Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

ISLAM IYO MUSLIM

Marar badan dadku waxay ku wareeraan farqiga u dhexeeya Islam iyo Muslim.
.labadaas oo la isku milo ayaa badanaa waxaa ka dhasha in Islamkii oo ah diin dhameystiran lagu qaldo aragtida laga qaadanayo Muslin faajir ah oo diintiisii qiyaanaya,waana qatar weyn oo dad badan oo Muslimiin ahna shaki galin karta kuwo aan Muslim ahayna Islamka ka sii fogeyn karta..Sababtaas waa midda dadkii Muslimka ahaa ka dhigtay kuwo sheegato ah oo soo baraarugi doona oo kaliya maalinta cadaabka loo taxaabo,Muslim maaha qofka diinta hogaansada sida rati uu isaga xariga u hayo ee siduu doono u isticmaala ee Muslim waa kan diinta lafteeda iyo Ilaahayba u hogaansan iskana Ilaaliya hebel baa yiri ee qaata Ilaah baa yiri iyo rasuulkaa yiri oo kaliya..taasoo aan dareemayo in dadku ay aad u dhibeyso,,waxaa jira Xadiis saxiix ah oo Nabigu csw yiri.."Muslim waa kan ay Muslimiintu ka nabad galaan carabkiisa iyo gacantiisa"haddii si kale loo eego midka ay ka nabad gali waayaan muxuu noqonayaa? Jawaabtu waa Muslim maaha..dadka Muslimiinta ah ma rabaan in sidaa arrinka loo caddeeyo xitaa wadaadadu ma rabaan taas in la bayaaniyo..waana arrin caruurta fasalka koowaad dhigta xitaa xisaab ahaan loo fahamsiin karo,Mashaqadu waxay ka dhacday in daalimkii uu rabo inuu muslim sii ahaado isagoo Muslimiintii dilaya,,,sidaas darteed xadiiskan dhawaaq ahaan wuu u qaadan karaa laakiin macne ahaan waa ku dhib,,Nasiib darro dadkii Muslimka ahaa waxay u badan yihiin kuwo ka cabsada inay quraanka ku tadaburaan ama maskaxdooda ay ka shaqeysiiyaan markey quraanka akhrinayaan,,waana waajib in qofka Muslimka ah uu barto diintiisa isagoo aaminsan in Kitaabku uu u soo dagay dadka iyo jinniga loona siman yahay barashadiisa,,baaritaankiisa iyo gaarsiintiisa oo uusan quraanku ahayn Hadal dad gaar ah u soo dagay oo ay iyaga kaliya go'aamin karaan fasirkiisa iyo ku dhaqankiisa,,waana inuu qofka Muslimka ah dareemaa inuusan marti ka noqon hadalka Ilaaha dadkoo dhan abuuray..Musliminta hadda joogtaa waa kuwo diintooda marti ka ah mana garanayaan waxa diintooda ay uga bixi karaan oo khatar ku ah caqiidadooda..Mar aan dalka Yemen joogay oo aan dhiganayay Machad Islaamka lagu barto,,ayaa Macalin Falastiini ah uu su'aal i weydiiyay wuxuu yiri."Kaba soo qaad adigoo dalkaada madaxweyne ka noqda maxaad ku xukumi lahayd?Waxaan ku jawaabay "Waxaan ku xukumi lahaa Islamka,,laakiin xukunkeyga waxaan ku dari lahaa xadiis ay Muslimintu dhagaha ka fureysteen oo ah in nabigu csw uu yiri.."Qofkii Qof Muslim ah Gaal yiraahda wuxuu la mid yahay isagoo dilay..anoo xadiskaas tix raacaya ayaan xukumada dilka ah waxaan ku dari lahaa qofkii qof muslim ah gaal yiraahda in la dilo maxaa yeelay waa dilaa,diintii islaamkana gaalnimuu ku sheegay,isagiina wuu gaaloobay.hadalkan wuxuu ka argagixiyay ardadii iyo xitaa macallinkii mana ahayn inay la yaabaan iyagoo muslim ah,,in la dhaqan galiyo xadiis ay kun jeer maqleen kaasoo aan ku dhaaran karo inuu nabigu csw ka sugnaaday,,Maxaa yeelay waa xadiis waaqici ah oo bulshada islaamka ahna nabadooda qeyb ka qaadan lahaa, Nabi maxamed csw wuxuu sheegay in diintu ay ku billaabatay iyadoo qofka aaminsani lala yaabo,,ayna ku laaban doonto iyadoo qofkii ku dhagan diinta ay dadku la yaabaan,,Taas uguma wacna inaysan dadku diinta aqoon u lahayn ee waa iyagoo qaatay fikrado dad kana tagay quraankii illaa hadaad aayad quraan ah soo daliishato ay kula aadaan Imaam baa sidaa yiri..Mana jiro imaam iyo sheekh ku xadgudbi kara shuruucda iyo diinta alle..Musuqmaasuqa dadkii muslimka ahaa ku dhacay,,wuxuu gaaray in dunida muslimka ay ka caroodaan markii baadariga Roman catholica uu soo xigtay hadal boqor hore uu yiri oo ahaa in diinta Nabi maxamed csw ay ku faaftey seefta...taasoo ay jirto ayaa hadalkaas mid kun jeer ka xun waxay dad muslim sheegta ay ka dhagaysanayaan,,mid wadaad ku sheeg ah oo dadka baraya in nabigoodii Injir iyo qashin ay madaxiisu ka buuxdey,,taasoo si toos u ah gaalnimo cad oo loo bareeray..sababtoo ah hadalkaasi faa'ido caqiido ah iyo mid axkaam ahba malaha,mana aha mid yaqiin kordhinaya ee waa mid si cad ugu tumanaya sharafta nabigii ugu dambeeyey caalamka,,waana xujo ay kuwa gaalada ah jidgooyo ugu dhigan karaan inay diintu faafto,.hadalka noocaas ah qofka yiri lama dhagxin loomana qaadan inuu yahay qof ku soo duulay diintii caalamka loogu talagalay ee wali waa shiiq waxaana abaal marin looga dhigay inuu booqdo gobollo soomaliyeed si loo hubiyo in dadku wali ay xoolo yihiin iyo inay diintooda difaacan karaan,,iskaba daaye wuxuu ogaa in dadka wax ka dhagaysta ay yihiin Maafiyo uu mar hore diintoodii ku ciyaaray oo mooda in shiiqu cirka uu ka soo dagay maalin barqo ah,,loona baahan yahay in la maqlo..ciddii maqli weysana ay ridoowday,,hadda xitaa kuwii arrintaa qalad u arkey waa riddo ka carar oo wey baqayaan...waana tii hore loo sheegay in diintu qariib noqon doonto..waana taa oo kii nabiga csw u gafay uu handadayo qof alla qofkii nabigisa difaaca.,

Maalin baa qof Muslim ah laakiin u dhashay dalka siiriya wuxuu i weydiiyey,,Inaan sunni ahay iyo inaan shiico ahay..waxaan ku iri,,labadaba maahi,,wuxuu yiri oo maxaad tahay waxaan ku iri Muslim baan ahay waana magacii Ilaahay iyo rasuulkiisu ay igu magacaabeen,,,wuxuu yiri...laakiin...hadalkii ayaa ka dhex galay waxaanan ku iri...Laakiinta u sujuud oo caabud...waa maxay laakiinta uu iga daba wado mar hadaan u sheegay in aanan ku qancin magac aan Islam ahayn...u fiirso dadku waa kuwo Laakiin badan ujeedaduna waa inay rabaan inay dabeecadooda iyo hawadooda diin kaaga dhigaan iyagoo aayad quraan ah kaa diidaya..

Mararka qaar bulshada Muslimka xitaa kuwooda gaalada la dagaalama waxaa loogu adeegtaa si aan toos ahayn,,,tusaale Nin baadari ah oo jooga Germany ayaa iigu hanjabay inuu i dili doono hadaan joojin waayo wax ka sheegida Kiristaanka,,masege buu sidaa iigu sheegay,,arrintaas ciyaar bey ila ahayd...Laakiin markii aan fakaray waxaa ii soo baxdey inuu sidaa samayn karo asagoo maraya waddo yaab leh oo ah kaliya inuu yiraahdo saaxibka ugu weyn ee magaalada Muqdisho noo jooga waa Maxamed Diinooz laba maalin kama soo wareegeyso in la i dilo..qofkaa sidaa yeelayana wuxuu moodaa in sidaasu xaq tahay laakiin xaqiiqdii wuxuu u shaqeeyey Kaniisad jarmalka ku taalla isagoon ogayn.meeqa qof oo Muslim ah ayaa sidaa ku maqan oo gaaladuna ay ka nasteen?...Ninbaa maalin dhaweyd soo tiriyay waxa lagu garto sharqiyiinta in kastoo magacaasi yahay gacan ku rimis..waxaa ka mid ahaa..
Sharqiyiintu waa kuwa u dooda masaakiinta,kuwa xabsiyada ku jira,iyo dadka la yaso..waa kuwo si fiican qoraaladoodu u diyaarsan yihiin,, waa kuwo u adeega waxa bulsho la yiraahdo,
Ilaah baan ku dhaartee qofka ninkaa sidaa baray inuusan diin Islam cad ku lahayn..maxaa yeelay waa qof raba in bulshooyinka Muslimka ah ay noqdaan kuwo aan gargaar iyo kaalin ku lahayn dadkooda liita si markaa ay u fududaato in macaawinada ama gargaarku uu meel kale ka yimaado...Kalmaduse ma tahay Gaal..maya ee waa falsafad looga horjeedo in Muslimintu wax qabsadaan...Markaasaa la yiri Sharqiyiin..Ilaahse dadka labo ayuu u yaqaanaa Muslim iyo Gaal..laakiin tani waa bidco lagu afduubayo cid kasta oo faham wanaagsan dadka u keeni karta...





W/Q Maxamed Xasan Diini (Mohammad Diinooz)

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement