Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Waxaan rumaynay Rabbiga wiilka

Suhayb ar-Roomi wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' Ummadihii idinka horeeyey waxaa jirey boqor
lahaa falanfallow (u shaqeyn jiray), markii uu falanfallowgii goboobey, wuxuu ku yiri boqorkii: Maadaama aan sii gaboobayo, waxaan codsan inaad kento wiil aan baro falka. Sidaa buu boqorkii ugu soo diray wiil dhallinyaro ah si loo baro falka

Jidka wiilku soo maro markuu u soo socdo falanfallowga waxaa degganaa raahib (nin aakhiro u go'doomay oo adduun iska nacay oo isaga tegey kaasoo uu wiilku caadeystay inuu la fariisto oo dhegeysto hadalkiisa.Waxaa aad u cajabiyey wiilkii uuna la yaabay hadalka raahibkaa sidaa awgeed mar kasta oo uu falanfallowga u socdo, wuxuu la fariisan jiray raahibka jidkiisa ah. Arrintaas oo daahin jidhay. Falanfallowguna markaa wuu dili jirey, wiilkii yaraa wuxuu uga cawday raahibkii arrintaa. Markaa buu ku yiri: Markii aad ka baqdid falanfallowga ku dheh: reerkayagii baa i soo daahiyey, markii aad ka baqdid na inay suÕaalo ku weydiiyaan reerkaaga ku dheh: Waxaan ku soo daahay falanfallowgii. Xaaladdan waxay socotay muddo. Mar waxaa dhacday in wiilkii yaraa arkay bahal weyn oo isku gooyey jidkii dadka wiilkii yaraa wuxuu hoos iskula hadlay: Maantaan kala ogaan karaa kii wanaagsan falanfallowga ama raahibka. Markaa buu inta qaatay dhagax yiri: Alloow haddii aad dhaqanka raahibka ka jeceshahay kan falanfallowga sabab dhimashada bahalkan, si ay dadku awood ugu yeeshaan inay jidka maraan. Dabadeedna wuxuu ku dhuftay bahalka dhagaxii oo ku dilay, taa oo u suura gelisay inay dadku jidka maraan; wiilkii yaraa wuxuu u sheegay raahibkii wixii dhacay, kaa oo yiri: Maandhoow adaa maanta iga fadli badan, waxaadna gaartay heer dhib kugu soo gaari karo. ee haddii ay taasi dhacdo oo lagu qabto ha i soo tilmaamin. Wiilkii wuxuu bilaabay inuu daaweeyo dad ka sheeganaya indha la'aan oo ku dhashay, baras iyo cudurra kale. Warkaa wuxuu gaaray nin boqorka ka ag dhowaa oo indho beelay. Wuxuu u tegey wiilkii yaraa isagoo hadiyooyin badan u sida oo yiri: 'Waxan oo dhan adaa leh haddaad i biskeyneyso'. Wiilkii wuxuu ku yiri: Anigu waxba ma biskeeyo. Waa Alle oo keliya kan wax biskeeya. ee hadii aad islaameyso waxaan kuu baryayaa Alle Isagaana ku siin caafimaad. Markaa buu Alle rumeeyey oo islaamey, Allena aragii u soo celiyey. Wuxuu markaa kaddib aaday shaqadiisa oo fariistay halkiisii. Boqorkii baa wuxuu weydiiyey: Yaa kuu soo celiyey aragaagii? Ninkii wuxuu ku jawaabey: Rabbigay. Wuxuu yiri boqorkii ma Rabbi aan aniga ahayn baad leedahay? Wuxuu ku jawaabay: Alle baa ah Rabbigaa iyo Rabbigayba. Boqorkii wuxuu amar ku siiyey raggiisii in la qabto kuwaasoo qabtay aadna u ciqaabay ilaa uu sheegay magicii wiilkii yaraa kaa oo loo keenay boqorkii oo ku yiri: maandhow falkaagii ma wuxuu gaarey inaad in-dho malaasnaha, baras qabeenka iyo cudurrada kaleba daaweysid? wiilkii wuxu yiri: anigu qofna ma biskeeyo, ee Allaa wax biskeeya. Isagana markaa waa la qabtay oo la ciqaabay ilaa uu boqrkii u sheegay magaca iyo cinwaanka raahibkii. Raahibkii baa inta la soo qabtay oo lagu yiri Islaamka ka noqo. isaguna waa diiday, Markaa buu boqorkii wuxuu dirsaday miinshaar oo la saaray bartanka madaxa raahibkii waxaana loo kala gooyey laba jeex: Dabadeedna kii boqorka ka ag dhawaa baa loo yeeray oo la yiri: Islaamka ka noqo, isaguna waa diidey, markaa baa laba jeex loo kala gooyey. Dabadeedna, Wiilkii baa loo yeeray, oo lagu yiri: Islaamka ka noqo. isaguna waa uu diiday, inuu sidaa yeelo. Boqorkii wuxuu u dhiibay wiilkii koox raggiisa ka mid ah oo ku yiri: buur hebla geeya oo goortii aad dhaladeeda gaartaan hadduu weli ku sii adkeysto diintiisa ka soo tuura buurta dhaladeeda. waxay geeyeen buurtii dhaladeeda

Meeshaa buu wiilkii Rabbi ku baryey oo yiri: Alloow, igu caawin inaad iiga samata bixiso tani sidii aad doonto oo kula gudboon. Markaa baa dhul gariir buurtii gil gilay, raggii boqorkana ka soo dhaceen. Wiilkii baa ku soo laabtay boqorka kaa oo weydiiyey: Maxaa ku dhacay raggii kula socday? Wuxuu ugu jawaabey: Allaa iga badbaadiyey. Waxaa misna loo dhiibey koox kale oo rag ah kuwaa oo la faray inay ku qaadaan doon yar oo badda bartankeeda geeyaan haddii uu ku sii adkeystana diiddada ah inuu islaamka ka noqdo, ay ku ridaan badda

Sidaa bay kula tageen. Markaa buu wiilkii Rabbigi baryey oo yiri: Alloow iiga dhici nimankan si kasta oo aad jeceshahay. Doontii baa degtay culeys awgi raggii boqorkana wada hafteen, wiilkiina isagoo soconaya buu mar labaad boqorkii u yimid, Boqorkii baa weydiiyey: Maxaa ku dhacay raggii kula socdey? wuxuu ugu jawaabey: Allaa ii soo gurmadey oo iiga gargaaray. Wuxuu intaa raaciyey: i dili karimaysid jeer aad yeeshid waxa aan ku faro. Boqorkii baa yiri; oo waa maxay? Wiilkii wuxuu ku jawaabay: Isugu keen dadka meel bannaan oo fagaara ah iguna xir geed jirriddiis, dabadeed kala soo bax gabooyahayga leeb markaa intaad ku qabato leebka qaansada dhexdeeda dheh: Bismillaah - ku billaabid Magaca Alle -, Rabbiga wiilka, dabadeedna igu soo gan leebka adigoo igu soo abbaaraya. Haddii aad sidaa yeesho waxaad awood u yeelan inaad i disho. Boqorkii sidii buu yeelay. Dadkii buu isugu keenay meel bannaan oo fagaara, wiilkii waxaa lagu xiray jirrid geed timired. Boqorkii wuxuu kala soo baxay leeb gabooyihiisii inta ku qabtay qaansadii dhexdeeda buu wuxuu yiri: Bismillaah - Ku billaabid Magaca Alle- Rabbiga wiilkan, oo ku gamay. Leebkii wuxuu kaga dhacay wiilkii dhafoorka wiilkiina intuu dhafoorka gacanta saaray buu dhintay. Markii ay arkeen taa dadkii waxay mar wada yiraahdeen: Waxaan rumaynay Rabbiga wiilka

Boqorkii baa loo sheegay oo lagu yiri: Eeg! wixii aad ka taxaddaraysey inay kugu yimaadaan baa dhacaye; dadkii waxay rumeeyeen Rabbiga wiilka. oo wada islaameen. Boqorkii wuxuu amray in booraamo laga qodo waddooyinka afkooda; Markii la diyarshey baa dab lagu shiday

Dabadeed waxaa dadkii lagu yiri oo ogeysiis lagu bixiyey in qofkii diida inuu ka noqdo Islaamka, lagu tuuri doono godod dab lagu huriyey ama la fari doono inuu ku boodo gododkaa dabka ah. Sidaa bay arrintu aheyd oo dadkii way diideen inay Islaamka ka noqdaan sidaa awgeed baa loogu guray godadkii dabka lagu huriyey

Waxay socoto arrintaa oo dadka sidaa loogu guro godadkaa dabka ah. Waxaa timid haweeney ilmo yar sidata inay gasho bay ka dib guryootay, ilmihii yaraa ay sidatay baase ku dhiirra galiyey oo ku yiri: hooyo! sabar; adigaa xaq ku taagane


Waxa Wariyey Muslim

Yusuf@journalist.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement