Malahaygna oraahdani waxa ay fasir
ka bixineysaa xiisaha Somalida ee
durba' dhamaado ka hor xitaa inta aysan cusboonidu duugoobin. maadaamo, wixii cusuba uunan ahayn, dhar, guri, gaari, ….IWM oo qur ah, calmashada Soomaalida ee waxii cusub ma ahan ceebteede
waa caadood.
"Mooshin" ayaa noqday
jilaaga Sanadka ee ay bulshada Somalidu ka daba dhacday, siyaasiyiintuna dhab
ugu dhaateen. Waa moodo cusub oo suuqa kasaartay, Saamiga Qaranimada oo gadaalkii danbe beeciisu uu hoos dhacay.
Badanaa, Sacabka iyo Xamaasadda Ka
sokow taageerayaasha Soomalida waxa ay
uga gedisanyihiin kuwa dunida,iyaga oo
aanan qeybin ( xafidin) siirada iyo
hab-noolaleedka xiddigga ay ka daba-dhacaan. Sidaa awoogeedna Xiddiga
"Mooshin" Somalida waxa ay aad
ugaranayaan Kaliya marka uu ku labisto dharkiisa caanka ah ee Laaluush ka,
lakin wajigiisa rumaad ilaa hadda cidana ma taqaan!.Hayeeshee guud ahaan gayiga
Somaaliyeed oo idil, si aad ah ayaa
looga dabadhacay fashion kan.
Muqdisho: labo sano wax aanan dhameyn
, ayaa labo Xukuumadood afka-ciida loo daray , waxayna eersadeen Falaaraha
Moshinka.(Xukuumaddii Saacid Iyo Cabdi-wali).Madaxweynaha Somaliya ayaa si yaab
leh uga badbaaday mooshin lagakeeni lahaa, Waxaa sidoo kale mooshin laga keenay
Xeer-Ilaaliyaha Guud.
Hargeysa: Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland
Mudane C/raxman Cirre ayaa si dirqi ah uga bad-baadey mooshin xilka looga
xayuubin lahaa. Sidoo
kale: duqa magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco
ayaa bad-baday Mooshin ay golaha deeganka lagaadayeen.
Gaarisa: Nadiif Jamac barasaabka
Degmada Gaarisa ayaa waxaa mooshin kalsooni kala noqosha ah ka gudbiyaya Xubnaha
golaha deegaanka ee degmada Gaarisa.
Hadaba waa Maxay mooshinku ?
1-
Moshin sida uu Dastuurku u yaqaan:
Dastuurka Federalka meelana ugama qorna
Mooshin,lakin Qodabka 69aad xarafka(C) ee dastuurka Federalka ah waxa uu awood
u siinayaa Golaha Shacabka in ay la xisaabtamaan Xukuumadda. Iyaga oo awood u leh in ay u yeeraan Xubnaha
Golaha wasiirada si loo hubsado hufanida iyo hawl- gudashadooda ama Su'alo loo weydiiyo.
2-
Mooshin Sida
uu Barlamaanka u yaqaano:
(Dhadhan shaa waalan dhergaana ka daran). Waa waxa dhaguhu maqlaan waxa ugu suuban, waa
isha-dheefta iyo irsiqa. Maalinta deyntii Hotel lada la gudi lahaa.
3-
Mooshin Sida ay Bulshadu u Taqaano:
Dar-bada(feedh) ugu xun ee uu madaxweynuhu ku hiifo, Raisalwasarihii isku
soo taago!
4-
Mooshinka iyo xaqiiqadiisa:
"Moshion" waa weedh Afka Ingriisiga ah; waxaa loola jeedaa
Soo-jeedin. Inta badan Barlamaanada kuwa deegaanka ama Golayaasha Barlamanka
ayaa xaq u leh in ay tiro xubnihiisa ah soo jeediyaan, qorshe dhaliileed ka
dhan ah xukuumadda ama maamulka deeganka, kadib Xukuumaddu waxa ay iska
difaaceysaa edeyntaas, waxaana loo eegayaa
soo-jeedintaas iyo nuxurkeeda had-ba inta uu u adeegayo danta Qaran ka.
Adam Hussein ( Adam Hussein )
Qoraa Daneeyo Arr.Somalida.
0 Comments