Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Kalsooni kala noqosho ra'iisul wasaaraha Soomaaliya

Ku: Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliyeed 

Ujeedo: Soo jeedin kalsooni kala noqosho ra'iisul wasaare Cabdiweli Sheekh AXmed iyo xukuumadiisa

Mudane Gudoomiye,

Annagoo ah xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliyeed oo cuskanaya qodobka 69-Aad farqadiisa (B) Iyo (E) ee dastuurka iyo qodobka 75-aad farqadiisa 1,2 Iyo 3-aad ee xeer hoosaadka Barlamaanka, waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa soojeedinta ujeedada sare ku xusan 




Sababaynta eedeynta kalsooni kala noqoshada ra'iisul wasaaraha 

1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Xasan sheekh maxamuud wuxuu ra'iisul wasare u magaacabay Cabdiweli Sheekh Axmed 12 Dec 2013 xilli baahi weyn loo qabay in la helo ra'iisul wasaare leh awood hoggaamineed iyo biseyl siyaasadeed oo uu xuddun ugu noqdo xiirirka iyo hagida isfaham iyo wadashaqeyn dhexmarta hay'addaha dawladda sida Madaxtooyada, golaha shacabka, golaha fulinta, golaha garsoorka iyo guud ahaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed si wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan loona gaaro hiigsiga Ummadda ee 2016, nasiib darro ra'iisul wasaare cabdiweli wuxuu isla markii la magacaabayba muujiyey karti darro, wada shqeyn la'aan iyo u heelanaan khilaaf siyaasadeed

Barnaamijkii xukuumadda ee u Cabdiweli horgeeyey golaha shacabka 29 Maaris 2014 waxba kama fulin, waayo ra;iisul wasaaruhu wuxuu inta badan waqtigiisi ku lumiyey safaro iyo shirar xulufaysi oo aanay wax-dan ahi ugu jirin dalka iyo dadka SOomaaliyeed ee ka soo kabanaya dhibaatooyinka waaweyn ee ay sababeen colaadaha daba-dheeraday iyo abaaruhu 

Ra'iisul wasare Cabdiweli Sheekh wuxuu si cad u jebiyey qodobka 49-aad iyo qodobka 111E ee dastuurka oo ku aaddan qabka iyo habraaca loo marayo hirgelinta nidaamka federaaliga ah 

Ra;iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu si u fashiliyey, qalalaasana ka dhex abuuray maamul u sameynti kumelgaarnimo ee gobolada ay ka socdaan hawlahaas, taasoo keentay iska horimaadyo cusub oo dhex abuuranta ummada horey nabad ugu wadanooleyd

Ra'iisul wasarahu wuxuu ku xadgudbay awoodaha Madaxweynaha ee ku cad Qodibka 90-aad farqadiisa (C) iyo (E) ee dastuurka, kadib markii uu magacaabay, xilka qaaday ama isku bedelay wasiiro, Wasiiro dawlayaal, wasiiro ku xigeeno, la taliyayaal ciidan IWM isagoo aan wax la tashi ah iyo ogolaansho kala yeelan Madaxweynaha Jamhuuriyadda 


Ra'iisul wasaarahu waxuu si cad ugu xadgudbay Qodobka 99-aad ee dastuurka KMG markii uu kala soo noqday shuruucyadii qabyo qoraalka ahaa ee horyaalay golaha shacabka taas oo kalliftay in sharuuc badan loo baahnaa in la hrgeliyo aanan la hirgelin 

Ra'iisul wasaare Cbdiweli wuxuu si cad ugu tuntay mabaadii'dda aasasiga ah ee dowladnimadda oo ku qotonta wadatashi kalsooni iyo is-ixtiraam, Ra'iisul Wasaarahu wuxuu muujiyey maddadii gaabneyd ee u xilka hayey in aanu fahamsaneyn duruufaha gaarka ah ee dalka ka jira oo ay ka mid yahiin in aynu nahay dal ka soo kabanaya burbur dowladnimo lehna dastuur qabyo ah una baahan dib u heshiisin shacab iyo hoggan is aaminsan

Ra'iisul wasaare Cabdiweli iyo xukuumadiisu waxay ka gaabiyeen dhaqangelinta shurucdii barlamaanku ansixiyey sida sharcig lambar 1.R.16 ee maamul u sameynta goboladda iyo degmooyinka dalka 

Ra'iisul wasaarahu wuxuu ku fashilmay si wadidda iyo dhameystirka hay'adaha dowladda (ciidan iyo rayidba) 

Inta qodfob ee aan kor ku soo xusnay oo dhan waxay waddanka iyo dowladda ku soo kordhisay xasiloonidaro siyaasadeed oo keeni karto in ay carqaladeyso barnaamijyada muhiimka, degdegna ah oo ay k amid yihiin HIIGSIGA 2016, dardargelinta maamul u sameynta gobolada iyo habka federalitionka sugidda ammaanka iyo u diyaarinta waddanka hannaanka doorashooyin 


Ugu dambeyntii 

Mudane Gudoomiye, Mudanayaal 

Markii ay noo caddaatay in Ra'iisul wasaarahu si joogto ah ugu xadgudbayo qodobada dastuurka iyo hanaanka dowliga ah ee soomaalidu ku soo heshiisay xilligan adag ee la doonayo in laga soo kabto burburka dowladeed, bulsho iyo dhaqaale 

Markii aan aragnay in Ra'iisul wasaarahu aanu lahayn awood hoggaamineed iyo deganaasho siyaasadeed oo uu ku hagi karo hawlaha qaranka ee ay u xilsaaran tahay xukuumada uu madaxa ka yahay

Markii aan aragnay in ay hakad ku jiraan hawlihii  xukuumadu, ka dib markii Ra'iisul wasaarahu joojiyey wada shaqeyntii kala dhexeysay qayb ka mid ah wasiiradiisa, golihiisana u kala jebiyey laba kooxood, kuwo uu soo dhoweysto iyo kuwo uu ka soo horjeedo, isagoo aan eegeyn la xisaabtan iyo waxqabad ee ku salaynaya qof jeclaysi, eex dano gaar u ah iyo xaliiftan siyaasdeed, taasoo ka hor-imaanaysa ujeedka ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda oo ku dhisan dib u heshiisinta, istixgelin, wadatashi iyo midnimo

Waxaanu  go'aansannay in aaannu adeegsano awoodda sharciga oo aan kalsoonida kala noqonno ra'iisaul wasaare cabdiweli sheekh axmed iyo xukuumaddiisa


FG. Qoraalkan waxaa la qoray 6/11/2014

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement