Qofka masuulka wuxuu ku qasab yahay inuu haaysto kalsoonida shacabka uu doonaayo inuu
hogaan u noqdo, hanashada kalsoondida shacabka waxay ku timadaa inta badan inuu qofka hogaanka ah uusan ku sifoowin inuu talada dadka ka maroorsado, sharciga baalmaro, xeerka dadka uusan jabinin, awooda dalka uusan ku tagri falin iyo tan ugu muhiimsan in xoolaha dadwaynaha uu si toos ama dadban u lunsan.
Hadaba waxaan aad ula yaabay marka aan arkay sawir laga soo qaaday Airporka Baydhabo, ka dib marka ay magaaladaas yimaadeen 61 Xildhibaan ee ka mid ah Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan wada tashi ku aadan soo af jarida qilaafka siyaasadeed u dhexeeyay Golaha Guurtadda iyo siyaasiyiin qaarkood.
Sida sawirkaan ku cad waxaad arkeeysaa sawirada Xildhibaanadda lagu soo dhaweeynaayo Baydhabo oo si caadi ah uga soo degay Garoonka diyaaradaha Baydhabo, haba ugu horeeyo Gudoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari oo si caadi ah ugu dhex jiro dadkiisa, kasoo ah masuulka labaad ee qaranka Soomaaliya.
Waxaan aad ula yaabay markaan arkay Xildhibaan Sharif Hassan Sheik Aden oo lagu aamini waayay gawaarida caadiga ah, loogana soo qaaday garoonka dayaaradaha Baydhabo Tangi ay leeyihiin AMISON si loo ilaaliyo nafsadiisa, dadka laga ilaalinaayo ay yihiin kuwa uu doonaayo inuu hogaan u noqdo.
Tani waxaan ka baran karnaa?
Waa in qofka masuulka ah uu hanto kalsoonida shacabka, qofkaas waa inuu leeyahay Hufnaan, Xil-gudasho, Dulqaad, Dad uruurin, Sariig iyo Hoggaan wanaagsan. Tani waxay kaloo darsi u noqoneeysaa dadka Soomaaliyeed ee doonaayo inay hogaan u noqdaan umadda Soomaaliyeed hadii ayka soo bixi waayeen waajibaadkooda inay luminayaan kalsoonidda shacabka, waxay kaloo tani muujineeysaa in awooda ay tahay mid ay shacabka ay leeyihiin taas awgeed waa inuu qofkasta oo hogaan doonaayo uu haaystaa kalsoonida shacabkiisa.
Waxaan aaminsanahay in Dowladdu ay tahay shacab, shacabkuna ay yihiin dowlad:
0 Comments