Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Geesi runta jecel – Prof Maxamed Cismaan Jawaari

Soomaalidu waxay dhahda Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg, Balse xaqiiqdu
waa Run Sheeg waa RABBI ka Cabsi, Runta inaad u sheegta Bulshadada oo xaqiiqda kala hadasha waa mid u muhiim ah qof kasta, ogow dadka runta ka rabaa waxaa ugu dhow ehelkaaga sidaa U EEBBE ku yidhi Nabi Maxamed Csw ''U DIG QARAABADAADA KUU SII DHAW''

Haddaba Prof. Maxamed Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka hadlay xaqiiq iyo run jirta, Anniguna aan indhahayga saaray weliba iyadoo qaar ganacsatada ka mid ah siduu hadalka u dhigay oo kale Shabaqle lagu gurin ama madaxa dhalo loga xirin kaddibna la tarxiilin sidaa sucuudigu u tarxiilo dadka Soomaaliyeed oo kale

Shaqsiyan waxaan qaba in dhulka Soomaaliyeed aan annigu meel weliba kaga noolan karo balse Puntland ficilkeeda marka aan arkay runtii waxaan dareemay murug weyn waayo dhul dadka degan afka ka leeyahiin ''Soomaali ayaan nahay hadana dad soomaaliyeed laga tarxiilin ama laga cayrin….'' Runtii waa denbi culus xisaabinteedana la doonayo in dowladu ka hadasho ogow dowladda la doonin inay ka hadasha waa tan u Jawaari ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Annigu Shacabka deegaanka Gobolka Bari ama Xiita kuwa Puntlnad isku magacaabay ma dhihi karo waa wada xun yahiin ama raali aye ka yahiin ficilka dadka masakiinta ah lagu dhibaateyn balse waxaan qaba waxaa dhibka oo dhan suubin waa maamulka ma xishoodaha ah ee qoyska iyo qabiilka ku dhisan ee deegaanada ka taliya.








FB/YusufVIP
Twitter/Iamsomali  



Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement