Aadam Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, ayaa baarlamaanka dalka Kenya u gudbiyay mooshin ka dhan ah maxkamadda caalamiga ah ee ICJ iyo dalka Soomaaliya
.
Ducaale ayaa dalbanaaya in badda Soomaaliya, si kastoo ay Kenya ku qaadan karto ay sameyso, wuxuuna soo jeedinayaa saddex qoddob oo mid ka mid ah u ku baaqayo in xoog loogu qaato badda Soomaaliya, halka labada kale ku baaqayaan in maxkamadda ICJ la qaadaco iyo in arrinta badda Soomaaliya dhinaca diblomaasiyadda lagu fiiriyo iyadoo lala kaashanaayo midowga Afrika iyo urur gobolleedka IGAD.
Xildhibaan Aadam Barre ayaa isu muujinaaya dadka Kenyaatiga inuu yahay shaqsi Kenyaanimadu ku weyn tahay, isagoo iska fogeynaaya isirka halkuu ka soo-jeedo; inkastoo uusan marna beddeli karin aragtida iyo aaminka Kenyaatiga ee ah inuu yahay shisheeye Soomaali ah oo aan marna la mid ahayn dadka ku abtirsada Kenya. haddana Aadam Ducaale oo u muuqda nimmaan is aqooni wuxuu isku deyayaa inuu isu muujiyo dadka Kenyaanka ah.
Xil. Aadam Barre ayaa ku abtirsada qowmiyadda Soomaalida, waxaana dastuurka dalka Soomaalidu siinayaa xaqa jinsiyadda sida ku cad qoddobka 8-aad ee dastuurka dalkeenna, farqahiisa 1-illaa-4.
- Ma dhihi karnaa dastuurka Soomaaliya qoddobka ka hadlaaya shacabka iyo jinsiyadda wuxuu u baahan yahay isbedel, markaad aragtid shaqsiyaad la mid ah Aadam Barre Ducaale oo shisheeye kalkaal ah? Dabcan jawaabtu waa mid iska cad waana ´´¨HAA´, isbedel mabaadi´da dastuurka ku xusan qaarkood ayuu dastuurku u baahan yahay.
0 Comments