Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Dastuurku ma mid Muqdisho uun ka shaqeeya, maxaa Puntland u diidday?

Horjooge Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka hadlaayay madal beeshiisu isugu timid magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay hareer martay dastuurkii dalka. Ninka sidaas lihi waa horjooge Siciid Deni
oo lixdii bishii Nofeember ciidankiisu weerar ku qaadeen xurunta gollaha sharci dejinta ee Puntland.

Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ka amar-qaata horjooge Siciid Deni ayaa weerar ku qaaday 6 Nofeember 2019 xurunta baarlamaanka Puntland, iyagoo halkaas ay israsaaseyni ku dhexmartay kuwii ilaalada baarlamaanka.

Israsaaseynta ayaa horseeday in guddoomiyahii baarlamaanka xilka looga qaado sifo sharci darro ah.

Haddaba nimmaan dastuur iyo sharci midna deegaankiisa ka shaqeyn siduu u doonayaa inuu helo dowlad dastuurka iyo sharciga dhowrta?


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement