, taasi oo dhaawici karta dareenkiisa iyo naftiisa, kuna
abuuri karta inuu noqdo ilmo xirxiran oon dadka dhex gelin. Haddiise
loogu beddelo cayaartiisa dhoola caddayn iyo la cayaar, waxa markaasi
qalbigiisa gelaya farxad iyo raynrayn, waxanu helayaa geesinimo uu ku
dhexgalo dadka waaweyn kagana faaiideysto, kagana kororsado aftahanimo
iyo dad la dhaqan.
Waxa la
weriyey inu Rasuulku (SCW) qaadi jiray, koolkoolin jiray lana cayaari
jiray labada wiil ee uu awoowaha u ahaa Xasan iyo Xuseen. Asagoo salaad
ku jira oo sujuudsan hadday dusha uga baxaan sujuudda waa uu dheereyn
jiray si aanu cayaarta uga qasin ilaa ay iskood uga degaan. Waxa la
sheegay in Rasuulkoo dad u khudbaynayaa uu arkay Xasan iyo Xuseen oo soo
socda oo turaanturroonaya, markaas buu intuu khudbadii joojiyey orday
oo soo qabtay oo intuu agtiisa soo fariisiyey dabeeto khudbadii halkii
ka billaabay.
Waalidka
ubadka dhalayow maxaad ka oran lahayd haddaad ogaato in Caaishah oo aad u
da’ yarayd markuu Nabigu (SCW) guursanayey, markii la guri geynayey ay
hore usii qaadatay waxyaabihii ay ku cayaari jirtay. Waxa weliba intaa
dheer Nabiga (SCW) oo u oggolaan jiray hablihii saaxiibbadeed ahaa ee
intaan la guursan la cayaari jiray inay aqalka ugu yimaadaan oo la
cayaaraan. Maxaad oran lahayd haddaad ogaato in Xuseen ibnu Cali uu
lahaa Eey yar oo uu ku cayaaro, kolkuu Jibriil soo geli waayey guriga oo
uu Rasuulka (SCW) ogaaday inay sababtu tahay Eeygaa Xuseen in uusan
xitaa canaanan.
Rasuulku (SCW)
aad ayuu carruurta u jeclaa, una qaddarin jiray, uguna oggolaan jiray
inay cayaaraan sababtoo ah cayaartu waxay kobcisaa caqliga ilmaha iyo
maskaxdiisa, waxay hawl gelisaa xubnihiisa iyo dareenkiisa. Kolka aad u
keento wax faaiida leh oo uu ku cayaaro waxad ka saaraysaa rajaynimada,
ku abuuraysaa jacayl uu kuu qaado, farxad gelinaysaa qalbigiisa, kana
dhigaysaa ilmo kalsooni naftiisa iyo waalidkii ku qaba oo si quman u
kobca.
Cayaartu waxa
weeyey diyaargarow dabiici ah oo ay carruurtu ku dhashaan, si ay isaga
saaraan tamarta dheeri ah ee jirkooda. Cayaarta ilmaha yari waxa uu ku
bartaa wax kasta oo hareerihiisa ahi waxay ka sameeysan yihiin. Ilmuhu
cayaarta wuxuu ku bartaa siduu u xakamayn lahaa naftiisa, waxana ku
kordha kalsoonida uu isku qabo iyo kobcinta karaankiisa waxqabad.
Culimadu waxay ku dardaarmeen in ubadka loo daayo cayaarta toddobada
sano ee cimrigiisa ugu horreeya
Waxa loo
baahanyahay in ilmaha loo oggolaado inay helaan waqti ay cayaaraan, gaar
ahaan kolka ay waajibka Iskuulka ka soo baxaan oo buugaagtii looga
baahnaa akhriyaan. Ilmaha haddii cayaarta loo diido oo wax akhris iyo
qaylo nafta looga qaado maskaxdiisa ayaa daalaysa, caqligiisu
isdhimayaa, murugo ku beermeysaa, dabeetana ku fekerayaa siduu uga bixi
lahaa dhibta uu ku jiro. Ilmaha caafimaadka qabaa ma fadhiyi karo
dhaqaaq laan shan daqiiqo. Waxaad durbaba arkaysaa asagoo meel eegaya,
waxay ishiisu qabato soo qaadanaya, gedgeddinaya, afka gashanaya, furaya
si uu waxa ku dhexjira u fiiriyo.
Kolkaad
aragtid Carruur cayaaraysa kaad dhashayna uu ku jiro, looma baahna inaad
ka kaxayso, haddaadan xaajo xoog leh ka lahayn. Waxa xitaa habboon
inaad fiirsatid kolka uu saaxiibbadii la cayaarayo si aad u dhiirri
gelisid, waxanay taasi u noqonaysaa taageero iyo moraalka oo u dhisma.
INANKAAGA KAXAYSO HANA KU AG FARIISTO
Ilmaha
yari waxa uu xaq u leeyahay inuu waalidkiis raaco si uu uga faaiideysto
oo cilmi iyo aqoon uga kororsado, caadooyinka u barto, dad la dhaqanka u
barto, dabeetana usoo baxo qof waxgarad ah.
Rasuulku
(SCW) ubadka wuu kaxaysan jiray. Waxa la weriyey inuu kaxaystay Anas
ibnu Maalik (Adeegihiisii), carruurtii ina adeerkii Jacfar, ina adeerkii
Fadlu, Ibnu Cabbaas iyo carruur kale. Cabdullaahi ibnu Cabbaas (Ina
adeerkiis) wuxu gaar ahaan Rasuulku (SCW) isagoo daabbad la saaran
siiyey dersi ilaa maalinta Qiyaamaha muslimiinta oo dhan cibro u ah.
Wuxuu isagoo waaninaya ku yiri: (Wiilyahow
erayaan ku barayaa: Dhowr Ilaah haku dhowree, dhowr Ilaah haku soo
abbaaree, haddaad baryeysid Ilaah bari, haddaad kaalmo weydiisanaysidna
Ilaah kaalmo weydiiso, ogoowna hadday ummadda oo dhami isugu kaa timaado
si ay wax kuugu tarto kugu tari mayso wixii Ilaah kuu qoray mooyee,
hadday isugu kaa tagto si ay dhib kuu gaarsiisana ku gaarsiin mayso dhib
Ilaah kuu qoray mooyee, qalmaantii waa la qaaday qoraalkiina wuu
qallalay).
Ibnu
Maajah waxa uu weriyey in Rasuulku (SCW) nacalladay qofkii kala fogeeya
hooyo iyo ubadkeed iyo wiil iyo walaalkiis. Ninka Soomaaliga ah ee
kolku xaaskiisa furo carruurta ka kaxaysanayow Ilaah ka baq, Rasuulka
(SCW) nacalladdisana iska jir oo dhallaanka udaa dhabta hooyadiis.
Waxa
iyana jirta in Rasuulku (SCW) uu maanacay in kolka gole la fariisanayo,
la kala dhex galo wiil iyo aabbihiis. Taasina waxay kamid tahay
akhlaaqda gole fariisadka, maxaa yeelay aabbuhu asagaa og inankiisa
edebtiisa, hab fariisadkiisa, caadooyinkiisa, waxa uu ku fiicanyahay iyo
meelaha uu ku qalloocanyahay. Markaa waxa habboon in aan la kala
dhexgelin si hadduu khalad sameeyo uu u toosiyo oo (Yac) u yiraahdo.
Sidoo kale haddii ilmaha iyo aabbihii la kala dhexgalo waxa uu ilmuhu
dareemayaa ceebsi iyo xishood, wuxuuna dhararayaa intuu fadhigu ka
dhammaanayo, isagoon waxna markaa ka faaiideysan raggii ka waaweynaa ee
uu la fadhiyey.
Saa
darteed isagoo daryeelaya dareenka ilmahaa yar ayuu Rasuulku (SCW) amar
ku bixiyey inaanu ninna golaha fadhiga ku dhex fariisan wiil iyo
aabbihii ee iyaga lays xijiyo.
SALAADDA IYO SARIIRTA
Rasuulku (SCW) waxa uu Xadiis ku yiri: (Carruurtiinna
fara inay Salaadda tukadaan markay toddoba jirsadaan, hadday tukan
waayaan iyagoo toban jirana ku tuma, mid walbana meel gaar ah seexiya).
Carruurta
in gogosha loo kala duwo oo midba meel gaar ah la seexiyo kolkay toban
jirsadaan, wuxuu Islaamku ina faray afar iyo toban qarni kahor, ha
yeeshee culimada reer galbeedku hadda ayuumbay ku baraarugeen
faaiidooyinka ay leedahay. Culimadu waxay leeyihiin waxa lagama maarmaan
ah in carruurta gogosha loo kala fogeeyo, waxana weliba habboon haddii
la yeeli karo in midba qol gaar ah la seexiyo. Culimadu waxay intaa
raaciyeen in carruurta si joogta ah halka sariir isula seexda jirkoodu
uu isku dhego oo isku lismo, taasi oo markaasi keeni karta inay isku
faracayaaraan. Ubadka oo waalidka halka qol ee jiif la wadaagaa iyadu
wayba kasii xag jirtaa oo waa arrin marnaba caqliga kafog.
Carruurtu
mar kasta ma hurdaan kolka waalidku sidaa moodo, xitaa kuwooda laba ama
saddex jirka ah, welwel buuna ku abuuraa dhaqdhaqaaqa jinsi ee
waalidku. Xitaa hadduu qolku mugdi yahay waxa ilmaha yar khalkhal gelin
kara codadka kasoo yeeraya labada waalid.
Carruurta
halowda iyagoo mararka qaar aad u yar waxa sabab looga dhigi karaa
sariir iskula seexintooda iyo qolka jiifka oo ay waalidkood la
wadaagaan, waxyaabahaasi oo dhammaantood sharcigu reebayo ee ha laga
digtoonaado.
UBADKA SAQIIRA IYO SHAFEECADA
Ubadka
Muslimiinta ee ayagoo yaryar saqiira (dhinta) waxay la sheegay inay
Jannada dhexdeeda ugu adeegayaan Nabi Ibraahim (CS) iyo ooridiisii
Saarah (CS) ilaa ilmaha waalidkii Jannada kasoo galo oo kala wareego.
Halka ubadka gaalada ee iyaguna sqiiraa ay Jannada ugu adeegayaan
Muslimiinta guud ahaan.
Abii Saciid Al-Khudriyy waxa laga weriyey inu Rasuulku (SCW) yiri: (Naag
kastoo idinka mid ah oo saddex carruur ahi u saqiirta iyagaa Naarta ka
xijaabaya, markaas naag baa tiri: Labana? Markaas buu yiri: Labana). Xadiis kale waxa uu Rasuulku ku yiri: (Muslinkii saddex carruur ahi u saqiirtaa, waxay kusoo dhoweeyaan siddeedda albaab ee Jannada, kuu doono buuna ka galaa).
CARRUURTA IYO BEENTA
Beentu
waxa weeye runta oo la mijaxaabiyo, jagada laga qaado, jiritaankeedana
laysku dayo in la tirtiro. Beentu waxa weeyey in shayga laga bixiyo
sawir aan kiisii dhabta ahaa ahayn, si khaldanna loo suuraadiyo, si uu
dadka kale ugu muuqdo, looguna qanciyo inu sax yahay. Beentu waxa weeye
isku day daboolid fal kahor imaanaya kii dabiiciga ahaa.
Haddaba
beentu waxa weeye dhaqan oraaheed loola jeedo in lagu daaho fal ama
oraah, kaasi oo la saanqaadaya danta iyo rabitaanka qofka yar iyo weynba. Cabdullaahi bin Caamir waxa laga weriyey Xadiis saxiix ah oo uu ku yiri: (Hooyaday
baa ii yeertay maalin, Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo
gurigayaga fadhiya, waxayna itiri: Kaalay. Markaas buu Rasuulku
(Sallallaahu calayhi wasallam) ku yiri: Maxaad siin lahayd, say tiri:
Timir baan siin rabay, markaas buu ku yiri: Haddaadan waxba siin been
baa laguu qorayaa).
Ubadku way u fiirsanayaan dhaqanka dadka waaweyn, waanay ku dayanayaan.
Haddaba ma bannaana in la siro, ama been loo sheego. Ubadka in been
lagu cabsiiyo ma bannaana. Kolka la doonayo in laga farxiyana sidoo kale
ma bannaana in lagula cayaaro ama kaftamo amaba lagu madadaaliyo
ballamo been ah.
Carruurta
laftoodu been bay mararka qaar sheegaan, inkastoo aanay markaa ahayn
mid ula kac ah, misna waxay reebtaa xididdo aan dhaqsa u siibmin.
Haddaba sababaha carruurta ku dhaliya inay waalidkood been u sheegaan
waxa ugu badan kuwan soo socda: 1- Ilmaha yari mararka qaar wuxuu been u sheegaa si uu u ogaado
waxa dhacaya, sida isaga oo ku sheekeeya:saaxiibkay baa aabbihii ka
xaday boorsadii lacagtu ugu jirtay. 2- Waxa laga yaabaa inuu si ula kac ah been u sheego si uu canaan uga badbaado. 3- Isaga oo waxyaabaha qaar waaweyneeya oo xaddigoodii mid ka weyn siiya si uu ugu faano looguna amaano. 4- Inaanu kala garanayn waxa dhabta ah iyo waxa dhalanteedka ah, gaar ahaan ilmaha aan Iskuulka weli gaarin.
Maxaad samaynaysaa markaas?
1- Isdeji, hana kula qaylin oo ku canaanan ilmaha si uu runta
kuugu sheego, maxaa yeelay waxa laga yaabaa inuu been hor leh kuu sheego
si uu isu badbaadiyo. 2- Si wanaagsan ula xaajood, waxan ula jeedaa haku oran (beenlow
baad tahay) ama ha yasin, taasi oo markasi ilmaha gayeeysiinaysa inu
aargoosto oo ku qaddarini waayo. Taa beddelkeeda waxa habboon inaad
tiraahdo tusaale ahaan: (Waan ogahay waxa aad sheegeysaa inay been
yihiin, beentana waa laga fiicanyahay, ee bal aynu arrinka isla eegno). 3- Isku day inaad ogaatid sababta uu ilmaha yari beenta u
sheegayo. Haddii uu masalan ku doodayo inuu carruurta oo dhan kaga
wanaagsanyahay maaddo uu dugsiga ku qaato, ogoow dhibaataa maaddadaa ka
haysta eh. Haddaba kolka aad hubisid halka laga haystaa inay maaddadaa
tahay, waxaad ku oran kartaa: ( Waan arkaa in maaddadani waqti fara
badan kaa qaadayso kuna dhibayso ee bal aan kula eegee keen). 4- Qaab anshax leh u edbi. Carruurtu waxa lama huraan ah inay
ogaadaan laba shay: Inaynu ku faanayno hadday runta noo sheegaan iyo in
beentu keenayso canaantii iyo ciqaabtii oo korodha oo aanay waxba ka
faaiideyn. 5- Waa inuu ubadkaagu runta kaaga daydaa, waxyaabaha beenta ay
ka bartaanna waxa kamid ah tusaale ahaan kolka qof taleefan guriga kuugu
soo diro ood carruurta amaba xaaska ku tiraahdo: Ku dheh wuu jiifaa
amaba ma joogo. Halkaa waxay carruurtu ka ogaanayaan in waalidkood been
sheego, kol haddii waalidkii been sheegayana iyaga kuma dhihi karo run
sheega. Haddaba adiga yaanu kaa baran been sheegista, hadduu run
sheegana ka abaal mari.
ALLE AQOONTIIS KU ABAABI
Ilmaha
yari si fidra (u dhalasho) ah buu iimaanka Eebbe qalbigiisa ugu jiraa.
Waxaad arkaysaa isagoo durbaba ku weeydiinaya, dhulka yaa abuuray,
samada yaa abuuray, annaga yaa na abuuray, iyo wax kasta oo hareerihiisa
ah. Haddaba waalidka waxa laga doonayaa inay fursaddaasi ka
faaiideystaan ooy ilmaha baraan Allihii wax kasta abuuray,
jawaabohooduna waa inay la jaanqaadaan hadba heerka garasho iyo
maskaxeed ee ilmaha yar.
Iimaanka
Eebbe iyo Alle ka cabsigu waxay ilmaha qalbigooda ku tallaalaan rajo ay
nolosha ka qabaan iyo Eebbe ooy talasaartaan. Culimada Diintu waxay ku
dardaarmeen in ilmaha kolkuu saddex jirsado la baro Laa ilaaha
illallaah, kolkuu saddex iyo bar jirsadana loo raaciyo Muxammadu
Rasuulullaah, kolkuu afar jirsadana loo raaciyo Sallallaahu calaa
Muxammad wa aalihi wasaxbihi wasallim. Markuu shan jirsado waa inuu kala
garanayo midigtiisa iyo bidixda, sidaasna lagu baro halka ay qibladu ka
jirto, laguna abaabiyo inuu u sujuudo. Kolkuu haddaba toddoba jirsado
waa in inta wejiga iyo gacmaha iska soo dhaq la yiraahdo tukasho loo
billaabaa. Kolkuu sagaal jirsado weeyso iyo salaad buuxda ayaa laga
doonayaa. Kolkuu toban jirsado hadduu tukan waayo waa lagu canaananayaa,
hadduuse tukado dembi dhaaf buu Eeebbe waalidkii uga dhigayaa.
Dada
u dhaxaysa 3 – 6 jir, ilmuhu waalidkii buu wax kasta kaga dayanayaa,
habka iyo hannaanka uu Eebbe u caabudaana waa isla habka iyo hannaanka
waalidkii u caabudo, oo hadduu waalidku yahay qof Eebbe ka baqa oo
Quraanka mar waliba akhriya, tukada, sooma, guriga oo dhami yahay goob
diineed, ilmuhuna beeyadaas ayuu ku barbaarayaa isla sidaasna ula
falgelayaa ulana jaanqaadayaa. Haddiise gurigu yahay goob heesaha lagu
dhegeysto, lagu qoob-ka-cayaaro, xafladahana lagu oogo, waxad arkaysaa
ilmihii oon shanjir gaarin oo heesaya oo qoob-ka-ciyaaraya oo hadba
dhinac iska rogaya, diin iyo duruufahaasina kala fog.
Ilmihu
marxaladdaa iyada ah wuxu jecelyahay inuu dhayalo oo qoslo. Waxa kale
oo uu jecelyahay in waalidkii u naxariisto. Alaabo uu ku cayaaro usoo
iibiyo, lana cayaaro. Haddaba waa in arrintaas waalidku ka faaiideystaa
oo ilmaha ku abaabiyaa in hadduu edeb yeesho, run sheego, Ilaah
jeclaado, waalidka jeclaado, Quraankana akhriyo, markaa uu usoo iibinayo
waxyaabaha uu rabo, waana inuu ballantiisa oofiyaa.
Ilmaha
yari haddaanu ku tababaran waalid adeeca, kama yeelayo wixii talo iyo
toosin ah ee ay usoo jeediyaan, sidaana waxa uu naftiisa, ta waalidkii
iyo mujtamacaba ugu abuuraa mashaakil aan xal lahayn. Waxa uu ka didaa
dhammaan caadooyinka, dhaqanka iyo qawaaniinta dowladda iyo mujtamaca.
Saa
darteed waddada ugu habboon ee ay waalidku adeeca ubadkooda ku kasban
karaan waxa weeye jacayl iyo naxariis. Waxa laga doonayaa waalidka inay
ilmaha yar xumaantiisa ka gudbaan wanaaggiisana ku ammaanaan oo ku
dhiirrigeliyaan. Waa inaanay mar kasta oo uu khalad sameeyo ku qaylin oo
canaanan, maxaa yeelay canaanta badan ee micna darrida ahi waxay ilmaha
gayeeyesiisaa inuu u qaato wax iska caadi ah, kana damqan waayo hadduu
khalad intuu sameeyo lagu canaanto. Ilmaha waalidkii ka hela daryeel iyo
jacayl, isna waa uu jeclaadaa oo warkiisa yeelaa. Ilmaha loola dhaqmo
sidii qof caqli leh oo bisil, isna waxa uu u dhaqmaa sidaa si la eg oo
wuu is ixtiraamaa dadka kalena ixtiraamaa sida isagaba loo ixtiraamo,
haddiise mar kasta la caayo, la habaaro, lagu qayliyo, wax lagu tuuro,
la yaso, waxa markaa imaanaysa inuu isna cidna ixtiraami waayo, cidna
qiimayn waayo, cidna (xitaa waalidkii) waxba ka maqli waayo.
Ilmaha
yari marxaddaa iyada ah waxa uu waalidkiis uga baahanyahay jacayl iyo
qiimayn iyo inay qirtaan dadnimadiisa iyo kaalinta uu qooyska iyo
mujtamaca kaga jiro, tooshna lagu daaro.
Mar
kasta oo ilmuhu dareemo in la jecelyahay, waalidku jecelyahay, mujtamacu
jecelyahay, waxa uu koraa korityaan dabiici ah, kana koraa xag caqli,
xag luqadeed, xag dareen iyo xag bulshadeed intaba.
Ilmaha
waa in la dhiirrigeliyo lana taageero oo lagu ammaano hadday sameeyaan
wax fiican, hadday gefaanna aan la cambaareyn, hadalkooda iyo
dhaqankooda la qodqodin, waxaanay awoodi karinna dusha laga saarin. Waa
in uusan ilmaha yari marnaba dareemin inuu yahay qof aan la jeclayn oo
la xaqirayo, maxaa yeelay hadduu arko waalidkii oo ka xun ma kala garan
karo inu isaga necebyahay iyo in waxa uu samaynayo ka xunyahay.
WUU KU HALLAABAA KOOLKOOLISKA BADAN
Inkasta
oo loo baahanyahay in ubadka la ixtiraamo, xorriyad la siiyo, la
qiimeeyo, haddana looma baahna in hortiis loo daayo oo xorriyad xad laan
ah la siiyo. Waa
in la dareensiiyo inay waxa uu sameeynayaa gef yihiin. Waa inaan wax
kasta oo khalada faraha looga qaadin, isla markaana waa inaan wax kasta
oo gef ah oo ka dhaca lagu canaanan. Waa inay jirtaa xuduud jeexan oo u
dhaxaysa adadayga iyo baarrinimadu
Waalid waxa
ugu liita bay yiraahdaan culimadu kan u roonaanta ubadkiisu ay dulleyso
halkay ka toosin lahayd. Hadduu ilmuhu gefo waa inay waalidku
dareensiiyaan gefkiisa, kuna qanciyaan inaanu u noqon, hadday qancin iyo
si aayar ah wax ugu sheeg ku kari waayaanna waxa lagama maarmaan ah
markaa inay canaantaan. Canaantu markaa waxa habboon inay noqotaa mid
nafsiyan ah sida iyaga oo u sheega inuu ceeboobay, ama ka goosta, ama
usoo iibin waaya wixii ay usoo iibin jireen, ama geeyn waaya meeshii ay
geyn jireen ilaa uu ka waantoobo waxa laga canaanaayo ama ku dhaqaaqo
waxa lagu canaananayo. Canaanta jirka ah waxa la hubiyey in ta
nafsiyanka ahi ka natiijo wanaagsantahay. Ha ku degdegin inaad garaacdo
ilmaha yar.
Warkaa isaga
ah waxa marag kaaga ah kolka aad aragtid meelaha ubadka lagu
dhaqanceliyo dunidan ubadka ku jira intooda badani inay yihiin kuwo
waalidkood ama mujtamacu dili jiray oo darxumayn jiray.
Waa inaan
ilmaha koolkoolinta laga badin oon wax kasta oo uu dalbado la siin, ama
wax kasta oo uu sameeyo lagu raacin, maxaa yeelay koolkoolinta badani
waxay ilmaha tirtaa u adkaysiga dhibaatooyinka kahor yimaada iyo u
dulqaadka duruufaha nolosha.
Waalidku waa
inuu ubadkiisa u sameeyaa barnaamij uu ugu caddeynayo waxyaabaha fiican
iyo waxyaabaha xun, ammaanta iyo canaantuna waa inay ka dhashaan hadba
waxa uu ku kaco. Waa si aynu quluubtooda ugu beerno jacaylka waxyaabaha
fiican, iyo nacaybka waxyaabaha xun, sidaana ugu xoojinno damiirka iyo
dadnimada carruurta marxaladdaa iyada ah. Waa si ay mustaqbalka ugu
abuuraan cabsi uu ka qabo sameynta waxyaabaha xunxun iyo xiise uu u qabo
wanaag samaynta, isagoo isku kalsoon kuna kalsoon in waxa uu sameynayaa
yihiin wixii saxda ahaa.
Waalidka waxa
laga waaninayaa inuu ubadkiisa edbiyo asagoo xanaaqsan. Kolka uu
waalidku kusoo xanaaqo goobta shaqada ama jidka, amaba uu xaaskiisa u
xanaaqo, waa inaanu ubadka rarka iskaga dhigin, maxaa yeelay canaanta
iyo ciqaabta xilligaasi way ka duwantahay marka uu waalidku caadiga
yahay siduu u hawlgeli lahaa. Canaanta xilligaas ahi ilmaha yar kedis
bay ku noqonaysaa, isagoo aan ka filanayn in waalidkii saa u gelayo,
taasi oo markaasi ku reebaysa cuqdad nafsiyadeed.
Ilmuhu kolka
uu xanuunsanayo waa in si dheellitiran loo daryeelaa oo aan lagana
badbadin, lana dayicin oo la dareensiiyo in lala xanuunsanayo, lana
daryeelayo. Dumarka qaar baa kolka ubadkoodu xanuunsado dhulka isla
dhaca, ooya iyagoo arkaya, si aan xad lahaynna u koolkooliya. Taasi
haddaba waa khalad, waxanay raad ku yeelanaysaa nafisyadda ilmaha kolka
uu weynaado. Qofka weyn ee waaguu yaraa la koolkoolin jiray waxad
arkaysaa inuu mar kasta murugeysan yahay, eersheegad badany ahay,
dhaqsina u xanaaqayo, dulqaadka iyo adkeysiguna ku yaryihiin.
Dhibaatooyinka
iyo cudurrada nafsiyadeed ee waxyeelleeya mustaqbalka carruurtu waxay
ka dhashaan dhaqanka khaldan ee labada waalid. Iska horimaadka asluubta
barbaarineed ee labada waalid, sida in mid canaanto midna cafiyo, in mid
koolkooliyo midna waxaan jirin kasoo qaado, iwm. Waxyaabahaasi oo dhami
waxay nafsadda ilmaha ku abuuraan immaa inuu noqdo mid cadowtinimo
badan, qalbi jabsan, naxariis daran, keligii socda oon saaxiib lahayn.
Amaba inuu noqdo mid aan waxba qabsan karin, naftiisa wax tari karin,
shaqsiyad lahayn, had iyo goorna dadka kale ku tiirsan.
CARRUURTAADA SIN
Nucmaan ibnu Bashiir waxa laga weriyey inuu yiri: (Aabbahay
baa hadiyad isiiyey, markaas bay hooyaday ku tiri: Raalli kama ihi
haddaanad Rasuulka (SCW) marag uga dhigin, markaas buu aabbahay Rasuulka
(SCW) aaday, markaas buu ku yiri: (Inankaygii baan hadiyad siiyey
markaas bay hooyadii igu amartay inaan marag kaaga dhigo Rasuulkii
Allow, markaas buu Rasuulku (SCW) yiri: Carruurtaada oo dhan ma siisay
hadiyaddaa mid lamid ah?! Markaas buu yiri: Maya! Markaas buu Rasuulku
(SCW) yiri: Si caddaalad ah carruurta wax ugu qaybiya maragna ha iiga
dhigina anigu gacan bidxayn marag kama noqonayee). Soomaalidu waxay tiraahdaa: (Waalidku carruurtiisa mar waxa uu
ugu jecelyahay kan curadka ah, mar kan yaraanka ah, mar kan maqan ilaa
uu ka yimaado, marna kan buka ilaa uu ka bogsoodo).
Guud ahaan,
ilmaha curadka ah ee kaligii ah waa la jecelyahay oo la koolkooliyaa, si
gaar ahna loo daryeelaa, maadaama uu ilaa markaas madi yahay. Ilmaha
caynkaas ahi waxa uu waalidkii ka helaa daryeel badan, naxariis badan,
wuxuu dalbadoo durbaba loo keeno hadday ahaan lahayd dhar, cunto, alaabo
uu ku cayaaro, iwm. Waalidku waxay isku dayaan inay si kasta ku
raalligeliyaan, waxay u kexeeyaan inta badan meelaha ay aadaan oo ama
hooyadii baa kaxaysa ama aabbihii ama labadoodaba. Warkii oo kooban waa
ilmo si aan caadi ahayn loo koolkooliyey.
Haddaba ilmaha
caynkaas ah dhibaato xoog leh baa qabsanaysa kolka la dhalo ilmo kale
oo isaga ka yar. Waxa ku beermaysa cabsi uu ka qabo ilmaha cusub,
sabatoo ah waxa uu ku ciriirinayaa wax kasta. Waxa uu kula tartamayaa
jacalka waalidka iyo daryeelkooda. Waxa uu kula yartamayaa booskiisii
maadaama uu madi ahaan jiray. Waxa kale oo uu ku ciriirinayaa waxyaabaha
uu ku cayaaro. Inu
masayr jiro waxa la dareemi karaa isla maalinta uu dhasho kan ka yari.
Maalintaas labada waalid waxay ku jiraan bandow ku saabsan dhalashada
ilmaha cusub iyo daryeelka dhallaanka iyo hooyadii. Haddaba haddaanay si
dhaqsi ah ugu baraarugin arrinkaasi, waxa uu si tartiibtartiib ah isugu
beddelaa nacayb iyo cadowtinimo ilmaha weyni u qabo dhallaanka cusub,
taasi oo markaasi saameyn ku yeelanaysa xaaladdiisa nafsiyadeed iyo
tiisa caadifadeed. Cadowtinimadaasi waxay la saanqaaddaa mar kasta oo ay
waalidku kordhiyaan daryeelkooda dhallaanka cusub.
Haddaba
waalidka waxa la gudboon inay arrintaasi u dhug lahaadaan oo ay halkii
kasii wadaan daryeelkii iyo jacaylkii iyo koolkoolintii curadkooda. Waa
inay isku dayaan inay jeclaysiiyaan dhallaanka cusub, kuna qanciyaan
inuu walaal u noqn doono, uu la cayaaro isna kaashan doonaan. Waa inay
ku qanciyaan inaanu kula loollamayn jacaylka iyo daryeelka waalidka,
qancintaasina waa inay si baraatiko ah u tusaan, sida hooyada oo intay
soo qabato dhunkata oo hoosta gelisa iyo aabbaha oo wuxuu jecelyahay
usoo iibiya, iwm.
Waalidku
waa inuu si siman oo caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyaa curadka iyo
xigeenkiisa, taasi oo markaasi kahor tegeysa, daawaynaysana masayrka iyo
nacaybka, waana in caddaaladdaasi lasii xoojiyaa mar kasta ooy
carruurtu sii da’ weynaataba, maxaa yeelay dareenkooda, caadifadooda,
caqligooda iyo weliba fahamkooda ku saabsan caddaaladda iyo sinnaanta
ayaa sii koraya oo sii bislaanaya marba marka ka dambaysa.
Simista
ubadka waxa kamid ah inaan loo kala saarin lab iyo dheddig. Waxaynu
ogsoonnahay in dalal badan wiilasha si gaar ah loo daryeelo oo loo gacan
bidxeeyo. Ha yeeshee Diinteenna Islaamka ee naxariista badani waxay
nagu waaninaysaa inaan hablaha hordhigno oo wixii hadiyad ah iyaga horta
ku billowno daryeel iyo koolkoolin gaar ahna siinno. Rasuulku (SCW)
waxa uu Xadiis ku yiri: (Qofkii
intuu suuqa galo adeeg kasoo gada ciyaalkiisa usoo qaadaa waxa uu ka
dhiganyahay sida asagoo sadaqo u sida qolo baahiyu dilatay ee hablaha ha
ku billaabo wiilasha kahor). Si kasta ood caddaalad ugu sameysid carruurta, waxa lama huraan
ah inay jirayso xoogaa is-caniifid iyo is-hagarshuum ah oo ka dhex dhaca
carruurta, waana arrin iska caadi ah oo qoys waliba kula qabo. Waxa
dhacaysa in la murmo amaba gacanta laysula tago, midkoodna uu walaalkii
ku eedeeyo inuu asagu daandaansiga billaabay. Markaasi oo kale waxa
habboon in waalidku arrinka u arko inuu yahay wax iska caadi ah, haddii
ay u caddaato waxa laysku haystaa inay wax fudud yihiinna waxa habboon
inayba faraha kala baxaan oo aanay soo dhex gelin, carruurtu markaa
iyagaa umuurohooda dhexdooda ka xallinayee.
Haddiise
ay dareemaan inay arrintu soo noqnoqonayso amaba meel xun gaadho, waxa
markaasi lama huraan ah inay dhex galaan ooy labada dhinacba amar ku
siiyaan inay dhibta joojiyaan amaba ku jeediyaan arrin kale, seey u
illowsiiyaan waxay isku haystaan, ama midkood hawl u diraan si ay u kala
fogeeyaan.
Waxa
loo baahanyahay inaan sidii maxkamaddii carruurta loogu kala garqaadin,
taasi oo markaasi dhalinaysa in hadduu xukunku waddadiisii gefo ay
abuurmayso cuqdad uu qaado kii laga xukmiyey, dreemana in laga eexday.
Hadday lama huraan noqoto in arrinka canaan lagu dhameeyo waa in
labadaba si isku mid ah loo canaanto oon midna la canaanan midna la
daayin si loo simo carruurta.
BARBAARINTA JINSIYEED EE CARRUURTA
Barbaarinta
jinsigu waxay kamid tahay noocyada barbaarineed ee ugu adag uguna
dhibka badan. Weydiimaha carruurtu waalidka weydiiyaan qaar baanay kaba
jawaabi karin iyagoo ka xishoonaya ka hadalka waxyaabaha qaarkood.
Ubadku
wiil ha ahaado ama gabare, waxa uu billaabaa inuu isweydiiyo,
waalidkana weydiiyo waxyaabo badan oo jinsiga la xiriira. Waxa uu wax ka
weeydiiyaa siduu ugu abuurmay hooyadiis uurkeeda, sababta hooyada uuni
uurka u yeelato oo aanu aabbuhu u yeelan, sida ay hooyadu u umusho,
sababta carruurta yaryari aanay uur u qaadin amaba haweenta aan la
qabin. Waxa kale oo uu ilmaha yari doonayaa inuu ogaado farqiga u
dhexeeya lab iyo dhedig iyo sababta ay saa u noqotay iyo Suaalo kale oo
fara badan.
Waxa
haddaba caqligu ku jiraa inay waalidku weydiimaha caynkaas ah u arkaan
wax iska caadi ah ooy carruurtu soo wada marto, waana inaanay ka
welwelin. Waxa weliba habboon ilmuhu kolkay weydiimahaasi oo kale
weydiinayaan inaan lagu aamusin ama loo diidin, maxaa yeelay markaas oo
kale jawaabihii ay u baahnaayeen waxay ka raadsanayaan dad kale, taasi
oo markaasi jahawareer ilmaha ku ridi karta gaar ahaan haddii lasoo
siiyo jawaabo aan dhammaystirrayn amaba jawaabo si aad ah u cad oo aan
ku habboonayn da’da ilmahaa isaga ah.
Waalidku
waa inay diyaar u yihiin inay ilmaha siiyaan jawaab caqligal ah oo la
saanqaadda dadooda, dherjisana baahidooda. Tusaale ahaan, hadduu ku
weeydiiyo uurka, jawaabtu waxa weeye: (Ilaah baa carruurta geliya caloosha hooyadood), hadduu ku weydiiyo kala duwnaanta lab iyo dheddigna waxa weeye: (Adigu aabbahaa oo kalaad tahay ayaduna hooyadeed oo kale), ama (Ilaah baa wiilasha u abuuray inay ka duwnaadaan hablaha).
Jawaabuhu waa inay qaab caadi ah oo deggan u dhacaan oo aanay la socon
welwel, si aanu ilmuhu ugu qaadan in weydiintiisu tahay wax aan caadi
ahayn, haddii kale isagaa keligii jawaab qancisa meel kale ka
raadsanaya.
Waxa
jira waxyaabo ay carruurtu ku kacaan kolkay u dhexeeyaan dada 3 jirka
ilaa toddoba jirka sida iyaga oo mararka qaar ku raaxaysta inay
bandhigaan jirkooda oo qaawan. Waxa iyana jira carruurta qaar ku
faracayaara xubnohooda taranka. Haddaba waalidku waa inuu arrintaasi uga
fogeeyaa si deggan, kuna jeediyaa fekerkooda waxyaabo kale, wana
inuusan waalidku marnaba isku qaawin carruurta hortooda. Waxa taasi ka
khatar badan hadduu ilmaha yari ogaado inay hooyadiis iyo aabbihiis isu
galmoonayaan. Ogaada waalidoow inay carruurtu ku kacayaan waxa ay idinku
arkaan inaad ku kacaysaan. Waa inaadan carruurta hortooda uga sheekeyn
umuuro jinsiga ku saabsan. Waa inaadan isku dhunkoon dhunkasho ka duwan
ta aad carruurta dhunkoonaysaan. Waa in carruurta mid walba lagu
seexiyaa gogol gaar ah kolka ay dadoodu toddoba gaadho, iyadoon loo
aabayeelin nooca carruurta. Waxan ula jeedaa xitaa hadday yihiin laba
gabdhood ama laba wiil.
Waqtigan
hadda la joogo oo guri kasta laga helayo Taleefishan iyo/ama Fiidiyow,
waxa si aad ah lagama maarmaan u ah in carruurta laga fogeeyo waxyaabaha
jinsiga ah. Qooysaska ku dhaqan dalalka aan Diinta Islaamka ku dhaqmin
ee wax waliba caadiga yihiin, waxa loo baahanyahay inu waalidku
labanlaabo dadaalkiisa, una feejignaado dhaqanka carruurtiisa, iskuna
dayo intii tabartiis ah inaanay carruurtu arag muuqaallo jinsiyeed iyo
jir aan asturrayn.
Gebagebadii,
waa inu waalidku kaga jawaabo weydiimaha carruurta ee ku saabsan
jinsiga si degganaani ku jirto, kana fogeeyo muuqaallada jisniyeed ee
aan bannaanayn ee uu Taleefishanku soo bandhigayo.
MARXALADDA KURAYNIMADA
Marxaladdani
waxay ka billabataa dhammaadka guga toddobaad, waxanay ku dhammaataa
dhammaadka guga afar iyo tobnaad. Waxa weeye marxalad lagu diyaariyo
dadnimada ubadka si uu u noqdo nin rag ah oo waxna gala waxna guda,
mujtamacana kaalin wanaagsan kaga jira.
Marxaladdan,
ubadku wuxuu billaabaa inu jiritaankiisa ka fekero, isuna arko inuu
yahay qof jira, madax bannaan, lehna awood waxqabad iyo mid garasho
isaga u gaar ah oo uu kaga maarmo ta dadka waaweyn oo waalidku ugu
horreeyo. Waxa uu isku dayaa inuu beretan galo, sameeyana wax ay ka
caroodaan waalidku si uu jiritaankiisa iyo madax bannaanidiisa u sugo.
Inuu
yahay qof jira oo madax bannaan si uu dadka u tuso, waxa uu ku
dhaqaaqaa waxkasta oo suuragal ah. Waxa uu sameeyaa waxyaabo inta badan
ka duwan kuwuu hore u samayn jiray. Wax kasta oo uu leeyahay ama asaga
khuseeya waxa uu u doortaa qaab isaga u gaar ah. Waxa uu yeeshaa dooq u
gaar ah oo uu dharkiisa ku doorto. Waxa uu jecelyahay inuu caqligiisa
iyo aqoontiisa ku isticmaalo waxkasta, kana xoroobo toosinta waalidka
iyo dadka ka waaweyn. Waxa uu isku dayaa inuu xiriir bulsho la yeesho
dhallinyarada asaga la jaalka ah, xiriir qaabkiisa iyo qiimihiisa asagu
uu xaddidayo.
Waxyaabaha
kale ee saameeyn ku yeesha shaqsiyadda ilmaha, waalidkana looga
baahanyahay inay xil weyn iska saaraan waxaa kamid ah: - Baahida uu u qabo waxyaabaha dheeggiisa qurxiya sida; cuntada, cabitaanka iyo lebiska, iwm. - Baahida uu u qabo naftiisa oo nabad qabta, welwel iyo walaacna ka xorowda. - Baahida uu u qabo mujtamaca uu xiriirka la yeelanayo oo soo dhoweeya. - Baahida uu u qabo in la daryeelo, waxqabadkiisana la qiimeeyo. - Baahida uu u qabo inuu barto tabo iyo tikniko uu noloshiisa ku anfaco. - Baahida uu u qabo falsafad iyo fikrad u gaar ah, lana saanqaadda Dadiisa iyo caqligiisa.
Culimadu
waxay yiraahdaan: Wiilkaaga todobo la cayaar, toddobo edbi, toddobana
la saaxiib. Waxa kale oo la yiri: Toddobo u aayari, toddobo edbi,
toddobana adeegso.
Marxaladdan
barbaarineed waa mid dhib badan, sababtoo ah ubadka oo doonaya inuu
waalidka ka xoroobo, xiriirro dibadda ahna sameeysta. Saa darteed waxa
uu u baahanyahay in si joogta ah loo kormeero fikradihiisa, dareenkiisa,
xiriirradiisa, waxbarashadiisa iyo guud ahaan baahitirka danihiisa
guud.
0 Comments