Arrimaha
loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha
nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo
sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga
laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da’da
ninka iyo da’da inanta uu guurkeeda doonayo
Abuubakar (RC) iyo Cumar (RC) ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul (Sallallaahu calayhi wasallam), markaas buu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam)
mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yartahay. Ha yeeshee
kolkuu Cali (RC) soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa
ku micneeyeen in Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam)
doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da’ dhowyihiin, waxana
markaasi Faadumo (RC) ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood,
halka uu Cali (RC) ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.
Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Sayidah Caa’ishah (RC) oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam),
ha yeeshee qoraaga kitaabka (Tuxfatul-Caruus) Maxamuud Al-Istambuuli
waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo
sababahaan soo socda awgood:
-Dadnimada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam)
oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah
farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro
ahaa oo soo doontay.
-Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) iyo Abuu-Bakar Al-Siddiiq (RC) oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam)
ka sokow, kamid ahaa hogaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo
maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba
tegi jiray guriga Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.
-Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.
- Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) oo la siiyay awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah)
DDhammaad faalladii Istambuuli.
Gabar
baa gabar weydiisay: Naa rag kee baad ugu jeceshahay?. Markaas bay
tiri: “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu
garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe
carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare,,,, ee adiguna”.
Markaas bay ugu jawaabtay: “Anna Gar madoobe, geed walwaale, garruun
weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan
badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye,,,, kaas baan u
jeclahay ee aniga iyo adiga teennee caqli badan?”
Sida
ninkuba u jecelyahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan, caqli
badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u
jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax badan ka durugsanayn,
qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku
kooban, deeqsina ah.
0 Comments