Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Gudniinka haweenka:denbi la galay iyo dadnimo lagu tuntay!

Gudniinka haweenka ma soo koobi karno qasaaraha tirada badan ee uu u gaysto haweenka
, mudadii aan ku guda jiray qoritaankaygii labadii buug ee aan ka qoray gudniinka haweenka iyo baaritaanka ku saabsan raadka xanuunka badan ee uu reebay gudniinka gaar ahaan midka fircooniga ah ayaa waxaa igu sii kordhaya shoog iyo murugo lixaad leh sida xadka ka kormartay ee laagu tuntay loogana xayuubsadat sharaftii iyo dadnimadii uu Ilaahay ugu deeqay haweenak Soomaaliyeed.
Xubinta taranta ayay ka bilaabataa qofkasta shaqsiyadiisa, rag iyo dumar waxa ugu horeeya ee lagu kala garto ayaa ah xubinta taranka, Gabadha looguma yeeri karo Xaawo hadii aysan lahayn waxii ka dhigi lahaa Xaawo, sidaas oo kalane Jaamac loogu yeeri karo Jaamac hadii uu san lahayn waxii ka dhigi lahaa.
Xubinta taranka waxuu inoo leeyahay qiimo badan rag iyo dumarba, waa xubin inoogu fadhida macne aanan marnaba qiyaasi karin, Xubinta taranka kaliya ma ahan xubin ka mid ah jirkeena ee waa xubin le magacyo badan, waa maalkeena ama kaydkeena, waa magaceena, waa quruxdeena, waa isku xirka labo qof oo is jaceyl, waxay na siisaa awood aan isku soo bandhigi karno kagana mid noqon karno bulshada inteeda kale waa raadka naga hari lahaa hadii aanu dhimano, waa shaqiyadeena dhabta ah. Isku soo duud duub xubinta taranka la’aantiis waxba ma nihin.
Hasayeeshee gudniinka haweenka wuxuu tirtiraa ugu horeyn shaqsiyadii qofka, waayo xubintii ka dhigi lahayd qofkaas qof ama shaqsi jirra ayaa maqan, taas kaliya gudniinka ku ma harine waxuu kaloo la tagay ama duufsaday ruuxii iyo nafsadii gabadha.
Inkatoo noockasta oo haweenka loo gudo dhibaato gaysato hadane midka fircooniga ayaa ugu halis badan uguna xanuun badan.
Aan ku bilowno dhibaatooyinka jirka ee uu gaysto guniinka haweenka (fircooniga):
Xanuun lixaad leh oo ay dareento gabadha marka la gudayo:
Kaadida oo gubto ama xanuujiso maadaama ay soo marayso meel dhaawac.
Kaadida oo aan soo wada bixin maadaama ay gabadhu tolantahay halkaasna ay ka dhashaan haraaga kaadida dhagaxyo taasne ay keento xunuun infashan ah oo joogto ah
Caadada gabdha oo soo bixi wayday maadaama ay tolan tahay gabadha ayna jirin meel ku filan oo uu dhiigu ka soo baxo iyo xanuun joogto ah xiligga caaddada.
Gabadhu la qabo oo galmada inta badan kala kulanta xanuun ama aysan dareemin mincaha galmada.
Foosha oo waqtigeedu dheeraado iyo foosha oo xanuun badan leh maadaama ay xubintaas inteeda badnayd maqantahay.
Gabdha marka ay dhasho aan aan hore usoo kaban ama u bugsoon.
Dhiig bax ku yimaada xiligga umusha ama marka ay dhaso gabadha ka dib.
Dhimasho kadis ah waqtiga ay dhasho ka dib, sababo badan awgeed, sida u jilicsanaan infakshan, dhiig la’aan kaga yimid dhiig baxii iyo foosha waqtigeeda dheeraaday oo ay tabar dhigto.
Tanka ama adkaysiga gabadha oo yaraada maadaama ay dhawac ka tahay xubnaheeda mahiinka ah qaar ka mid ah.
Dhiig yaraan joogto ah maadaama aysan waligeed ka soo kaban gudniinkii lagu sameeyay markii ay yarayd.
Agagaarka iyo gudaha xubinta taranka oo u jilicsan cudurrada qaarkiis maadaama xubnihii u qaybsanaa difaaca la gooyay, halkaas oo u fududaata in ay maraan ama joogaan bikteeriyada qaarkeed.
Xanuun ku saaqsan gabadha oo had iyo jeer haya.
Gabdha oo laga yaabo in ay ka guurto dhalida maadaama la gaarsiiyay xubnaheeda xanuun laga soo kaban iyo qaybaha u qaabilsan dhalista oo ay ku saaqaan infakshan.
Dhabar iyo lugaha ama qaarka dambe oo markasta xanuuna ama xanuun aan waligiis guurin maadaama ay xidido badan ay howshoodii gabeeen.
Jirka dadka waa fiilooyin ama waayaro isku xirxiran hadii qaar ka mid ah si ba’an loo baabi’iyay kuwa kalene xanuunkaas waa ay dareemayaan taasne waxay keentay xanuun aan dhamaameym in uu gudniinka sababao

Zahra Abdi Hersi  
Zahra Abdi Gabooye 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement