Ereryga Gudniin waxa loola jeedaa Goyn, waana
ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo Gudin. Haddaba marka laga
eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku (Circumcision) waxa weeye
in laga gooyo Qolofta(Prepuce) oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran
Dhalfada (Balanus) oo ah madaxa xubinta taranka (Penus). Gudniinka
Inantu (Clitorydectomy) waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku
dahaaran Kintirka (Clitoris) oo isagu ah xubin kamid ah xubnaha taranka
kuna dhacda dusha sare ee godka Cambarka. Kintirku waxa uu leeyahay
shaqo aad muhiim u ah, isaga oo keena dareenka macaansi iyo biyabbax
(Orgasm) ee haweeneyda xilliga galmada. Ha yeeshee, shucuubta xitaa kuwa
hablohooda sunno gudeeya (siday dadka qaar ku magacaabaan), lama gooyo
qolfada oo qura balse waxa lala jaraa Kintirka oo idil, halka gudniinka
Fircooniga ah laga dabarjaro Kintirkii iyo dhammaamba faruuryihii
Cambarka, sida aynu gadaal ka sharxi doonno.
Mowduuca
gudniinku waxa uu kamid yahay mowduucyada aan wax badan laga qorin,
aadna mooddo inay dadku ka hadalkiisa kaba xishoonayaan. Culimada
Islaamka badankoodu ugama aanay hadal gudniinka sida ay uga hadleen
waxyaabo badan oo ka ahmiyad yar sida; Cadaysiga. Tusaale ahaan, Imaam
Xaamid Al-Gasaali silsiladdiisii kutubbada ee uu ugu magac daray (Soo
noolaynta Culuumta Diinta), shan sadar oo qura ayuu kaga soo hadal
qaaday gudniinka.
Arrimaha sababay inay culimada iyo dadka
caamada ah labaduba ka gaabsadaan ka hadalka gudniinka, waxa ugu
horreeya Qur’aanka kariimka oo isagu ah darka sharci dejinta Islaamka
oon si toos ah iyo si dadban toona uga hadal mowduucaasi. Ma jirto hal
Aayad oo – xitaa – laga dhadhasan karo jiritaanka gudniinku. Sidoo kale
waxa la waayey hal xadiis oo saxiix ah oo waajibinaya amaba sunno ka
dhigaya gudniinku.
GUDNIINKA RAGGA
Gudniinka raggu waxa
weeye in gabal laga jaro maqaarka ku daboolan dhalfada geedka ninka,
sidaas buuna jirku uga takhallusayaa wixii wasakh, jeermis, nijaaso iyo
ur ku hoos jiray maqaarkaasi la jaray.
Daraasado badan oo ay
sameeyeen culimada caafimaadku waxay ku caddeeyeen in cudurrada kaadi
mareenka raggu (yar iyo weyn) ay ku badan yihiin kuwooda aan gudnayn.
Waxa kale oo la caddeeyey in cudurrada galmada laysku qaadsiiyo sida
Jabtida iyo Aydhisku ay aad ugu badan yihiin ragga aan gudnayn. Waxa
weliba intaa dheer, lana ogaaday waqti fog in gudniinka raggu uu yareeyo
cudurka Kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka ragga iyo kan ku dhaca
luqunta Ilma-galeenka dumarkooda. Waxa dalalka Yurub iyo Mareykanka jira
dad badan oo isu guda si ay cudurradaasi uga badbaadaan.
Gudniinka
ragga sida ay culimadu leeyihiin, waxa looga dayday Nabi Ibraahim (CS).
Nabi Ibraahim (CS) oo isaga loogu yeero Nabiyada Aabbohood, waxa uu
Eebbe ina farayaa inaynu qaadanno diintiisii, oo wixii isaga la faray
waa inaynu qaadanno wixii laga reebayna aynu ka fogaanno.
Aayadaha
Qur’aanka ah ee caddeynaya sida ay waajib inoogu tahay inaynu raacno
Nabi Ibraahim (CS) way badan yihiin, waxana kamid ah:
(Ku dayasho wanaagsan baa idiinka sugnaatay Ibraahim iyo intii la joogtay).
(Markaas
baan kuu waxyoonnay “Nabiyoow” in aad raacdid diinta “Nabi” Ibraahim ee
toosan, kamana uusan mid ahayn “Ibraahim” Mushrikiinta).
(Yaa nacaya
diinta “Nabi” Ibraahim ruux naftiisa xumeeyey mooyee, adduunkana
“Ibraahim” waynu ku doorannay, Aakhirana wuxuu kamid noqonayaa kuwa
suusuubban).
Su’aashu waxa weeye xaggee yaase guday Nabi Ibraahim
(CS)?. Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu mar labaad dib ugu noqonno
Qur’aanka kariimka ah. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay:
(Xusuusta
markii “Nabi” Ibraahim Eebbihiis ku ibtileeyey ereyo, uuna
dhammaystiray. Waxa uu “Eebbe” yiri: Dadka ayaan Imaam kaaga dhigayaa.
Wuxu “Ibraahim” markaa yiri: Dhashaydana “ka dhig“. Waxa uu “Eebbe”
yiri: Ballanqaadkayga waxba kuma laha dulmilowyaashu).
Ereyada Nabi
Ibraahim (CS) lagu ibtileeyey, waxa uu ibnu Cabbaas (RC) ku fasiray inay
ka koobnaayeen; Shan madaxa khuseeya kalana ah; Shaarib gaabinta,
Luqluqashada, San daarsiga, Cadaysiga iyo Sheexaysiga, iyo Shan khuseeya
Jirka kalana ah; Ciddiyo jarista, Bisaq xiirista, Gudniinka, Kilkilo
rifista iyo Istinjada (Saxaro iyo Kaadi iska dhaqista). Tafsiirka
Qur’aanka (Jawaamicil-Jaamic) ee uu qoray Ad-Dhabariy waxa uu leeyahay:
(Ereyada waxa la yiri waxa weeye: Shan madaxa ah; Sheexeysiga, Shaarib
jarista, Cadaysiga, Luqluqashada iyo San daarsiga iyo Shan jirka ah;
Gudniinka, Bir ku xiirashada, Istinjada, Ciddiyo iska jarista iyo
Kilkilo iska rifidda).
Nabi Ibraahim inuu isguday waxa caddeynaya
Xadiis saxiis ah oo uu weriyey Abuu Hurayrah, uuna Rasuulku “SCW” ku
yiri: (Ibraahim “CS” waxa uu isku guday Qadduum isagoo siddeetan jir
ah). Micnaha Qadduum culimadu qaarba si bay ku macneeyeen. Qaar baa ku
fasiray meel ka tirsan Shaam, halka qaar kale yiraahdeen waa aaladdii uu
Nabi Ibraahim (CS) isku guday, waxana loo badan yahay inay ahayd Faas
ama Gudin.
Culimadu waxay sheegaan in Nabi Ibraahim (CS) uu ahaa
qofkii ugu horreeyey ee: Isguda, Ciddiyaha iska jara, Surwaal gashada,
Shaaribka gaabiya, Kaba kabsada, Seef ku dagaallama, iyo weliba qofkii
ugu horreeyey ee ay Madaxiisa Cirro kasoo baxdo.
Haddaba kol haddii
Nabi Ibraahim la faray inuu isgudo, waajib bay ahayd taasi la saaray.
Saa darteed waxa annagana haddaynu Muslimiin nahay ina saaran isla
waajibaas Aabbeheen Nabi Ibraahin (CS) uu Eebbe saaray.
Nabigeennii
suubbanaa Muxammad (SCW) waxa la weriyey inuu dhashay isagoo gudan.
Ibnu Cabbaas (RC) waxa uu yiri: (Nabigu “SCW” waxa uu dhashay isagoo
gudan xudduntiisuna go’antahay, markuu awoowihiis Cabdul-Muddalib
umuurtaas arkayna waxa uu yiri: Wiilkeygani waxa uu noqon doonaa mid
meel sare gaara). Xadiis kale oo uu weriyey Anas ibnu Maalik waxa uu ku
sheegay in Nabigu (SCW) yiri: (Karaamooyinka Eebbe igu karaameeyey waxa
kamid ah in aan dhashay anigoo gudan iyo in aan cawradeyda cidi weligeed
arag).
GUDNIINKA RAGGA
IYO RA’YIGA CULIMADA
Intaynaan
arrintaas u gelin, bal marka hore aynu dib ugu laabanno Carabtii hore
iyo Casrul-Jaahiligii. Carabtii hore ninka buuryo qabka ah ee aan
gudnayn way caayi jireen, waxana taas lagu xaqiijiyey gabayadii la
tiriyey xilligaas. Buuryo qabku waxa uu ahaa qof dhiman oo la liido,
waxana uu tusaale iyo bar tilmaameed u noqon jiray gabyaa kasta oo cid
jab iyo caay la maaggan.
Gudniinku haddaba Islaamka ka hor waxa
uu ahaa caado fac-ka-fac layska dhaxlay, waxana intaa dheerayd iyada oo
kolka gaban la gudayo loo samayan jiray xaflad iyo waliimo gaar ah oo
dadku isugu yimaado.
Haddaba kolkuu Islaamku yimid, gudniinka
raggu waxa uu kamid noqday caadooyinkii la ansixiyey, ha yeeshee
culimada diintu ilaa iyo iminkadan la joogo, inkastoo dhammaan ku
qanacsan yihiin in wixii Nabi Ibraahim (CS) la faray ay annagana ina
saaran yihiin, misana kuma aanay heshiin in gudniinku waajib yahay iyo
inuu sunno yahay midnaba.
Ibnu Xajar, isagoo ka hadlaya ra’yiga
culimada Islaamku ay ka qabaan gudniinka, waxa uu usoo koobay sidatan:
(Gudniinka waxa waajibiyey Shaafici iyo dadkii raacay badankooda,
waxayna qaarkood gaarsiiyeen heer ay yiraahdeen ninka qaangaarka ah
Islaannimadiisu taam ma aha ilaa laga gudo. Imaam Axmed iyo Maalikiyada
qaar waxay yiraahdeen waa waajib, halka Abuu Xaniifah ka yiri waa
sunno).
Ibnul-Qayyim waxa uu yiri: (Fuqahadu way isku khilaafeen
arrinka. Culimo badan ooy kamid yihiin Shaafici, Maalik iyo Axmed way
waajibiyeen, isagoo weliba Imaam Maalik uu aad u adkeeyey oo yiri:
Ninkaan la gudini Imaam ma noqon karo, maragna ma geli karo oo
dhaartiisa lama aqbalo.
Xasan Al-Basri iyo Abuu Xaniifah waxay
iyagu yiraahdeen waa sunno ee waajib ma aha. Ibnul-Qudaama isna waxa uu
sheegay in gudniinku ragga waajib ku yahay, waxanu intaa raaciyey
“Hadduu nin da’ ahi Islaamo oo naftiisa uga baqo gudniinka waa laga
deynayaa”.
Sheekhul-Islaam ibnu Teymiyah kolkii la su’aalay: (Ka
warran qof Muslin ah, Qaan gaar ah, Caqli leh, Sooma, Salaaddana tukada,
ha yeeshee aan gudnayn oon daahir ahayn, ma bannaan tahay taasi?.
Qofkii guditaanka iska daayase muxuu xukunkiisu yahay?). Waxa uu ku
jawaabay: ( Haddaanay dhibaato ka soo gaarayn waa la gudayaa, maxaa
yeelay waa mashruuc Islaami ah ooy culumada Islaamku isku raaceen,
Shaafici iyo Axmed way waajibiyeen, Ibraahiim (CS) siddeetan jir kedib
ayuu isguday, dhibaatada ka imaanaysana waxa lagala tashanayaa
dhakhaatiirta, oo hadduu masalan “xilliga” Xagaaga dhibayo waxa dib
loogu dhigayaa waqti kale, Ilaah baana garanaya).
Xasan Al-Basri
waxa uu leeyahay: (Rasuulka (SCW) waxa ku ag islaamay Caddaan, Madoow,
Roomaan, Faarisi iyo Xabashi, midkoodna weligii ma aanu feteshin “si uu u
hubiyo inu gudan yahay iyo in kale”).
Ibul-Jowziyah baase ka
jawaabay hadalka Xasan Al-Basri isagoo leh: (Looma baahnayn in la
fetesho, maxaa yeelay Carabtii islaamtayna waabay gudnaayeen oo waxay
ahayd caadadooda, Yuhuudduna way gudnaayeen, Nasaaraduna waxay u
qaybsanaayeen qaar gudan iyo qaar aan gudnayn, kuwaan gudnaynna waxay
ogaayeen in halkudhigga Islaamku yahay gudniin, saa daraadeed iyagaaba
iskood isu gudi jiray kolkay Islaamaan siday u qubaysan jireen, qofkii
da’ ah oo ay dhib ku tahayna cafis ayuu ahaa).
SIDEE GOORMAASE INANKA LA GUDAYAA?
Waxa
Qolfada laga gooyaa qayb goynteedu ay suurtagal ka dhigi kartyo in
dhalfada oo dhan amaba inteeda badani ay qaawanaato. Inamada qaar baa
qolfo la’aan ku dhasha (iyagoo gudan), haddaba ubadka caynkaas ahi
gudniin uma baahna haddii ay qolfadoodu intii loo baahnaa ka go’antahay,
haddiise aanay wada go’nayn waa la dhammaystirayaa.
Gudniinku
waxa uu leeyahay laba waqti oo kala ah: Waqti uu waajib yahay kaasi oo
ah waqtiga qaan gaarka iyo waqti uu sunno yahay oo ah intaanu qofku qaan
gaarin. Waxa sunno ah bay culimadu leeyihiin in ilmaha la gudo waqi u
dhexeeya marka uu dhasho ilaa iyo toddoba jirkiisa, waqtigaasi oo u
naxariis badan, dhaawacuna bogsoon ogyahay. Culimada badankoodu waxay
isku raaceen inay wanaagsan tahay in la gudo maalinta toddobaad ee
dhalashadiisa, in uu taag daranyahay mooyee, markaasi oo dib loogu
dhigayo. Xadiis ay Xaakim iyo Beyhaqi soo wada saareen waxay Caa’ishah
(RC) ku tiri: (Nabigu “SCW” waxa uu Xasan iyo Xuseen guday maalintii
toddobaad ee dhalashadooda). Imaam Nawawi waxa uu kitaabkiisii
(Ar-Rowdah) ku qoray sidatan: (Gudniinku waxa uu waajibayaa waqtiga uu
qofku qaan gaarayo, waase sunno in toddobo lagu gudo, in uu taag daran
yahay oo aanu xammili karin mooyee, markaasi oo ay tahay in dib loo
dhigo).
GUDNIINKA DUMARKA
Qur’aanka kariimka ah laga heli
maayo hal Aayad oo gudniinka hablaha si toos ah iyo si aan toos ahaynba
uga hadashay. Mana jiro Xadiis saxiix ah ama go’aan ay culimadu isku
raaceen oo gudniinka banneynaya. Kitaabka Fiqhi Sunna waxa ku soo
aroortay inay Axaadiista ka hadlaysa gudniinka habluhu dhammaantood
daciif yihiin oo aanu mid saxiix ahi ku jirin. Nabigu (SCW) waxa uu
dhalay afar gabdhood inuu gabdhihiisa gudayna sunnadiisa iyo siiradiisa
midna laguma sheegin.
Sheeko laga soo xigtay kitaabka
(Qisasul-Anbiyaa’) ee uu (Thaclaba) qoray, waxa ay leedahay sidatan:
(Saarah waxa dhalay boqor kamid ahaa boqorradii xilligaa jiray, waxayna
ahayd gabar qurux badan, Ibraahiim (CS) baana guursaday. Iyadoo ay
Saarah la socoto ayuu Ibraahiim soo maray boqor kale, markaas buu
boqorkii Ibraahim (CS) weydiiyey cidday gabadhu tahay. Ibraahiim markuu
boqorkii uga sheekeeyay cidda ay Saarah tahay buu ka baqay inuu damco,
markaas bay labadoodu intay boqorkii habaareen buu labada lugood iyo
labada gacmoodba ka qallalay. Boqorkii baa markaa Ibraahiim ku yiri:
Waan ogohoo adaa saa iyeelaye Ilaah ii bari inu icaafimaadiyo, anna
waxan kuugu dhaaranayaa inaanan dhibaato idiin geysanayn. Markaas buu
Ibraahiim u duceeyey oo Eebbe caafimaadkiisii usoo celiyey. Boqorkii baa
markaas yiri: Naag sidaan ahi inay isu adeegtaa waa khalad, suu dabeeto
Haajar siiyey si ay ugu adeegto. Saarah waxay Ibraahiim ku tiri:
(Haajar waan kuu hibeeyee orodoo u galmoo). Haajar waxay qaadday uurka
nabi Ismaaciil, Saarana waxay isla markiiba qaadday uurka nabi Isxaaq.
Labadii wiil baa dhashay weyna isla koreen.
Maalin buu Ibraahiim
(CS) wiilashii soo orotamiyey, markaas baa waxa soo hor maray Ismaaciil,
suu dhabtiisa ku fariisiyey halka uu Isxaaq dhinaciisa fariisiyey.
Falkaasi waxa uu ka careysiiyey Saarah oo arkeysay waxa dhacayey,
waxayna tiri: (Addoonta inankeedana dhabtaad ku fariisinaysaa
inankaygana agtaadaad fariisinaysaa soow ma aha?). Halkii bay ku
masayrtay, waxanay ku dhaaratay inay Haajar jirkeeda cad ka jari doonto
suuraddeedana beddeli doonto. Ibraahiim baa markaas ku yiri: “Gud,
labada dhegoodna ka dalooli”. Sidii bay yeeshay, waxanay ahayd markii
ugu horreysay ee dumar la gudo dhegana laga dalooliyo).
Kitaabka
uu qoray Ibnul-Qayim Al-Jowziyah (Tuxfaul-Mowduud bi Axkaamil-Mowluud)
iyo kan kale ee Ibnul-Kathiir (Al-Bidaayah wan-Nihaayah), labadaba waxa
ku qoran sheekadan mid lamid ah, inkastooy saddexda sheeko meelaha qaar
ku kala duwan yihiin.
Xadiiska ugu caansan ee arrinta ka hadlay
waa kii la sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Ummu Cadiyah oo
hablaha magaalada Madiina ku gudi jirtay uu Rasuulku “SCW” ku yiri:
(Ummu Cadiyooy ursii hana tabar tirin, isagaa wejiga u farxad badan
ninkana u fiicane).
Xadiiska siyaalo kala duwan baa loo weriyey,Ummu
Cadiyana mararka qaar waxa lagu magacaabay Ummul-Xabiibah, guud ahaanna
culimadu waxay isku raaceen inuu Daciif yahay oo aan lagu kalsoonaan
karin.
Haddaynu xitaa ka dhigno inu Xadiisku saxiix yahay, toosinta
ku jirtaa ma aha amar uu Rasuulku (SCW) ku bixiyey in hablaha la gudee
waxa weeye qaabkii loo gudi lahaa haddiiba la gudayo. Ereyga (ursii)
micnihiisu luqad ahaan waxa weeye (Sanka uun u saar), ka kale ee “ha
tabar tirin” isna waa “ha wada goyn oo ha dilin”, waxana labada ereyba
loola jeedaa in qayb aad u yar uun laga jaro inta muuqata ee goobta la
gudayo (Kintirka), maxaa yeelay haweeneyda sidaasaa wejigeeda u farxad
badan maadaama ayisu arkayso inay markaasi tahay qof nool oo dareen iyo
shahwo leh, ninkana u fiican, sababtoo ah nin kastaa hadduu arko
haweeneydiisii oo howsha la wadda, dabcan waa uu kusii kacayaa.
Jaaxid
waxa uu yiri: ( Carabtu way gudi jireen ragga iyo dumarka labadaba laga
soo billaabo Ibraahiim (CS) ilaa maantadan aynu joogno) Waxa uu weliba
intaa raaciyey: (Hindidu wax kasta carabta waa kala mid aan ka ahayn
guditaanka ragga iyo dumarka, waxana ay taas u yeelayaan aqoonta
dheeriga ah eey u leeyihiin shahwo kicinta).
Ummul-Muhaajir waxa laga
weriyey inay tiri: (Annagoo dhowr hablood ah bay muslimiintu na
qabsadeen markay la dagaallamayeen Roomanka, markaas buu Cusmaan bin
Caffaan (RC) inoo soo ban dhigay inaynu islaanno, intii kale markaa way
diideen aniga iyo gabar kale mooyee. Markaas buu yir: Guda “labadooda”
oo daahiriya, sidaas baan Cusmaan ugu noqday adeegto). Gudniinka dumarka
lagama yaqaanno dalalka loogu yeero galbeedka Carabta (Tuniisiya,
Marooko, Liibiya) iyo dalal kale oo Islaam ah. Wararku waxay sheegayaan
in Carabtu adeegtooyinka (dumarka addoomaha ah) oo qura ay gudi jireen.
Maalik waxa laga weriyey inuu yiri: (Ninkii adeegto iibsadaa hadduu
doonayo inu haysto ha gudo hadduu doonayo inuu sii iibiyase kuma qasbana
gudniinkeeda).
Kolkii Ibnu Teymiyah la weydiiyey haweeneyda ma
la gudayaa?, waxa uu ku jawaabay: (Ilaah baa mahad leh, haah waa la
gudayaa guditaankeeduna waxa weeye in laga jaro foodda sare ee maqaarka
dhoowka Diiqa u eg, naag hablaha guddana Rasuulku “SCW” waxa uu ku yiri:
U ursii awooddana ha ka qaadin wejigana saasaa u farxad badan ninkana u
fiicane. Ulajeeddada laga leeyahay gudniinka ninku waa in la saaro
wasakhda ku qarsoon qolfada, gudniinka dhaweeneydana waa in la
dheellitiro rabitaankeeda, haddaanay naagtu gudnayn waxay noqotaa mid
aanay waxba deeqin). Dhammaad warkii Ibnu Taymiyah.
Dadka u
ole’oleeya gudniinka dumarku waxay soo daliishadaan Xadiis saxiix ah oo
laga weriyey Caa’ishah “RC” Nabiguna “SCW” ku leeyahay: (Labada gudniin
hadday kulmaan qubays baa waajibay). Xadiiska Maalik baa ku weriyey
kitaabkiisa Al-Mowdi’, Muslimna Saxiixiisa, Tirmidi iyo ibnu Maajan
Sunankooda. Waxayna ole’oleeyeyaashu ku andacoodaan in ereyga ‘Labada
gudniin” uu daliil u yahay gudniinka ragga iyo dumarka labadaba. Ha
yeeshee dadka kasoo horjeeda gudniinku iyana waxay ku doodayaan in
ereygaasi aanu daliil u noqon karin gudniin dumarka. Waxay leeyihiin
Afka carabiga kolka laba wax la magacaabayo waxa labadoodaba lagu
magacaabaa magaca kan caansan ama awoodda badan. Waxay tusaale usoo
qaadanayaan ereyo fara badan sida Al-Qamaraan (labada Bil) oo loola
jeedo Bisha iyo Qorraxda, Al-Cishaa’aan (labada Cishe) oo loola jeedo
Maqribka iyo Cishaha, Al-Duhraan (labada Duhur) oo loola jeedo Duhurka
iyo Casarka, Al-Abawaan (labada Aabbe) oo loola jeedo Aabbaha iyo
Hooyada. Waxay tusaale xoog leh usoo qaateen Aayadda Qur’aanka ah:
Labada
Bad kan hore ee macaani waa Webi kan dambe ee qaraarina waa Bad. Sidaa
daraadeed bay leeyihiin sunnada Nabiga ee saxiixa ah meelna kama soo
galo gudniinka habluhu, waxa lagu doodayo oo Xadiisyo ku saabsan habla
gudistuna gebigood waa wada daciif aan shir lala tegi karin, arrinkuna
ma sii dhaafsana caado uu Islaamku u daayey waqtiga iyo horumarka
cilmiga ama iyagu ha toosiyaan ama ha tiraane.
Ibnul-Jowziy waxa
uu diiday in hablaha dhegaha loo dalooliyo oo waxa uu taa ku tilmaamay
inay tahay is shaabadeyntii Rasuulku (SCW) uu yiri: (Eebbe waa Lacnadaa
ta is shaabadeysa iyo ta wax shaabadeysa). Ibnul-Jowziy waa uu
xaaraantinimeeyey dhegaha hablaha yaryar loo daloolinayo maadaama ay
xanuun ku keeneyso, ha yeeshee waa uu oggolaaday in hablaha la gudo.
Haddaba, isagoo sharraxaad ka bixinaya sababaha uu u banneeyey gudniinka
waxa uu yiri: (Faa’iidooyinka gudniinka waxa kamid ah nadaafadda,
isqurxinta, suurad hagaajinta iyo toosinta shahwada oo iyada haddii
laysa badbadiyana dadku Xayawaannada kamid noqonayo haddii iyadoo dhan
la waayana uu ma noolaha kamid noqonayo, gudniinka ayaa shahwada
toosinaya waxanad taa ka garan kartaa kolka aad aragtid ninka iyo naagta
aan la gudini inaanay weligood galmo ka dhergeyn).
Daarta
Fatwada Masaaridu way banneysay gudniinka dumarka. Sheekh Jaadal-Xaq
Cali Jaadal-Xaq markuu arrinkaas ka fatwoonayey waxa uu soo qaatay
Xadiiskan: (Dumarkii Madiina u haajiray waxa kamid ahayd Ummu-Xabiibah
oo lagu yaqaannay habla gudka. Markuu Rasuulku (SCW) Ummu-Xabiibah arkay
ayuu weydiiyey: Arrinkii aad gacanta kula jiri jirtay miyaad maantana
sidii ugula jirtaa? Markaas bay tiri: Haa Rasuulkii Allow, haddaanu
xaaraan ahayn oodan iga reebeyn. Markaasuu Rasuulku (SCW) yiri: Mayoo
waa xalaale iisoo dhowoow aan ku baree. Markay usoo dhowaatayna wuxuu ku
yiri: (Ummu-Xabiiboy haddaad yeesho ha daalin (ha wada gooyn = ha dabar
jarin), isagaa wejigana fura ninkana u wanaagsane). Sheekh Jaadal-Xaq
Xadiiskan waxa uu ka soo qaatay kutubbada Shiicada sida la xaqiijiyey,
kitaab Sunni ah oo laga helayaana ma jiro.
Waxaynu halkaa ka
garan karnaa in gudniinka dumarku aanu ahayn waajib iyo sunno toona,
balse uu yahay caado uu Islaamku u daayey samanka iyo hadba inta uu
cilmigu horumaro, oo iyadoo cilmiga lala kaashanayo lagu soconayo ama
la’iska deynayo.
GUDNIINKA FIRCOONIGA
Gudniinka Fircooniga
ahi waxa weeye caado aan wax shaqo ah ku lahayn diinteenna Islaamka,
balse soo jirtay kumanaan sano, ayna faraaciintii hore dadka ku
khasbeen, gaar ahaan casrigii Ramsiis oo ahaa kun sano ka hor
dhalashadii Nabi Ciise (CS).
Faraaciintu kolkay Suudaan (Dhulkii
Nuubiyiinta) qabsadeen sidoo kalena boqorradii Nuuba ay Masar qabsadeen
bay caadada gudniinka Fircooniga ahi waxay ku fidday Waadiga Niil, ilaa
iyo waqtigaan la joogana way ka jirtaa. Ma jirto dunida meel aan Waadiga
Niil iyo waddamada ku dhowdhow ahayn oo laga yaqaan caadadaasi. Tusaale
ahaan, lagama yaqaan dalalka waqooyiga Afrika ee Muslinka ah, Shaam,
Ciraaq, Jasiiradda Carabta iyo Yaman toona. Waxa la hubiyey in gudniinka
caynkaasi ah laga isticmaalo oo qura dalalka Masar, Suudaan, Soomaaliya
iyo Kiinya.
Intaynaan u gelin dhibaatooyinka gudniinka
Fircooniga ah, bal aynu marka hore sharrax gaaban ka bixinno Xubnaha
Taranka Dumarka, si ay akhristaha ugu sahlanaato inu ogaado waxa
dhacaya.
Xubnaha Taranka dumarku (Qaybaha sare) waxay ka kooban yihiin:
-
Faruuryaha waaweyn: Waa laba lakab oo maqaar ah, kana billowda
bisaqleyda jiitamana ilaa lafta dabaqanaanta halkaana ku milma.
Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin gaballo xayr iyo carjaw isugu jira
iyo shabakad dareemeyaal aad u dareen fudud ah. Waxa kale oo ka dhex
buuxa xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.
-
Faruuryaha yaryar: Waa laba lakab oo maqaar khafiif ah, kuna dhaca
dhanka gudaha ee faruuryaha waaweyn, waxana laftooda soo gaara dhiig aan
yarayn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxay ku kulmaan xuubka
bikaarada, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar
waxa dhinaca dambe kaga dhex jira daloolkii hoose ee Cambarka dhanka
horena kii kaadida.
- Kintirka: Waa xubin u dhiganta geedka ninka
kolka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, waxana ku dhexjira
xididdo fara badan oo dhiigga qaada. Kintirku sidaynu soo sheegnayba
waxa uu ku yaal halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar
dhankooda hore, salkiisuna waxa uu ku dhow yahay daloolka kaadida.
Kintirka ciyaar ciyaar looma abuurin, balse waxa uu leeyahay shaqo
dabiici ah oo aad muhiim u ah. Sida geedka ninku u kaco ayuu Kintirkuna u
kacaa, dabeetana labada faruuryood ee waaweyn dhiig ka soo buuxsamaa,
qanjirraduna dheecaan soo daayaan fududeeya howsha galmada, haweeneydana
siiya dareenka macaansi ee howshaasi galmo.
Xubnaha taranku waxay
leeyihiin shaqo leh qaayo aad u weyn, taasi oo ah sidii isku si looga
qaybgeli lahaa shaqada Bayoolojiyeed ee muhiimka ah.
FULINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA
Markanna
aynu fiirinno waxyaabaha dhacaya kolka gabadha la gudayo. Gudniinka
Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah
Faruuryaha waaweyn iyo in gebi ahaanba la dabar jaro Faruuryaha yaryar
iyo Kintirka. Dabeeto qori dhuuban (sida kan cuudka kabriidka) inta la
dhex suro faruuryihii waaweynaa ee qaybta laga jaray baa markaa
dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee inanta
layku dabraa, si dhaawacii faruuryuhu isugu bogsado (baanto). Afartan
beri kedib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi
ahaamba isku baantay. Qoriga yar ee dhexda la suray waxa loogu talo
galay in kolkay faruuryuhu isku baantaan ay reebaan dalool ay inantu ka
kaadiso kolkay qaan gaartana dhiigga caadadu uu kasoo baxo.
Sidaas
baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee Eebbe u
sameeyey. Inanta sidaa loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya
nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda ugala qaybgeli
karin sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayey. Waxay weysaa raaxadii ay
ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo
walbahaar, dareentaana inay baadi tahay, dhankay dabayshu u socotana ka
hor jeeddo, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban
tahayna. Haweeneyda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed,
jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag
darri ugu dambaynta ku dhaliya qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan), waana
aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri
Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.
DHIBAATOOYINKA
GUDNIINKA FIRCOONIGA
Waxaynu
si kooban uga soo hadalnay dhibaatooyinka tooska ah ee ka dhasha
gudniinka Fircooniga ah, ha yeeshee bal markan aynu wax ka taabanno
dhibaatooyinka aan tooska ahayn ee gudniinkaasi keeno.
1- Shoogga
Qalliinka: Shoog xoog leh baa ku dhasha shaqada xubnaha jirka oo dhan,
gaar ahaan kolka inanta la gudayo iyadoon la kabaabyayn. Shooggaasi waxa
uu keenaa bareesharka dhiigga oo aad hoos ugu dhaca iyo xawaaraha
neefsashada oo yaraada, waxyaabahaas oo isu geyntoodu ay geeri keeni
karaan. Shoogga qalliinku waxa kale oo uu inanta ku abuuraa baqdin
joogta ah iyo galmada oo aanay jecleysan.
2- Dhiig bax: Waxa taas
keena haweeneyda inanta gudaysa oon haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn
xididdada dhiigga qaada ee goobaha ay jarayso ka buuxa. Hablo badan
baana gowracaasi naxariis darrada ah awgiis dhiig bax ugu dhintay.
3-
Laxaw iyo Hambalaaluq: Sababtu waxa weeye aqoon darri ku saabsan
aasaasiyaadka cilmiga caafimaadka. Hambalaaluqa waxa keena cudur
sideyaalka soo raaca Aaladda aan nadiifka ahayn amaba mararka qaar
ruujinada ah ee inanta lagu gudayo iyo jawiga guud ee ay ku nooshahay
labadaba.
4- Kaadida iyo Dhiigga Caadada oo ku xirma: Waxa laga
yaabaa in kolka gowraca (gudniinka) la samaynayo uu daloolka kaadidu
dhaawacmo maadaama uu si ba’an ugu dhow yahay Kintirrka la dabar jarayo.
Waxa kale oo laga yaabaa in daloolka dusha sare lagu abuurayaa (Ilaah
baa wax abuuri karee) uu aad ciriiri u noqdo oo laftiisu qayb ahaan ama
guud ahaanba dhaawaca la bogsoodo. Arrintu uma baahna sharraxaad intaas
ka badan bay ila tahay, maadaama meesha aan ka guuxayo la wada garanayo.
5-
Xanuunka Nifaaska: Mar kasta ooy haweeneydu ummulayso waxa lagama
maarmaan ah in lagu isticmaalo Maqas iyo Middiyo, si loo dillaaciyo
looguna sameeyo dalool uu ilmuhu soo dhaafi karo, mashaqadaasi oo
haweeneyda miskiinta ah ugu filan inu ku yimaado xanuunka Nifaaska ee
dilaaga ahi. Waxa kale oo ka fekerka qalliinka ku soo fool lihi
haweeneyda ku dhaliyaa baqdin iyo welwel gaarsiin kara in ilmihii kaba
soo bixi waayo, ooy markaasi qalliin kii hore kasii xag jira u baahato
si ay u ummusho.
6- Madhalaysnimo: Tirakoobyadu waxay sheegayaan
in dumarka dalka Suudaan ee madhalayska ah 20- 25% gudniinka Fircooniga
ahi uu sabab u yahay madhalaysnimadooda.
7- Ugu dambayntii,
xanuunka uu gudniinka Fircooniga ahi ku reebayo nafsiyadda gabadha, kana
dhasha jeexista iyo tolista joogtada ah mar kasta ooy ummulayso ayaaba
dhibaato oo dhan ugu filan haddii dhab loo fekerayo.
GUDNIINKA FIRCOONIGA
IYO RA’YIGA DIINTA
Culimada
Islaamku gebi ahaanba way kasoo hor jeedaan gudniinka Fircooniga ah,
waxayna leeyihiin iskaba daa in gudniinka caynkaas ahi waajib, sunno
amaba sharaf yahaye, waxa weeye burcadnimo iyo beddelis abuurka Eebbe.
Ilaah waxa uu lacnaday haweenka is shaabbadeeya iyo kuwa wax
shaabbadeeya labadaba. Shaabbadu waxa weeye in cirbad iyo wax lamid ah
jirka qayb kamid ah lagu mudmudo, si goobahaasi midab cagaar ah loogu
sameeyo. Caadadaasi ilaa iyo maanta waxay ka jirtaa dalal badan waxana
tusaale loo soo qaadan karaa dalka Itoobiya, ooy dumarku ciridka
cagaarsadaan.
Haddaba culimada diinta Islaamku waxay gudniinka
Fircooniga ah u ictibaareen inuu yahay shaabbadeyn, waxayna yiraahdeen
waxa weeye beddelis la beddelayo abuurka Eebbe.
Culimadu kolkay diidayaan gudniinka Fircooniga ah waxay daliishanayaan Aayado Qur’aan ah oo fara badan ayna kamid yihiin:
(Wax kasta asagaa abuuray oo weliba si qiyaasan u sameeyey)
(Waa abuurka Eebbe uu dadka ku abuuray wax abuurka Eebbe beddeli karaana ma jiraan).
(Wuuna idin sawiray dadoow suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqonayaa “Aakhiro”).
(Waana “Eebbe” kan idiinku sawira Ilma-galeenka dhexdiisa siduu doono, Ilaah kale ma jiro, waana dad ka deeqtoone xikmad badan).
(Dadka waxaynu ku abuurnay muuqaal kan ugu wanaagsan).
(Wax kasta waxaynu ku abuurnay qiyaas “go’an oon isbeddelin”).
(Dadoow maxaa kugu diray Eebbahaaga sharafta leh ee ku abuuray, ku ekeysiiyey kuna simay, siduu doonana kuu sameeyey).
(Waxa
uu “Sheydaan” yiri: Waxan addoomankaaga ku yeelanayaa qayb sugan. Waan
luminayaa, waan rajo gelinayaa, amarna waan siinayaa, waxayna markaa
jeexjeexayaan dhegaha xoolaha, amar baan siinayaa, waxayna beddelayaan
abuurka Alle, ruuxii “Eebbe ka sokow” sheydaan talo saartana khasaare
cad buu khasaaray).
Haddaba goynta qayb jirka ka tirsan oo nabad
qabtaa waxay kahor imaanaysaa dhammaan Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay.
Waxaba ugu siid daran Aayadda ugu dambaysa oo qofka dhegaha xoolaha
jeexjeexaya ku tilmaantay qof abuurka Alle beddelaya shaydaanna ka amar
qaata. Haddaba mar haddiiba dhegihii xoolaha jeexjeexiddooda shaydaan
lagu adeecayo, miyaanay taas kasii dembi badnayn in jir bani’aadam oo
aan jirranayn la jarjaro?.
Ninka oggolaada in inantiisa qaabkaas
aan ka soo sheekeynay loo gudo, diinta Islaamka waa uu ku lacnadan
yahay, waxana uu geystay dembi kamid ah Kabaa’irta aanu Eebbe cafin, waa
siday culimadu go’aamiyeene. Waxa kaa lamid ah hooyada raalli ka
noqota, gowraca gabadheeda iyo islaanta dhiigya cabka ah ee iyadu shaqo
ka dhigatay inay dumarkeenna ka disho dareenkii dumarnimo ee Ilaahood
ugu deeqay.
Dadka qaar aan xilkas ahayn baa ku dooda in gudniinka
Fircooniga ahi dumarka dhowrsanaan u kordhinayo. Haddaba hadduu arrinku
sidaa yahay, muxuu Eebbe u abuuri waayey haweenku iyagoon lahayn
xubnahaa laga xayuubinayo?. Miyaanu Eebbe oran Insaanka waxan ku abuuray
suurad tan ugu wanaagsan?. Mise suurad Ilaah sameeyey baa cid kale
toosin uga baahan?.
Dalkeenna waxa sanad kasta lagu dib gooyaa
kumanaan dumar ah iyadoo loo adeegsanayo magaca Eebbe, waxana la
marsiiyaa cadaab iyo xanuun ay dunida ku arkaan kan ugu daran. Haddaba
haddaynu Soomaali nahay waxa nala gudboon in aynu joojinno jariimada iyo
dhiigga sabab la’aanta looga daadiyo dumarkeenna oo soo jiitamayey
muddo qarniyaal ah.
Maqaalkaan waxan kusoo afjarayaa Buraambur ay
tirisay gabar Soomaaliyeed oo ka dhiidhinaysa gudniinka Fircooniga ah,
kuna boorrinaysa dumarka inay u hub qaataan dabargoynta caadadaasi xun
een dhaawac mooyee dheef kale lahayn:
Haddaad Gabadhiinnii Soomaaliyeey guddaan.
Gerweyn waxad mooddo iyo galeef uqaadataan.
Hadduu gobo’ leeyo dhiiggeedu goor walbaba.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
Haddaad gabdhiinnii guurkeedi dhaawacdaan.
Ood ka wada gooysaan cadkii gaarka u ahaa.
Ooysan gacal moodin kii caawa loo gelbiyo.
Wuxuu ugudaayoo u galaaba aysan garan.
Soow dhib la geystiyo gardarreysi soow ma aha.
War goob kastood joogtaan dumarow soo gurmada.
Dagaal dabargoyn gudniin u soo wada guntada.
Gefkaa joojiya ku dhaha gaarsiiya guri walbaba.
Oo ka guulkeenoo ka gungaara waxaan gurracan.
TIXRAAC BUUG
1- Xukunka Sharciga ah ee Gudniinka Ragga iyo Dumarka Dr. Maxamed Bin Ludfi As-Sabbaaq.
2- Gudniinka Ragga iyo Dumarka ee diinaha Yuhuudda, masiixiyiinta iyo Islaamka Dr. Saami Cawad Ad-Diib.
Yusuf@journalist.com
0 Comments