Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Nolosha Iyo Xaaladaha Puntland ka jira... (Qalinkii Yusuf Ali Adan)

Marka hore illaahba mahad oo dhami u sugnaatay oo iga badbaadiyay shirqoolkii horjooge Cabdiraxmaan Faroole iyo kooxda Aaranjaan.

Waxaan halkaan idiinku soo gudbin qeyb ka mid ah noloshii xabsiga Boosaaso. 

Waxaa la iga afduubtay habeennimo Khamiis soo galayso maalin Arbaco 7 bishii luulyo 2010 goob makhaayad oo ku dhow gurigeena magaalada Boosaaso, halkaas oo aan ka fiirsanayay ciyaar ka mid ah ciyaarahii koobka adduunka ee lagu qabtay dalka Koonfurta Afrika sannadkii hore ee 2010. 

Waa abaare 9kii fiidnimo waxaa makhaayada soo galay shan nin oo aan xirnayn darayska ciidanka, balse ku hubaysan qoriga AK47. Waxay igu qabteen qori kadiban waxay yiraahdeen istaag iyagoo mid ka mid ahi yidhi "waa lagu baarayaa..." baaritaan kadib waxay igu yiraahdeen soo fuul gaarigan, markii aan weydiiyay waxay yihiin iyo sababata aan u fuulayo gaarigana waxaa la igu billaabay qoriga baagiisa dambe, xoog iyo jajuub ayaana la igu saaray gaarigii, illeen waa nimman aan sharcigaba aqoone... 

Waxay waceen telefoon u direen qofkii soo dirsaday oo aan filaayo inuu ahaa wasiirka dekeddaha Siciid Maxamed Raagge oo dhowr mar isaga iyo wiilka Faroole iga soo hanjabeen telefoonkayga gacanta.  Wuxuuna yidhi kaabo ciidankii watay ragga ii afduubay "Waan soo qabanay ninkii, haddana xeebta u sii wodna oo ku tooganaynaa". balse qofkii ay la hadlayeen oo aan filaayo inuu ahaa wasiirka dekeddaha Siciid Maxamed Raagge ayaa ku yidhi "Ha tooganina ee geeya xabsiga dekedda Boosaaso, subaxii ayaan halkaas ugu iman"... telefoonkii ayay ku demiyeen kaabihii watay maleeshiyadku. 


Waxaan soconaba waxaan tagnay dekedda Boosaaso, waxaana la igu wareejiyay taliyahii habeenka ciidanka dekedda haystay oo la yiraahdo Abshir Maxamed Cabbaas... Aqoon badan uma lihi Abshir Maxamed Cabaas waqtigaa balse isagu waa ii yaqaan oo wuxuu ka mid ahaa dadka akhrista maqaallada aan ku qoro Somalifans Online. Wuxuu silsilado iga xiray lugaha waxaana u igu xiray qol ku yaal irida hore ee xabsiga Boosaaso. 


Habeenkii seexday xabsiga dekedda Boosaaso, subaxnimaddii waxaa ii yimid afar gawaadhi oo ciidanka PSta ama ashahaado la dirirka la yiraahdo oo u hoggaaminayay nin la yiraahdo Darwiish, afka ayaa u duubban dhammaantood marka laga reebbo Darwiish oo ah taliyaha hoggaaminaya. 

Markii la igu wareejiyay ciidankii PSta waxay madaxa ii geliyeen bac madow si aan u arkin uuna ogaan halka la ii wodo iyo halkaan u soconaaba. inkastoo markii dambe ee bacdii la iga saaray aan oggaaday meesha la ii keenay iyo halka ay tahay, waayo aqoon badan ayaan u lahaa meesha ay deggan yihiiin PStu... Yaysan ka hoos bixin Boosaaso inaan ku dhashay ayna tahay magaaladii aan ku soo barbaaray, luuq kasta iyo guri kastana aan aqoon u leeyahay, inkastoo aan filaayo inuu taasi mooggana Darwiish madama u ka yimid Galaadi iyo Mudug sare. 

Muddo shan iyo toban cisho ah ayaan ku jiray gacanta PS-ta, waxaan la kulmay jirdil (gaaracis, koronto iyo weliba jawaano xabadka laga saarayo) intaa waxaa ii dheera waraysi joogta ah iyo handadaad. 

22 Luulyo subax Khamiis, Waxaa Aroor hore Nalagu amray inaan banaanka u soo baxno, anniga iyo dhowr qof oo igula xirnaa qolka aan ku jiray, kadibna indhaha ayaa nalaga xiray waxaana nalagu guray gaari shabaqle ah..

Ma naqaan meel naloo wodo lakiin waxan nahay 6 qof, anniga, wiil ku eedeysan inuu bom gacmeed ku tuuray ciidan iyo weliba afar dhallinyaro ah oo iyagoo murqaamaya la soo xiray.... In muddo markii aan soo soconay balse aan nimid halkii naloo woday oo ahayd xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (GaalShire). Gaarigii oo istaagay iyo soo dejiya ragga ayaa is xigay, waxaa indhaha iga furay mid ka mid ah askartii na woday, Mar allaala iyo markii aan cagaha dhulka dhigtaba waxaa la igu boobay Budh (Ulo Waweyn) Iyo Weliba Fiilo caag ah. Waxay aheyd Maalin kale oo dhib badan, anniga iyo maxabiistii kaleba sidii naloo tumayay, annagoo naf la caari ah waxa nalagu xeereyey qol la dhaho ''TITANIC'' Oo xabsiga qolalkiisa ka mida, Waa qol aay ku jiran ugu yaaran markaasi dad aan ku qiyaasayo 250 maxabiis ka badan.


23/July/2010

Waa Jimce, Horjooge Cabdiraxmaan Faroole waxaa u khudbad dheer ka jeediyay masaajid ku yaalla magaalada tolkii ee Garoowe wuxuuna igu sheegay inaan ahay nin u addeega kooxaha argagaxisada, uuna qaabilsan faafinta wararka liidka ku ah maamulka Puntland, sidoo kale wuxuu ku sheegay qoraallada aan ka qori jiray maamulka halka qoys isku koobay ee Puntland kuwa cadowgu sameeyey.... Dabcan horjooge Faroole aqoon badan ayaan u leeyahay, oo Puntland muddada u xilka hayay waxaan ka qoray warbixino badan oo aan ku tilmaamay musuqmaasuqa isaga iyo carruurtiisu ka woddaan deegaannada Puntland, kelitalisnimada, dilalka qorsheysan ee isaga iyo maafiyada Aaranjaan ka fulinayaan Puntland, balse isagu aqoon badan anniga ima leh marka laga reebbo wararka loo geeyo ee igu sabsan iyo dhowr mar oo wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan oo aan u aqaan "Af Bakhaar" telefoonka iga soo hanjabay.

Faroole waxaa u dhammaatay afar sanno, intaas u Puntland maamulayay waxaa la dilay, wasiir, garsoorayaal maxkamaddeed, ganacsato, haween iyo weliba dhallinyaro, dhammaana dilalkaasi maaha kuwa ay koox argagaxiso fulisay ee waxaa u badan kuwa horjoogaha iyo kooxdiisa Aaranjaan fuliyeen... Waqtiga Faroole waxaa ka dhiman muddo koobban inkastoo aan fileyn in Puntland isbedel ku iman doonno.

Horjooge Faroole wuxuu ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen, waxaana xilka uga horreeyey Gen. Cadde Muuse Boqor oo Cismaan Maxamuud ah iyo Cabdullaahi Yey oo Cumar Maxamuud ah, waxaana ay Puntland u muuqata in dib loo soo billaaban doonno qori isku dhiibka, Cumar, Cismaan iyo Ciise Maxamuud. Waxqabad la'aanta iyo musuqmaasuqana lagu jiri doonno haddii aan dadka Puntland isbedel la iman.

Aan dib ugu soo laabto xabsigii, ciqaabtii iyo tacadigii eey jeesha xabsiga ee u hormuudka ka ahaa Shire Baadhi. 


Nolosha Xabsiga ---


Xabsiga Qeybta Ragga Waxa u ka kooban yahay 8 qol, Waxxaa ugu weyn qolka aan ku jiro ee TITANIC la magac baxay, Waxaa ku xeereysan maxaabiista ugu tiro badan, Dadka xabsiga ku jira Hal meel ayee ku wada jiraan, Mid wax dilay, mid wax xaday, mid wax kufsaday, mid siyaasad u xiran, mid burcad baddeed ah, mid dhaqan celin u xiran iyo waddaad argagaxiye lagu eedeyeyba. hal qol ayaa la isagu wada geeyey.


1. Caafimaadka

Xabsiga Intii aan ku jiray Waxa igu dhacay Xanuuno aad u tiro badan kuwaas oo aay ka mid yahiin, xanuunada ku dhaca jirka gaar ahaan maqaarka, hurdo la,aan iyo weliba cuntadii oo aan ka go,ay.

Dhinaca kale ma joogo Xabsiga Dhaqtar wanaagsan, lagumana ogola in lagu geeyo Isbitaalka Bososaaso, Waxaa hada xanuunsato lagugu yeeraya Askaari kaas oo haddii u doono ku siinaya daawo khaldan sida anigaba igu dhacday, Waxa kale oo jira dad u dhintay daawoyinka u dhaqtarkaasi siiyay oo qaarkood ahayeen kuwa loogu tallogalay daaweynta xoolaha.  



2. Waxbarashada

Dadka Waalidka ah Ee Ilmaha dhaqan celinta u keena qeybtood waxa ka dhaadhacsan Xabsiga in wax lagu barto, lakiin waxa keliya ee lagu barta Xabsigan waa Sigaarka, Suubinta Khamriga IWM, Waxa igu naxdin badna Wiil dhalinyaro ah oo Aan deris aheyn Waalidkiis u keenen dhaqancelin Inuba meesha ka yahay Xubnaha sare ee ku taqaqusay Khamri Suubinta, taas oo laga suubinaya Liin, Timir, IWM.... Waxa kale oo  jirta in Sigaarka meesha laga cabaya u yahay Tubako qof soo tufay, Micnaha maxabiista qaar ka mida ayaa loo kaxeeya Sii aay u soo xaqaan Dhulka ugana soo ururiyaan Xabsiga Qashinka lakiin kuwaaas ayaa soo eegta ama soo qaata Xooga Xashiis ah Ama Tuubako Askaari tufay oo meel taala....


3. Nadaafada

Qolalka Xabsigan ma laha Nadaafada, Tusaale Cuntada waxa lagu cunaya Asbuuc ama ka badan Bac madow iyadoon hadii la rabo la dhaqin.... sidoo kale Suuliga Iyo Meesha Aad seexan waa isku muuqdan, Qofka Suuliga ku jira Qofka kale ee banaanka ka istaagan waa isku muuqdan oo waxay tani kugu abuuri dhib waayo Dhinaca Saxaarada oo kale maba Saxaaroon kartid... Waayo Qofbaba ku jeeda oo aan ka jeensaneen... Dhinaca Cudurada Sidaa kan HIV/hepatitis ka qaba si sahal ah baa lagu kala qaadaa (Cadayga & Cidiyo jarta Ama Gadhxiirta waa la iska xadaa) .... Sidoo kale Hal Meel ayaa ku wada seexaneysan 300 Oo ruux ama ka badan Iyadoo aan dadkaasi la baarin Caafimaadkooda, Ogow Weliba Hal Taako Iyo bar ayaa qof weliba loo ogol yahay inu Seexdo... Iyadoon qofku is rog rogi karin keliya u u seexan karo dheeg dheeg, taas laftigeeda waxay sahlin in ruuxa kugu xiga iyo adiga neeftiinu is gaarto taas oo sababi karta qofkaasi hadii u qabo cudurada TB Ama kuwa kale oo faafa inu sii degdeg ah aad u qaado...

4. Qoraxda

Waxaa waxaas oo dhan ka daran quraxda ama quraxaysiga banaanka qololka looga soo boxo Bishii Hal maalin baa la helaa, taas oo Skin diseases badan laga qaado oo Qurunka iyo Xajiinta meeshaas ka buuxda waad yaabaysaa, Injirta Ama lice ka ayaa aad ugu badan oo sidii quraanjadii ayeey u dareertaa, iskabadaa barambaro warkeeda...... !!!


5. Cuntada

Xabsigan Sidaa Xabsigii Hore Ee PIS-ta ama Sirdoonka ma aha Waxa laga cuna keliya...

1. Quraac - Hal Xabo Oo Rooti Ah Iyo Koob Shaah Ah
2. Qaado - Bariis Aan laheyn Wax Qudaar Ama Hilib Ah
3. Casho - Galay Iyo Haruur Aan laheyn Sonkor Ama Saalid midna...



Booqashadii Xabsiga

Intii aan ku Sugna Xabsiga, marka laga reebo Waalidka, Saaxiibada Iyo Weliba Dad kale oo Ii Jecel oo igu soo booqday Waxa kale oo halkaas igu yimid, 15 Bisha November Wasiirkii Warfaafinta Xilliga Cabdixakiim Axmed Guuleed, Guddoomiyahii Gobolka Bari Shiikh CabdiXaafid Cali Yusuf, Guddoomiyahii Maxkamada Denbiyada Culus... Iyo Dad kale oo maamulka ka tirsan, Dhamaantood waxay ii sheegeen in xabsiga la iga sii deyn doonno. sidoo kale waxaa xabsiga igu soo booqday Cabdi Faarax iyo Abuukate Cabdi Barre oo hay,adda International Pen ii qabatay.  

Saxaafada

Saxaafada Puntland gaar ahan Boosaaso waxay isku dayday Sii kasta oo lagu qarin karo Xarigeega in lagu qariyo oo aan la sheegin, Lakiin Warsidaha Galgalanews Ee U Madaxa ka aha Jaamac Ayaanle Feyte ayaa in badan soo bandhigay Cadaalad darada iyo Xarigeega iyadoon Hal Idaacad Ama Website Oo Puntland Ah uusan ka hadlin, In kasta oo markii dambe la ii sheegay in Idaacada Horn Afrik ee Muqdisho Iyo Qaar ka mida Idaacadaha Muqdisho ka hadleen Xaaladda xarigeega... Aniggoo Xiran in ka badan 2 Bilood ayaa NUSOJ ka hadashay Xarigeega.


Sidoo kale intaan xabsiga ku jiray waxaa isoo booqday wariye Bile Qabowsade. 


http://www.fesmedia-africa.org/home/what-is-news/statements-developments/news/article/somalia-nusoj-condemns-continued-detention-of-journalist-by-puntland-authorities/

Bil kadib hadana Waxa Baaq u diray Madaxweyne Faroole 50 Urur Saxaafadeed kuwaas oo ka codsaday in  Dib Xorriyadeeda la igu soo celiyo...

http://horseedmedia.net/2010/10/30/somalia-call-president-puntland-respect-freedom-expression/


6. Erayada ay isticmaalaan Maxabiista Xabsiga



Gam = Aamus weeye qofkaan aamusina Ul baa lagu Aamusin

Nafar calaa boos = Qof walba taakadii iyo badhkii uu lahaa waa inuu isku tuuraa hadii kale waa Ul

Juru bara = Maalaa yacni, igadaa juru barada ayaa jumlad ahaan loo adeegsadaa.

Jaqaa = Jaajuus, Tusaale Madaxda Qolka Qof u Adeega Ama Qof la xiran dhinaca Taliska Xabsiga...



Cadaalad Darada

In ka badan 6 Bilood waxan ku jiray xabsiga dhibka Iyo xanuunka badan, waxaana intaasi ahaa rumaan ama qof Aan wali la xakumin. 

27 Diseembar ayaa markii ugu horreeysay maxkamadda Boosaaso la ii keenay, markaas oo qaadigii Maxkamaddu ii sheegay in la igu xukumi doonno dil toogasho ah, balse 30 isla Diseember 2010 ayaa maxkamadda la iga soo fasaxay iyadoo la ii sheegay inuu cafis ii fidiyay horjooge Cabdiraxmaan Faroole. 

Markii aan xabsiga ka soo baxay labo jeer ayuu Afdalow oo Cabdiraxmaan Faroole ka amar qaadanaya isku dayay inuu nafta ii dhaafiyo, balse illaahay waa iga badbaadiyey shirqooladii Faroole iyo Aaranjaam.

Waxaan ka soo tegey Boosaaso 13 Janawaari 2011, waxaana dibad joog ka ahay dalkaygii, ehelkaygii iyo magaaladii aan ku soo barbaaray ee Boosaaso muddo ku dhow saddex sanno. 

Mahadcelin.

Waxaa Mahad oo dhan iska leh Eebbe, intaa kadib waxaan u mahadcelin Hooyaday oo in badan garabkayga istaagtay, bahdii saxaafada xorta ahayd ee sida geesinimada ah uga hadashay xarigeyga iyo weliba saaxxiibkay guddoomiye Cabdi Faarax iyo Abuukate Cabdi Barre oo garab iyo gaashaan ii noqday waqtigii adkaa.

Image may contain: 3 people



Waxaa qoray Yuusuf Cali

Yusufaliadam@yahoo.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement