Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Dowladda Imaaraadka oo kaalmo lacageed soo gaarsiisay danyarta Garowe

Ma aha markii ugu horaysay ee ay hay'ado ka socda Dalalka
Khalijka Carabta ay sama'fal iyo deeqo kale ba, ay ka gaystaan Puntland Bilihi ugu danbeeyay ayaa waxa soo badanayay waji iskaashi cusub muujinaya oo ay wada'yeelanayaan Maamul  Gobaleedyada Soomaaliya iyo wadamada Khaliijka Carabta ee Hodanka ah. 

Hadda ba, maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa ay ka gudoomeen hay'ad sama'fal oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, deeq lacageed oo loogu deeqay dadka danyarta ah, Sabtidii 2-aad ee ina soo dhaaftay.

Deeqdan lacageed oo ay bixisay Jamciyatu Shaariqa Al-Khayriya ayaa dabooli doonta baahiyaha deg-dega ah ee ay qabaan qoysaskan dan yarta ah ee loogu deeqay . 

Sida lagu daabacay website-ka Wazaraada Haweenka Puntland ee http://mowdafa.puntland.so/ , lacagtan oo ah mid cadaan ah ayaa waxa ka faa'iidaysanaya qoysas ka badan kun iyo konton qoys ( 1060) iyada oo qoys wal ba loo qoondeeyay in la siiyo Laba Boqol iyo Konton Dollarka maraykanka ah ($ 250.00).

Munaasabadan lagula kala wareegayay deeqaha lacageed ayaa waxa si wanaagsan u soo abaabushay  Mu'asasada Alminhaaj Puntland waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin, Culumo awdiid, Waziir ku xigeenka Wazaaradda Caafimaadka, Waziirka Caddaaladda, Waziirudowlaha arrimaha Gudaha , Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha, Duqa magaalada Garowe iyo Waziirka Haweenka iyo Horumarinta Bulshada oo ahayd midda iyadu ka gudoontay hay'ada deeqda lacageed. 

Waziir Anisa C/laadir X. Mu'min ayaa mar ay saxaafada ku la hadlaysay Garowe, mahadnaq iyo bogaadin u soo jeedisay Jamciyatu Shaariqa Al-Khayriya  is la markaasna xustay in arintan ay sii xoojinayso xidhiidhkii wanaagsanaa ee soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay labada shacab ee Puntland iyo Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta. 

Ma aha markii ugu horaysay ee ay hay'ado ka socda Dalalka Khalijka Carabta ay sama'fal iyo deeqo kale ba,  ay ka gaystaan Puntland ; haseyeeshee, waxa ay ku soo hagaagtay iyada oo meelaha qaarkood laga soo sheegayo abaaro baahsan oo ka dhashay roobabkii gu'ga ee la filayay oo aan sidii la rabay uga di'in meelo badan oo ka mid ah deegaanada Puntland iyo Soomaaliya ba. 

"Waxa ay tusaale fiican u noqonaysaa arintan Dalalka kale ee Khaliijka Carbeed ,kuwaas oo xidhiidh soo jireen ah oo qoto dheer nagala dhaxeeyay tan iyo ab ogaa, in ay iyaguna jeebkooda tuujiyaan", sidaas waxa yidhi, Yuusuf Cali Aadan oo ah aqoon yahay u ol'oleeya arimaha Puntland, horayna u ahaan jiray wariye . 

Dacmigan dhaqaale ayaa imanaysa iyada oo dhawaan M/weynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, uu u anba'baxay London safar uu kaga qayb galayo-isaga oo u matalaya Soomaaliya- shir looga'ga arinsanayo Maalgashiga Qaarada Afrika oo Afka qalaad loo yaqaan "The Global African Investment Summit." 
Puntland oo ah iyadu mid ka nabdoon koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid iyadu aan jeclayn in ay Soomaaliya ka la go'godo; haseyeeshe, dabada ka riixaysa in ku dhaqanka Dastuurka cusub iyo Nidaamka Fadaraalismka laga  hirgaliyo Dalka Soomaaliya. 

Axmed Cabdi 
halgan85@yahoo.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement