25 Feb 2009 Waxaan booqday tuulada Xamuur ee gobolka Bari waxaana ka diyaariyey warbixin yar oo kooban kuna sabsan
taariikhda iyo magaalada qaabkeeda, magaaladan waa meel dalxiiska ku wanaagsan waxayna wax yar u jirta magaalada Bosaso
Hadaba Tuuladan goorma la asaasay ?
Gudoomiyaha tuulada oo lagu magcaabo Cabdiqadir Faraax Cooraaf ayaa u sheegay warbahinta in la asaasay tuuladan xiligii Caleema saarka Boqorkii Xawadane Oo ka mid aha boqoradii daarood isaga oo sheegay inusan xasuusan kariin tariikhda xiliga balse aay ku beegnayd xiligii boqor xawadane , Mr Cooraaf ayaa sidoo kale sheegay in tuuladani tahay meel ku wacan beeraha gaar ahan Timirta, Qeybaha kala duwan ee Qudarta iyo Waliba Maydiga oo isaguna laga gurto buraaha ku dhow tuulada
Xamur Waa Meel Caynkee Ah ?
Xaqiiq marka aad tagto halkaas waxa dareemeysa qurux iyo degaan wada cagaar ah oo aad la yabaysiid, iyada oo aad ku arkeyso Ilo Biyo ah oo ka soo burqanaya godad yar yar kuwas dhamaan beeraha degaanka laga warabiyo
Tuulada xamur ayaa ah meel ku wacan dalxiiska iyo dhul beeredka iyada oo qofta taga u is dhahi karo meel ka qurux badan kuma taal degaanka puntland
Dadka degaanka oo sii weyn igu soo dhoweeyey halkaan oo ah xamur ayaa i sheegay inay aad uga xun yahiin in degaankan usan wax taageero ah ka helin maamulka puntland oo aay hoos tagan, waxayna ka codsadeen maamulka p/land inay degaankan ka caawiyan dhanka Beeraha oo aay keenan halkaan alabaha wax lagu beerto ee aay u yaqaniin Siirka Ama miraha qudrada . kuwas oo hay’adaha calaamiga ahi ugu deeqan dadka beerla-leyda ah balse aan la aqoon meesha la geeyo iyo halka lagu beero Siirkaas
Dadka degaanka ayaa sidoo kale ii sheegay in wax badan iska bedeleen hab nololeedka degaanka oo aay dadkii intaa badan halkaasi uga carareen waxbarasho la’aan, iyada oo halkaas aysan ka dhisneyn wax dugsi ah ama goob waxbarasho xiita hal qol oo caruurta wax lagu baro
Sidoo kale waxay sheegen in aysan magaaladu laheyn goob cafimaad, iyo masajid, taasi oo ah wax laga niyad jab weyn
Degaanka xamur ayaa ah meel aad ugu dhow magaalada bosaso waxayna ka mid tahay magaaloyiinka hoos taga, degmada bosaso
Degaanka xamur oo hore logu aqoon jiray xamur saddexan ayaa waxa mataano la ah tuuloyiinka aay ka mid yahiin Dameer Iyo Duudshabeel oo dhamaan ku dhow magaalada bosaso
Xamur ayaa 38Km u jirta magaalada bosaso halka aay degaanka Laag u jirto 5Km kana xigto dhanka gaalbeed
Tuulada xamur waa magaalada xiliga xagaga ah laga keeno timirta lo iibgeeyo degaano badan oo ku yaala dowlad goboleedka puntland taasi oo hadii lo heeli laha hawlgal adeeg keeni laheyd horumar weyn madama timir aad u fara badan laga keeno xiliga ramadaanka ah dalal ka baxsan somaliya .

Ugu Dambeyntii xamur iyo dadka degaan oo ah dad aad ugu wanaagsan soo dhoweeynta iyo somalijacaylka ayaa sii weyn nogu soo dhoweeyey halkaas oo aan galabta dib uga soo labanay,
Waxan hadaba akhristayaal idiinka soo qaday degaanka xamur sawiro aad u qurux badan AL ILAA DAAWO HADABA
0 Comments