Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

SEDAX SHEYDAAN!

Sheekadan waa male awaal, haatuf baana iiga sheekeeyey, dadka xukunada ridada isku ridaayo yeysan igula soo degdegin, waayo in aysan run aheyn waan hormarsaday
.
Haddaba!!!!
Garoonka diyaaradaha magaalada Dubai, xilli uu aad mashquul uga jiray ayaa waxaa suulli Terminal 1 ku taallo irriddeeda isku wareystay seddax SHEYDAAN!.
1. Mid wuxuu ka yimid Magaalada Maka Al Mukarama ee dalka Sacuudiga, waa caato weyd ah oo nafta ku dabo yar tahay, qufaca iyo diifka ka baxaayana aad ayaa loogu yaqyaqsoodaa.
2. Mid wuxuu ka yimid Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, aad ayuu u cayilan yahay, waa 300kg, wuu dheer yahay, deganaan ayaa ka muuqata, nasiino iyo qabow ayaa laga dareemayaa, wuuna dhaldhalaalayaa.
3. Midna Soomaaliya ayuu ka yimid, wuu gaaban yahay, wuu cayilan yahay, aad ayeyna ladnaan uga muuqataa jir ahaa, balse urka korkiisa ka soo baxaayo, dhididka iyo shiirka looma noolaan karo, diihaal faro badan ayaa ka muuqda.
Midka Sucuudiga ka yimid magiciisa waa waa UF, kan Soomaaliya ka yimid Magiciisa waa AAH, kan Holland ka yimidna magiciisa waa Mr. OK.

.......
Shayaadiintu mid wuxuu ka yimid SACUUDIGA (MAKA), mid wuxuu ka yimid SOOMAALIYA, midka kalena wuxuu ka yimid HOLLAND.
Sedaxdooda isma yaqaanaan, meesha uun bey ku kulmeen, balse waa Shayaadiine way isku soo leexdeen si ay isu wareystaan.
SHEYDAANKII SACUUDIGA:
Midka ka yimid MAKA wuxuu ahaa mid aad caate u ah, daal ka muuqdo, diif badan ka qubaneyso, madow badan, oo dulleysan. Markii ay labada sheydaan ee kale weydiiyeen maxaa sidan kuu galay wuxuu ku jawaabay sida tan:
Waxaan ku noolahay magaalada MAKA, shaqadeydana waa in aan marin habaabiyo dadka deggan MAKA, hawl fiican ayaan qabtaa oo carabta meesha deggan iyagoo Xaramka dhawr tallaabo u jiro ayaan salaadii ka reebaa, qaar qamrada ayaan u shubaa, laakiin hawsheyda si wanaagsan kuma dhamaato.
Kan aan Qamrada u shubo marka uu cabaayo bisinka ayuu ku bilaabaa, kan aan salaadda ka reebo Maashaa ALLAAHU ayuu iska leeyahay, kan aan Zaaniga ka dhigay Istagfirulaah ayuu iska daldalaa isagoo weli dembigii ku jira.
Aniga hawsha qabtay marka ay aayadahaas aqriyaan waa in aan ka cararaa meesha waayo waan ku gubanaayaa, sidaas darteed qofkii aan marin habaabiyey kuma raaxeysan karo marin habaabintiisa.
Tan kale waxa sidan ii dhigay waa carar iyo daal, waayo AADAAN wax la yiraahdo ayey nafta igaaga qaadeen, inta aan labo saacadood ka soo wareeginba waaba kan dhacaayo. Ma nooli aniga, hawsheydana waa wada qabyo.
Weligiin carab ha aaminina, kii aan illaa yaraantiisii soo fidneynaayey baa marka aan is iraahdo hadda ayuu xertaadii toos uga mid yahay balanta iiga baxa oo towbad keena, waa niman xun. Qamrada xitaa in lala cabo ma ogola oo Bisinka ayey ku bilaabaan inta aad bisinka ka carareyso ayuu hortaada dhameysanaayaa qamradii, ayuu hadalkiisii ku soo af meeray.
Wuxuu midkii Holland ka yimid waydiiyey bal maxaad sidan ugu nuureysaa, ma waadan Sheydaan aheyn oo aysan nacaladi kugu dhicin!!?
SHEYDAANKII HOLLAND:
Sheydaankii Holland ka yimid oo qosol iyo daaco ur badan ka wareegay ayaa wuxuu yiri: Waad hoogtay adiga, meel lagu ba'ay ayaadna ku nooshahay, war isaga soo tag oo Holland iska soo dhiib anigaa sharci kaaga dhameynayee.
Isagoo faanayo wuxuu yiri: Dadka Holland jooga waa baarri, mar Qamro ayaan u shubaa, mar sida xoolaaha ayaa labo labo isu saaraa jidka iyagoo jooga, mar nin iyo nin is guursada ayaan dhahaa, mar labo naag ayaan isku daraa, mar Kaniisaddii aan ku xareystay ayaan dhahaa iska diida oo ha imaanina, marka daroogo oo dhan ayaan u keenay oo ku guraa, dhib dhan kama jiro halkan.
Dadka aan la joogo baariyaal waaye, wixii aan faro ayey sameeyaan, anigana intaan lugaha is dulsaarto ayaan ku raaxeystaa.
Xafiisyadooda oo dhan Khaniis iyo Naago ayaan ku safay, nin dhan waan ka ilaaliyaa, waa hayin nimanku, marka Quraan iyo Aadaanka aad sheegeyso maba arko. Naagahooda waan la isticmaalaa, hunguriga ugu macaan doofaar ayaan uga dhigay, lacagtooda oo dhanna waa khamaar iyo ribo. Waxaad leedahay zaani ayaan ka dhigay, aniga heer waxaan gaarsiiyey gabdhaha in dukaamo lagu gado sida dharka baatiga ay Soomaalida xirtaan oo kale. Wax i dhibo oo fiican ama Xalaal ah oo i gubaayo maba arko. mar mar dhif ah ayaa xaafadeyda waxaa soo maraan kuwo mad madow oo Jalaabiib gashan, kuwaas ayaan ka siibi waayey, Madax adeyga kuwaas maahee dhib kale ma qabo, iyagana waa in yar oo qaxooti ah.
Sheydaankii Holland markii uu sheekadiisa soo af meeray wuxuu kii Soomaaliya ka yimid waydiiyey waad cayilan tahay balse daal ayaa kaa muuqda, dhididkaaga urkiisana Ilaah ayaa dadka ka qariyey maahee way dhamaan lahaayeene bal waran.
SHEYDAANKII SOOMAALIYA:
Sheydaankii Soomaaliya ka yimid wuxuu yiri: Aniga kuwo habaaran oo Soomaali la dhaho ayaa sedkeyga noqday. Way i dhibeen, hawsha aan u diro kuma ekaadaane labo jibaar ayey qabtaan, mararka qaar aniga ayaa isku daya in aan celceliyo, marka aan ku daalo waan iska dhaafaa ha is laayaane.
Is dila ayaan dhahaa, marka ay is dilaayaan waan ku raaxeystaa, balse is dilow kuma ekaadaane way is xasuuqaan, dhiigga marka lagaa badbadiyo ma nuuraayo.
Qofkii aan u diray marka ay dilaayaan Bisimilaahi ayey dhahaan, ALLAAHU akbar ayey ku qayliyaan, inta aan bisinka ka cararaayo ayey kala tuuraan hawsha, aniga oo aan qofkii dilkiisa ku raaxeysan ayey kala tagaayaan. Mararka qaar hal qof dilkiisa ayaan u diraa iyagana dad badan ayey xasuuqaan, fidno tii sheydaanka ka weyn ayey geystaan.
Way i daaliyeen, meeshii aan ka fidneyn lahaaba iyagaan kala celceliyaa oo aan ka baqaa in ay i fidneeyaan.
Aadaankooda aad ugama baqo, waayo iyagaba daacad kama ahan, marka ay galaayaan salaadda way is xantaan, marka ay ka soo baxaanna way is dilaan, anigana marka ay aadaamaayaan ayaan dhegaha farta gashadaa.
Shayaadiintii Soomaaliya ku nooleyd xabad ayaa eber ka dhigtay, inta noolna curyaamiin ayey u badan yihiin, waxa dhidid iga baxaayo aad u jeeddaan waa carar iyo neef tuur, waayo dagaal fidno ah oo weyn oo hor leh ayey haatan isugu birtumanaayaan, anigii baa daalay oo ka soo cararay, iyagii baa caabboon oo dagaal doon ah.
Haddii uu idinku jiro mid u socda dhankaas iyo Gaalkacyo ha aadina waan idinkaga digaayaa, waayo fidno weyn ayaa meesha ka soo socta, haddii aan nahay shayaadiinta Soomaaliya masuul kama nihin fidnadaas, anaga ma shidin, masuulna kama nihin, dad fidno u diyaar ah oo nagaga faro dhuudhuuban ayaa shidaayo.
Sheydaankii Holland iyo kii Sacuudiga ka yimid waxay la yaabeen kan Soomaaliya ka yimid cabashadiisa, waxay dheheen oo haddiiba ay iyaga is dilaayaan maad kor uun ka daawatid waaba ciiddaadee, isagiina wuxuu ku jawaabay fidno waxay macaan tahay marka aad adiga abuurato, laakiin marka ay dadkii aad fidneyn laheyd dhankooda ka timaaddo adiga ayey ku saameyneysaa anaga ayey na fidneeyeen oo naga dhigeen caajislayaal aan shaqeysan, waayo iyagiibaa na baray in ay noo shaqeeyaan.
Intaas marka ay sheekada mareyso, Dulyarna uu yaaban yahay, ayaan aniga waxaan la amakaagay in maanta Soomaalidii uu cabasho ka yahay sheydaankii u qaabilsanaa inuu iyaga fidneeyo.
Waxaan maqli jiray aakhiro in Sheydaanku dadka ku yiraahdo aniga kuma fidneyn kuna inkiro, maanta Sheydaankii Soomaalidii iyadoo adduunka la joogo ayuu ka eed sheegtay, ka warama hee.

Mahadsanidiin
Abukar Albadri
abukar.albadri@gmail.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement