Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Waa maxay MIDGAAN (Boon)

Saddex u dhig dhig ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay ku jiraan gumaysi iyo cadaadis ay ku hayaan inta kale, gumaysigaas oo hadda war beelay waa mid qaraami ah oo xataa haddi la isku dayo in la baddelo ay adag tahay oo aan laga guurin karin kuwa la qabadsiiyey cadaadiska intaanba la gaarin kuwii cadaadiska ku hayey, taas oo ka timid waaritaanka ay caadadani waartay oo caadowday
Taageer Yuusuf Cali
Dadyowga noocaas ah ee la haystayaalka caadoobay ku kala ah dacallada dalka waxaa loo kala yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Midgaan, Boon, Kaba tole, Jaaji ama Dabato, Birtume, si kale marka loo isticmaalo magacyadaan waxaa lagu sharfaa in loogu waco magac looga khafiifinayo cayda lagana dhaadhiciyey in uu yahay kii ciddooda, waxaana kuwaas ka mid ah; Madhibaan, Hawraarsame, Waraabeeyo, Lo'jir, Yibro, Tumaal iyo kuwa kale

Haddii loo sii dhaba galo macnaha magacyada ay dadkani haystaan oo lagu sii kabo hab dhaqameedkooda jira waxaa la helayaa in ay weligood ahaayeen dadka kuwa ugu wanaagsan, uguna sareeya xagga deeqsinimada iyo ixtiraamka

Tusaale macnaha; Madhibaan waa Dhiblaawe, oo waxaa lagu siiyey dhib iyo shidda la'aantooda, taasina waxay ku baxday oo lagu duray markii uu dhaqankoodii ku tagey edeb iyo asluub ku salaysan ixtiraam iyo dhib la'aan, deegaanka dadkani wuxuu u badan yahay waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka

Hawraarsame, waxaa loogu baxshay in ay ahaayeen dadka aan waxa xun badanaaba laga maqli jirin wax san mooyee, marka wax lagu dirqiyana iska aqbali jiray si ay u dhawraan ammaanka, waxayna oran jireen (waa yahay ama Hawraarsan), Hawraarsame waxay degaan magaalada Beledxawo ee Soomaaliya iyo magaalada Nageyle ee Itoobiya, waxaadna heli kartaa sababta uu magucu ugu baxay oo ahayd in ay wanaaga xigasdaan uun awgeed hadii aad arinta dhex gasho, ama aad waraysato,

Haddaan tusaale uga soo qabano dhacdooyinka maanta jira waxaa ka mid ah; qofka edebta leh oo iska degan waxaa la ogyahay in uu yahay qof ka ceebaysan oo la yaso bulshada dhexdeeda, waxaana lagu foorjeeyaa waa wadaad, waa miskiin, nacas naag naag ah oon rag wax la qaybsan karin, iwm, sidoo kale qofka sama-doonka ah isna cay ka sokow waaba lala dagaalamaa oo la collaadiyaa, waxaana markhaati kaaga filan in maanta qola kaste ay dhexdeeda kala dagaalanto oo disho ama cadaadiso qofkii ay ku tuhmaan in uu maslaxo raadis yahay, waxaana lagu eedeeyaa Sulux, hadaba waa adigaa arkaya in qola walbaa ay ku qayliyaan Suluxu ha dhaco, iwm

Sidoo kale waxaa Xarako Islaami ah oo jirta lagu eedeeyaa magacooda oo ah; Islaax, waase yaabka yaabkiise sidee loola dhaqmaa dadkan ay maslaxada iyo wanaagu heerkaas ka taagan yihiin?

Aan u soo noqono qoraalkeeniiye, magaca Waraabeeya isna wuxuu dadkaas ugu baxay in ay ahaayeen deeqsiyiin dadka biyo waraabiya xilliyadii ay biyuhu ciriiriga culus ku jireen, inkastoo ay dadka soomaaliyeed ku faanaan marti soorid, deeqsinimo, iyo huguri xumo ka dheeraansho hadana weli ma gaarsiisna heerka ay sheeganayaan, dadkan ay yasaan oo iyagu ah kuwa ugu dheereeya noocaasna way kala dagaalamaan oo way duudsiiyaan xuquuqdooda, waxayna ku caayaan qofkooda ay rabaan in ay wax ka qaataan ee isku dhejiya (midgaan, yaxar, boon iwm),

Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa qisadan sheegaysa; Waxaa safray nin, markaa ayuu saadkiisii oo isugu jira noocyo cunto oo heer sare ah ku rartay midgaankiisii, laakiin ninkii marka uu wax cunayaba waxba kama siiyo midgaankii ee markuu u soo habeeyo ayuu gooni isaga fariisiyaa, ugu dambaystiina intuu midgaankii nafta u yaabay gaajo awgeed ayuu hadalkaan ku tuuray ninkii (Ajiyow Midgaanna ma tihide ma hooyadaa baan Aji ahayn)?"

Yibro, iyagu waxay ka mid yihiin dadkii afku qaraabadka yiqiinay ee loo aqoon jiray Afmaalka, Laakiin noocooda Afmaalnimo ayaa gedisnaa oo waxay iyagu ku dhacaan dadka awoodo been ah oo qarsoon, iyagoo ilmihii dhashaba ka qaada baad, tiiyoo ay dadku ka baqayaan in haday u diidaan uusan ilmahaasi sii noolaan doonin. Isla sidaas ay ku handadayeen dadka ayaa hadana looga dhigay cay, maadaama aysan la mid ahayn kuwa gubta loo yaqaan ee geela dhaqda, Waxaase iyana fool xumo kale ahayd markay kuwoodii ilbaxay dhawaan sheegteen in Yuhuud yihiin, oo magacooda Yibro uu ka yimid magaca Yuhuudda ee ah Hibru, tiiyoo lagu sii andacoonayo Soomaalida oo idlina waxay ka sii farcantay qoladaas

Dadkani inkastoo laga helayo meel kaste oo dalka ka mid ah hadana waxaa u asal ah waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka, laakiin siyaasadooda nololeed ayaa ku salaysan in laga helo meel kaste oo uu ku nool yahay qoys Soomaaliyeed

Jaaji ama Dabato, waa dadka ku noolaan jiray kalluumaysiga, waxaana looga dhigay shaqadoodaas ceeyb lagu yaso, welina laguma cadayn karo dambi aan ahayn in ay kheyraadkaas Alle u xalaaleeyey kala soo baxaan badda, deegaan ahaana waxay u badan yihiin xeebaha koonfureed ee dalka

Birtume, waa Farsama yaqaanadii isku dayey in ay la qabsadaan ilbaxnimooyinkii waayahaas bilowga ka ahaa dunida, maantana faraha ka baxay oo aan lala qabsan karin

Waxaana lagu eedeeyey in qof ka mid ah deegaanadaas maalin lagu arkay isaga oo weelkiisa kabanaya, ama shey kale farsamaynaya iwm

Kaba tole, waa sida la arkayaba Farsama yaqaanno damacsanaa in ay ku shaqaystaan, dalkana horumar ku gaarsiiyaan farsamada Kabaha iwm

Lo'jir, waa isla sida uu magucu tilmaamayo, oo waa dadkii lo'da dhaqanayey iyo kuwii qawsaarada ka ahaa ee iskooda isaga shaqaysanayey, waxaana ceeb iyo dambi looga dhigay hab nololeedkoodaas iyo hab dhaqan dhaqaaleedkoodaas, waxay dadkani asal ahaan u degaan magaalada Ceerigaabo iyo agagaaradeeda,

Si ay inoogu cadaato waxyaalaha sababayey is midgaamaynta iyo iskala hufka beenta ku salaysan waxaa ila qurxoonaatay in aan soo bandhigo mid ka mid ah qisooyinka ay magacyadani ku baxaan, waxaanan ka soo qaadanaynaa qisada Hawraarsame oo ah sidatan :-

Nin boqor ahaa ee ka mid ahaa qolada Mareexaan oo la oran jiray Maxamed Daa'uud, ayaa waxaa dilay niman ardaallo ah, ka dib waxaa ninkii loo qabsaday dhammaanba beeshii ka ag dhaweyd soonaha ay nimankaasi ka yimaadeen

Muddo dheer baa loo fadhiyey sidii lagu xallin lahaa arintaas, iyadoo ay weliba dadkii lagu eedeeyey aqbaleen wax aale iyo wixii loo soo jeediyo ama lagu xukumo, hadaba wax arintii la rog rogaba qoladii la xukumayey waxaa loo baxshay (Hawraarsame) oo macneheedu yahay Aqbal wanaagsane, koox ku taagnayd oo magtii la keenaba lahayd celiya waxaa loo bixiyey (Celi), doodii dheeraatayna waxaa ka baxay hal hays ah (Arintu daba dheeraa ma magtii Maxamed Daa'uud baa)?

Ugu dambaystiina waxaa taladii lagu gabangabeeyey in dadkii la eedaynayey laga dhigo midgo, taasoo jidka loo marayaa uu yahay in laga dhaco wax Alle iyo waxay xoolo haystaan, laguna xareeyo xero aysan ka bixi karin, markay nafta u yaabaana loo soo dhigo Bakhti, iyadoo haduu qof ka mid ihi cuno bakhtigaas ay kulligood ku sugnaanayso (midgaanimo)...

Waxaa qoray Yuusuf Cali Aadam

Yusuf@journalist.com  

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement