Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland "21 sanno khasaaro ah"

Maanta oo kale 1-dii Agoosto 1998-dii ayaa la aasaasay maamulka Puntland, maantana waxaa u buuxsamay sannadkii 21'tanaad, dib u socod maahee horusocod lagama arag tan iyo
markii la unkay.

Ma jidho iskuul maamulka hoos yimaada ama rug caafimaad oo maamulka Puntland si gaara uu leeyahay.

Deegaannada qaarkood ceel biyood ama jid loo maro oo hagaagsan ma leh, marka laga yimaado wuxuu maamulkii Siyaad Barre ka tegey.

Jaamacaddaha ama caafimaadka dibaddaha ayaa loo aadda.

Musuqmaasuqa iyo garabeeshinku waa hab dhismeedka maamulka.

Doorasho qof iyo cod ah maaha mid waqtigan dhow soo muuqata ama rajo laga leeyahay, kursiguna waa mid qoys u xidhan oo ay caadeystayaal ku noqdeen.

Canshuurta dadwaynahu bixiyeen waa mid jeebka horjoogaha iyo inta ka agdhow aan soo dhaafin.

Deegaannadii Puntland qaarkood waxay ku biireen maamullada Somaliland iyo Galmudug kadib markiii ay ka quusteen maamulka halka qoys isku koobay.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement