Ninba berri gabar soo doonay, waa la siiyay gabadhii, waan u soo noqonayabu yidhi, muddo kadibbuu soo noqday gabadhu reer faqiir ah ayay ka dhalatay, gabadhii oo abaari ku dhacday oo xanuunsatay iyo reerkii oo silicsanbu u yimid,
saa intuu u eegay buu yidhi 'wallahi meesha gabadhi ma joogto' wuu iska tegey ninkii wuu iska tegey, ninba soo maray reerkii gabadha quruxdeediibu arkay, dayacana wuu arkay iyo silica gabadha haysta, ninkii reerkiina wuu gacan qabtay gabadhiina wuu qaado xanuunkiibu ka bi'iyay, gabadhiiba aad u qurux badatay wuu u lebisay, kiiba loo sheegay arrintii, markuu maqlay gabadhiiyo oo qurux badan iyo reerkii oo ladnaaday, gabadhii oo lebisatay, gabadhii oo bogsatay ayuu soo noqday. Wuxuu yidhi gabadhiibaan yaan doonaya, ninkii gabadha iyo reerka caawiyay gabadhii waa jeclaatay isna wuu jeclaaday.
Gabadhii ayaa reerkoodu yidhi 'Naa ninkaanu ku siinayba yimid' gabadhii waxay tiri ninku sow ninkii nooca ahaa maaha, haa, ninkana sow ninkii saa ii galay maaha, haa, wallahi maanta aniga go'aan gaaraya oo tashanaya ii talinmaysaan, Puntland xageebay jirtay markii reer Buuhoodle gaajonayeen?
xageey jireen markay dadku harraadka u baabayeen? mooji mooooji mooooji .. xageey jireen markay xanuunsanaysay xagaay jireen? Waa halkii gabadhiiye, Wallahi maanta Buuhoodla go'aan gaaraya oo tashanaya, qolooyinkii marka roobku da'ay ee aad bogsoteen yimid waxay doonayeen inay cisbitaalka arkaan miyaynu u ogolaana? Maya Maya Maya... Sidaas waxaa yidhi Wasiirka caafimaadka Soomaalilaan oo dadwaynaha kula hadlayay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Hadalka ayaa yimid kadib markii horjooge ku xigeenka Puntland soo booqday magaalada Buuhoodle xilli roobab ka da'een deegaanka, iyadoo Puntland aysan deegaanka iman waqtiyadii abaaraha.
0 Comments