Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Soomaali Iyo Qabiil


Dhaqanka layaabka leh ee ay Soomaalida leedahay waxaa ka mid ah in qabiilka uusan qabsan, umadda ka celin ama meel banaan ah ka istaagin masuul reerkooda ka dhashey oo ku kaca xadgudub, musuqmaasuq, ku-takrifal awoodeed, handadaad iyo xabbisid sharci darro ah.


Qabiilka waxay iskugu jiraan:


1) Qolo ku taageerta masuulka gabood-fallada si bilaa gabbasho ah,


2) Qolo si hoose u taageera oo aan banaanka is keenin,


3) Qolo ka xun gefefka laakiin aan ka digin kana hor-istaagin qaladaadka,


4) Iyo qolo aamusan laakiin lasoo kaca difaacid markii masuulka qaldan la iska qabanaayo lagana qabanaayo shacabka dulman.


Tan ugu layaabka badan ayaa ah markii laga adkaado ama meesha laga wareejiyo masuulka xun, qabiilkiisa intoodi badan waxay lasoo shirtagaan, “Qof ayaa dulmi sameeyey, qabiil shaqo kuma lahan”.


Walaalkaa garab istaag hadduu saxsan yahay, hadduu umadda dhib ku haayo ka qabo. Intaas wixii kasoo hara waxaa tahay munaafaq ama waxaa ku qanacsan tahay falalka guracan iyo maamul xumada uu walaalkaa wado.


W/Q Macallin Ibraahim Buulle. 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement