Soyaalku wuu soo noqnoqdaa, ammin hadda laga joogo 35 gu’ waa 1985tii ayaa waxaa ka dhacay gobolka Togdheer xaruntiisa Burco bannaanbaxyo ciidamada booliiska looga soo horjeedo.
Muuqaalka Yuusuf Cali Aadan ee Farmaajo.
Waxaa socotey ciyaartii gobollada kaddibna dadkaa ka gadooday, garsoor xumo gobolka togdheer oo marti loo ahaa lagu sameeyey.
Dhallinyaradii ayaa dhagaxtuur iyo waxay bilaabeen inay ku qayliyaab booliiska.
Cabbaar dabadeed ayaa ilaa xerada gaaska oo waqooyi bari kaga aadan Garoonka kubbada cagta ee ALAMSEY waxaa is qabsaday ciidamadii dowladda, Ciidamadii xoogga, Daraawiishtii, Booliiskii, Koofiyad castii iyo Guulwadihii.
Nin hooraaye la odhan jirey AUN oo dadka qaar inuu waalan yahay ku tilmaamaan balse MAAMIYE AHAA( filisoof) ayaa isagoo waddada taagan yidhi“ War waa maxay ciidankan, kaarayaasha iyo beebayaasha wataa?“
Markaasaa lagu yidhi“ Ciyaalkiibaa shiiday galabta sidaasay u soo baxeen“
Hooraaye AUN ayaa yidhi“ Ciyaalka Burcee 20 gu‘ bay i shiidayeen weligayna Beebe uma kaxaysane, Dowladdu dulqaad yaraa laba saacadood bay u adkaysan weyday“
Hadda Duq Farmaajo wuxuu u hanjabay dhallintii dhaliilsanayd ciidanka dadweynaha gumaadaya, halkuu garab siin lahaa wuxuuna ugu hanjabay“ Inuu gacan bir ah ku qaban doono, sidoo kale wuxuu ku tilmaamay 4 ilaa 10 oo Qarandumis ah oo dad kale hoosta ka soo direen“
Haddaba Farmaajo hal maalin oo bannaanbax lagu dhaliilayo ayuu u dulqaadan waaye, bal ka warrama dhallinta u dulqaadaneysay ilaa maalintey dhasheen, Qax, Dil, Dhac iyo awood sheegadka ilaa haddana aan gacan bir ah ku hanjabin ee dooni mayno keliya leh?
Farmaajo in ammaantiisa loo bannaanbaxo waa jecelyahay, balse in dhaliishiisa la muujiyo ma jecla?
Waa iga weydiine“ Horta saw dastuurku ma ogola bannaanbaxa dadweynuhu dareenkooda ku muujiyaan?
Duq Farmaajoow Fallaadhi gilgilasho kaagama hadhee Gacanta birta ah, Alshabaab iyo Askartaada kuwa xunxun ku qabo, Dadweynahana waad u geftee raaligeli oo ka xishood Mudane.
W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0 Comments