Run haddii la eego oo ALLE laga baqo in wax la dhaliilo
wax ceeb ah ma ahan, oo waxaa ku dhisan dunida dhaliil iyo amaan, waxaanse hubaa in Cabdi-Good uu daaha ka rogay dhako cusub oo ah in la isku dhaliilo qolooca, kufaa-kaca, turaanturada, hawltal-hamaga, doc-wareenka, gefka, maskax gadoonka, qoorsagaarada, suxulka, jilibka, teestada iyo haraatida lagu hayo fanka Soomaaliyeed gaar ahaan heesaha.
Dhaqan doorsan ka daran ma jiro haddii bulshada laga galo afka oo uu ugu horreeyo fanka, waxaa Soomaalida ku habsadey qaran jab meel kasta saameeyey kaasi oo asiibay qayb kasta oo ka mid ah hiddaha, dhaqanka, nolasha ijtimaaciga ah ee bulshada, kaasi oo si gaar ah xididdada ugu siibay maqaamkii iyo quruxdii fanka Soomaaliyeed uu lahaa.
Shaki kuma jiro in loo baahan yahay in la helo hannaan faneed oo badala fanaantii iyo fankii hore oo dabar go'a ku dhaw oo dadkii hal-abuurka iyo ku-luuqaynta caanka ku ahaa badankood noqdeen wax dhintey iyo kuwa da'du u run sheegtey, loona fadhiyo jiil cusub oo badala, waase kee iyo goorma, waa marka la helo fan sal adag ku fadhiya oo xag luuqad iyo xag dhaqan, haddiise uu noqdo jaantaa rogan saw daw ma ahan in diirka laga qaado dacdarada iyo diifta muuqata, maxaase loo diidaya in wixii qaldan la saxo lana dhaliilo.
Anigu Cabdi-Good waligey ma arkin, mana aqaan shakhsiyan inkastoo aan filayo in uu ku nool yahay magaalada aan deganahay, haddana dad isyaqaan ma nihin, waxaanse ku madaxa ugu ruxay sida uu u doonayo in uu u ifiyo boogta u baahan in la daaweeyo oo haddii aan la daaweyn dacar iyo waabayada ka dhalatada sunteedu sanooyin badan ayay qaadanaysaa sidii loo dabiibi lahaa.
Midna waa muhiim in la ogaado qayb ka mid ah xeerarka caalamiga ah ee dadkeenna saxaafada ku lugta leh saldhig inoo ah waxaa ka mid ah “Xoriyadda hadalka”, haddii Cabdi-Good fikirkiisa qalooc ama saxnaan uu ka hadlo waxa uu aaminsan yahay waxay ila tahay in lagu xushmeeyo iyadoo la qiimeynayo xaqa qofka u leeyahay in uu cabiro waxa maskaxdiisa ku jira balse annagu ka Islaam ahaan aynu ku dabaqno wixii aan wax u dhimeyn diinteenna Islaamka.
Way dhici kartaa meelaha qaar in Cabdi-Good uu ku talaxtagay sida ka hadalka ama dhaliishada ruux qabri ku jira oo ay tahay in qofka dhintey wanaag iyo xumaan labada wixii uu ka tagey intii uu noolaa uu mudan yahay xurmo maadama ALLE uu oofsadey ayna gef tahay in xumaan laga sheego, balse macnaha haddii aan u daadago yaan laga guban in la tilmaamo qalooca iyo boogaha ceebeed ee fankeenna ku gadaamaan taasi oo noqotey in qof kasta uu microphone qabsado uuna ku heeso wax kasta oo uu doono tiiyo laga tagey xurmadii, xeerkii iyo xiisihii uu fanku lahaa.
Cabdi-Good haddii uu ka badbadiyey eedeymaha qaar waxaa loo baahan yahay in si cilmiyan ah loola doodo, loo muujiyo waxa ka qaldan, ileyn dunida waxaa ugu xun "Qof qaldan oo wax qaldan saxaya", haddiise arinku noqdo yasid, xaasidnimo, yooyootan waxaan hubaa macnaha loo duulayo ee ah afkeenna iyo suugaanteenna aynu nooleeynayo in ay ku dhamaan doonto "Hal bacaad lagu lisay".
Docda kale haddii Cabdi-Good uu tafaxaytey in uu wax ka sheego miraha ama qaabka loo sameeyey heesaha cusub ee tifaftir la'aanta loo duubo ma waxaynu leenahay odeygu waa saxan yahay ee aynu la saxno waxa qaldan, mise xaalad iyaduba qaloocneyd aynunnu sii qaloociinaa.
Saxaafada iyo dadka fanka ku jira ha noqdaan kuwa heesaha ama kuwa miraha sameeya waxaa looga fadhiyaa inay qayb weyn ka qaataan badbaadinta afkeenna salguurku ku socdo, isla markaana qof kasta sida uu uga qayb qaadan karo uu uga qayb qaato sidii loo badbaadin lahaa dhaxal guurka ku soo fool leh afka Soomaaliga, ileyn 50 sano ka dib waxaa la heli doonaa 4 milyan oo Soomaali ah oo aan isfaheymeyn.
Tusaale arrinkaasi wuxuu yahay 2-da milyan ee caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama kuwa ku koray,2-da milyan ee kale ee ku dhalan doona ama ku koraysa ee ku kula nool min Australia ilaa Minnesota haddii ay kulmaan ma waxay kula tahay inay isku fahmi doonaan af-Soomaali taasi waa habeenkii xalay ahaa ee tagey, waayo anigu waxaan marqaati ahaa magaaladan London Iskool aan subax ilmaha geystey waxaa i soo jiitay hooyo iyo wiil yar oo ay dhashay oo ilmuhu ku hadlo af-ingiriis hooyaduna ku hadlayo af-Soomaali, markaas ayaan niyadda waxaan iska iri "Hadii wiilkan iyo hooyadiis oo hal guri kuwada nool ay isku fahmi waayeen hal luuqada, talow maxay nooqon doonaan ilmaha ku dhashay ama ku koray Denmark, Finland, Sweden, Australia, Holland, Germany, Sacuudiga, Mareykanka, iyo meelo kale".
Ka waran 4-taas milyan oo isugu tagta Soomaaliya ma waxay kula tahay inay luuqad isku fahmi doonaan?, taasi waa mid ka dhan su'aal waa maya.
Dadkeenna wax qora iyo kuwa hadalka wax ku haga xilka inoo yaal waa sidii loo badbaadin lahaa afkenna dabar go'aya ee laga yaabo in uu raaco luuqadaha dabar go'ay ama dhintey, halkii aynu isku eegan laheyn hebel ama heblaayo barnaamijkiisu waa qaldan yahay iyo waa saxan yahay.
Cabdi-Good, talada u taal waxay tahay inta uu kadaba meeraysanayo wax ka sheega fanka waxaa isagana la gudboon in uu kaalintiisa ka qaato badbaadinta afka Soomaaliga, waa halka ay Soomaalidu ka tiri “"Ninka casirkii isaga sheegay cishihii ceebi ma qabato" oo uu magaca barnaamijkiisa ku saleeyo waxa uu ka hadlayo balse tunka aanu ku dheganaan heesaha macno la'aanta ah., macne ahaan in barnaamijka Isir-raaca afka Soomaaliga uu aqoontiisa afka Soomaaliga uga faa'ideeyo horumarinta iyo badbaadada afka Soomaaliga.
Talada ugu dambeysa waxay tahay xushmo waa wax ugu weyn ee qofka bini'aadamka ah deeqda waxaa haboon in la isku xushmeeyo mihnada iyo shakhsiyada qofka, Cabdi-Good dabcan waa nin da'a ah qofkana waa lagu xushmeeya da'ada, waa nin intii ku filan sida aan ka arkay barnaamijyadiisa wax badan ka fahamsan afka Soomaaliga, wax badanna looga faa'ideysan karo, in lagu xushmeeyo aqoontiisa intii ay doonto ha la ekaatee waa lama huraan, isaguna uu ixtiraamo hal-abuurada iyo fikrad curyaasha Soomaaliyeed mid dhintay iyo mid nool dhaliishiisuna ay noqotaa mid aqoon, cilmibaaris iyo cadaalad ku saleysan.
Waad Mahadsantihiin:
Wixii aad ka qabto qoraalkan talo iyo tusaale waad ku soo gudbin kartaa barta facebook-gan ama qaybta hoose ee fal-celinta (comments)

0 Comments