Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Weerarada Argagaxiso cambaarayn Wax ka Badan Ayay u Baahan Yihiin

Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay weerarradii ka dhacay Beleweyne iyo Xamar. Allaha caafiyo inta dhaawaca ah. Dadkii ay hantidu ka burburtayna Ilaahay ha siiyo baddal kale. 


Waxaa lagu dilay dad ku dhow 100 qof saddexdii weerar ee ka dhacay Beledweyne oo kaliya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.


Madaxda Hirshabeelle waxay sheegeen in qaraxyadii ugu dambeeyey ee Beledweyne ka dhaca lagu dilay 48 qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, ganacsato, waxgarad iyo shacab. Waxaa lagu dhaawacay 108 qof. 


Aamina Maxamed iyo Dhuxul ayaa ka mid ah siyaasiyiinta lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay Wasiir hore Cabdiraxmaan Daahir iyo siyaasiyiin kale. Qarixii kaa ka horreeyey ee lagu weeraray Baar Xasan Dhiif waxaa lagu sheegay tirada lagu dilay 36 qof. 


Dad badan oo kale waa lagu dhaawacay. Waxaa jira dad kale oo lagu dilay weerarro kala duwan intii xulitaanka baarlamaanku socday.


Waxaa weerarro noocan oo kale ay ka dhaceen goobo kale oo ay ka mid yihiin Xamar, Boosaaso iyo Baraawe. 


Waxaa jooga ciidamo badan oo iskugu jira kuwa gobolka, kuwa dowladda dhexe iyo kuwa AMISOM. 


Malahayga, waxaa looga baahan yahay madaxda Hirshabeelle iyo Kuwa dowladda dhexe hawl ka badan tacsi iyo cambaareyn. 


Waxaan rajeynayaa in la isku noqdo oo baaritaan iyo qiimey dhab ah lagu sameeyo siyaasadda nabadgelyada iyo hey’adaha u xilsaaran.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement