Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Qiso Aad u Xanuun badan...... (Fadlaan Akhriso)

Qisadani dalka Yeman ayey ka dhacdey, waxayna ku saabsan tahay Gabar Dhalinyaro ah Qoyskeedana ay jecelihiin inay Waxbarato (maadiska) Qoyskeeda Salaadda Ma aysan Xifdin jirin, inay Musalsalaat iyo wuxuusan Allah ka-raali ahayn Fiirsadaan ayey ka door bideen Cibaadadii Allah u abuuray

Maalinkii ayey jiifan jireen si Musalsalaatka u Fiirsadaan Habeenkii halkaasna Salaaddii ayaa ku
dhaafi jirtay

Gabadhaan Dhalinyarta ah ayaa ku Riyootay in Nin u yimid kadib u dhahay Nafta lagaa qaadi Bil kadib, Waalidkeed ayey u sheegtay Riyadeedii iyo wuxuu ku dhahay Ninkii, waxayna ku dheheen waalidkeed inan yar tahay maxay tahay waxaan aad sheegayso Jamacadaada dhigo

Dhawr Maalmood markay ka soo wareegeen ayey hadana Riyootay sidii oo kale 2 Usbuuc ayaa ku harsan ayuu dhahay, Waalidkeedna Dhag jalaq uma siin Riyadeey ku Riyootay 

Nolosheedii hore ayey sii wadatay Usbuuc ka dib ayuu Ninkii u soo noqday una sheegay in 1 Usbuuc u harsan yahay si ay u Tawbad keento, wuuxuuna u sii raaciyey intaas in la Fiiriyo oo Marada laga qaado Wajigeeda markay Dhimato

Asxaabteedii ayey u shegtay Dardaarankii uu siiyey Ninkii Riyada ugu yimid, Sidii u caadada u ahayd Gabartii Jaamacadii ayey ka soo Rawaxdey markay Qubeysatay oo ay Qadeeysay ayey Seexatey. Mawtkii ayaa u soo Xaadiray ayadoo Huruda, halkaas ayeyna ku Geeriyootay Tawbad La'aan iyo Waalidkeedii oo ku Calaacalay maxaan u Rumaysan weynay Riyadeedii, Ayadoo Halkii laga Murugaysan yahay ayaa soo Waceen Asxaabteedii ay u Sheegtay Dardaarankii ahaa in Wajigeeda laga Feydo Marada sidii ayaa la sameeyay

Subhan'allah Waaba Mas-weyn oo 2diisa Carrab ku Ciyaarsiinaya Indhihii Gabadha Dhimatay!, 

Kaddib waa la Naxay waxaana la is Dhahay haddii Maydka Talaajada Barafka lagu Rido ilaa 2 Usbuuc Maskaan wuu Dhimanaya, lakiin Allah wuxuu soo Dirsaday ayuu ahaa muusan Dhiman Allah Arinkiisana Cid celin kartaana ma jirto Qabashdiisuna wey Adag tahay

Waxaa la Go'aansaday in Maydkaan iyo Maskaan la wada Aaso, madaama Arinkaan yahay Ciqaab Allaah Xagiisa ka yimid, waxna laga Qaban karin

Waa La Aasay maskii Allah u soo Dirsadayna wuu la Galay Qabriga Subhanallah!. (ILAAHOOW SHEYDAANKA NAGA QABO, OO IIMAANKEENA NOO SUG YAA RABBI)



W/Q Xassan Jibaar  

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement